Xisbiyadda Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Doorashooyinka

0
Tuesday August 05, 2014 - 16:47:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Doorashooyinka

    Hargeysa(Xogreebnews)Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada ee Badhtamaha Sanadda 2015-ka. Xisbiyada ayaa sheegay in Komishanku u sheegay inay guulays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada ee Badhtamaha Sanadda 2015-ka. Xisbiyada ayaa sheegay in Komishanku u sheegay inay guulaysatay Noocii diwaan galinta ee la tijaabiyay Bishii 6-aad.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa Kulankaasi ka dib warbaahinta faahfaahin ka siiyay hawlaha doorashada.

Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horayn ka hadlaya waxyaabaha Komishanku kala hadlay ayaa yidhi “Asxaabta Qaranka waxaa u yeedhay Komishanka, si uu warbixin uga siiyo halkay marayso Diwaan galintii Codbixiyeyaashu, Waxaa jirtay Tijaabo Diwaan galinta ku saabsan oo la qaaday bishii 6-aad, tijaabadaasina way guulaysatay sida ay warbixinta nagu siiyeen Komishanku. Boqolkiiba Boqol ayay Guulaysatay, waxaana hadda la galayaa wixii qabyo ah ” ayuu yidhi Gudoomiye cirro.

Gudoomiyahah Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Komishanka uga mahadnaqayaan Diwaan galinta Tijaabada ah ee ay sameeyeen. Waxa uu sheegay in hadda wixii hadhay ay ku dhiman yihiin Xukumadda iyo Golaha xeer dajinta ansaxinta xeerka Diwaan galinta.

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa isna dhiniciisa sheegay inKomishanku u sheegeen Jawi fiican oo doorashadu ku qabsoomi karto wakhtigeedii.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured