Wasiirka Macdanta Waa Aafada Xukuumaddan !!!!!

0
Tuesday August 05, 2014 - 20:23:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Macdanta Waa Aafada Xukuumaddan !!!!!

    Wasiirka Macdanta Waa Aafada Xukuumaddan !!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Macdanta Waa Aafada Xukuumaddan !!!!! Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee xogreebnews.com
Wakhtigii xisbiga kulmiye uu talda wadanka ku guulaystay waxay doonayayeen inay baabiiyaan oo ay la dagaalamaan musuqmaasuqa sida ay shegeyeen waagaas!!, taasina may dhicin waxaana ku dhacay dadkii doortay kulmiye waagaasn niyad jab oo isqabsi aan dhamaanayn, marku ku guulasatay kulmiye 2010 ki mudo yar waxaa dhacay in wasiirka macdanta iyo tamarta xuseen Cabdi Ducaale uu ku noqoday dadka ugu hadal haynta badan ee cashuurtii laga qaadayey hooyooyinka suuqa ku iibiya xabuubta inay noqotay mid lagu tagri falo waayo, oo looga faaiidaysto si aan dareen wadanimo iyo mid muwaadinmo ku dheehan tahay uu ku kaco wasiirkan ,runtii waxaa dhabar jab iyo u qaadan waaa ku noqday quruba joogii oo hilmiladoodoo iyo higisigii ay rajeynayeen in somaliland ka mid noqoto beesha caalamka ka dhigay hal baacad lagu lisay, boobka iyo gabood falka uu ku hayo iyo bir mageydadii somaliland gaar ahaan dadkii ay filayeen ina damiir yeeshaan oo wadanka wax ku soo kordhiyaan sida wasiirka macadanta oo runtii usoo tafa xaytay boobka maatida reer somaliland iyo khayraaddkooda. wakhtigii halganka loogula jiray taliskii siyad Bare ee jaaliyadda marekanka gaadh ahaan magaaladda los angoles oo degna xuseen wuu ka soo hor jestay halganka jaaliyadda waagaas , qof walba oo reer somaliland u dhashay wuu galay halgankaas inyar mooyaane xuseena wuxu ka mid aha dadkaas, waxaa uu xataa wakhatigaas sameeyey inuu kale qaybiyo dhamaan jaaliyadii reer mereykan oo uu ku dhex abuuray inuu ku sameeyo inay u kale qaybiyo reero, wakhtigaas laakin umay soorta galin waayo dadku way midesnaayeen oo halkan bal loogu wada jiray, kadib ayuu sanadihii danbe ku soo biiray kulmiye isaago raba inuu wadanki ka soo hor jeeday shalay inuu baabi’yo hantidiisi oo maalin walba fadeexaadd maamuleed la imanaya ,waxaan u soo jeedinaya waad ku ceebesan tahay dalka ee is casil !, midhihii xukuumaddan waxa ka mid ah wasiir xuseen oo u soo shaqa tagay khayraaddka dalka wanna wasiirka ugu musuq maasuqa badan xukuumaddan maanta talisa.

waxaana markhaati ah in la yaqaano mushaarka wasiirku qaato iyo sida mudada yar ugu bixiyey lacagtii lagaga lahaa Aqalkiisa ku yaala duleedka magaladda los angeles in ka badan 500 kun oo dollar, waxaa halkaas ku cad in lagu hungoobay wasiirka macadanta ilayn talo iskuma kaa sheegto, hadaba waxa is waydiin leh waxay dawladdu u haysato raga ku suntan barta madow iyo aafada ku habsatay shacabka reer somaliland? dawladdii hore ee Daahir Riyaale ayaa laga furfuri waayey wasiiro wakhtigaas ahaa, wakhtigan oo xukuumadda kulmiye doonayso inay mar kale dib u soo gasho doorasho oo aan shacabku mar kale aan dooranayn waayo waxaa ku cad maanta laga wada dharag sanahay cida wax wabatay iyo cida ku jirta hanti uruursiga hantida muwaadininta reer somaliland, waxaana u soo jeedinaya muwaadiniinta inay khal khal galinin qarankooda waa waxyaabaha ay rabto xukuumaddan si ay dib u dhac ku dhaco doorashadda 2015, ilaashadda dalkeena isbedelkiisuna codkeena ayuu ku xidhan yihiin yaa qofka hogaaminayaa aayihiina mustaqbaleed .
khadar2244@hotmail.com
Mukhtar Cilm



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured