Haweenaydii U Horaysay Ee Muslimad Wasiir Ka Noqota Ingiriiska Oo Siyaasadda Ingiriiska ee Qaza Darteed Isku-casishay,

0
Tuesday August 05, 2014 - 16:38:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenaydii U Horaysay Ee Muslimad Wasiir Ka Noqota Ingiriiska Oo Siyaasadda Ingiriiska ee Qaza Darteed Isku-casishay,

    London(Xogreebnews) Baroness Sayeeda Warsi, oo ah Haweenaydii Muslimad ah ee u horaysay ee Wasiir ka noqota Ingiriiska ayaa iscasishay, Siyaasadda Ingiriiska ee Xasuuqa Qasa ku wajahan darteed. Waxay sheegtay inaanay intaa wax ka badan u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(Xogreebnews) Baroness Sayeeda Warsi, oo ah Haweenaydii Muslimad ah ee u horaysay ee Wasiir ka noqota Ingiriiska ayaa iscasishay, Siyaasadda Ingiriiska ee Xasuuqa Qasa ku wajahan darteed. Waxay sheegtay inaanay intaa wax ka badan u

London(Xogreebnews) Baroness Sayeeda Warsi, oo ah Haweenaydii Muslimad ah ee u horaysay ee Wasiir ka noqota Ingiriiska ayaa iscasishay, Siyaasadda Ingiriiska ee Xasuuqa Qasa ku wajahan darteed. Waxay sheegtay inaanay intaa wax ka badan u adkaysan karayn siyaasadda Ingiriiska ee ku aadan Duqaynta Israel ku wado Qaza.

“Anigoo si Aada u Murugaysan, waxaan saaka u qoray Ra’isal wasaaraha oo aan u gudbiyay Iscasilaadayda. Intaa wax ka badan ma sii taageeri karo Siyaasadda Dawladda ee Qaza” ayay ku tidhi Qoraal Kooban oo Subaxnimadii Salaasadda Maanta ah soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka Marwo Baroness Sayeeda Warsi

Baroness Sayeeda Warsi, ayaa ahayd Wasiirka Xafiiska Arimaha dibada, Caddaaladda iyo Bulshada. Waxaana xilkaasi loo dhiibay markii Dawladda Raysal Wasaare David Cameroon ku guulaystay Xukunka sanadkii 2010.

Haweenaydan ayaa Waalidkeedu yahay Pakistani, waxayna ku biirtay Golaha sare ee Baarlamaanka Ingiriiska sanadkii 2007-dii.

Mucaaradka ayaa sidoo kale Xukumadda Raysal wasaare David Cameroon ku Eedeeyay inuu ka aamusay Duqaynta Israel ku hayso Shacabka Falastiin. Waxay u soo jeediyeen inuu farriin cad u diro Israel, taasi oo uu ku sheegayo in Duqaynta iyo dilka Israel ka wado Qaza tahay waxaan la aqbali Karin.

Hase ahaatee David Cameroon ma qaadan Dhaliisha Mucaaradka, waxaanu sheegay inuu sax u arko Madaxweynaha Maraykanka oo Israel ku cambaareeyay Duqayn ay u gaysatay Iskuul Qaramada midoobay leedahay, balse isagu ma odhan waa khalad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured