Boqor Cismaan Buur- madow oo ku eedeeyay Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirkiisa Macdanta iyo biyaha mashaqadii iyo shaqaaqadii ka dhacday Caynabo

0
Thursday May 09, 2013 - 19:44:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Cismaan Buur- madow oo ku eedeeyay Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirkiisa Macdanta iyo biyaha mashaqadii iyo shaqaaqadii ka dhacday Caynabo

    Hargeisa-(xogreebnews.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo shalay qaar ka mida warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo shalay qaar ka mida warbaahinta

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo shalay qaar ka mida warbaahinta madaxa banana ugu waramay Hotel Guuleed Hargeisa ayaa Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirkiisa Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale ku eedeeyay mashaqadii ka dhacday Caynabo iyo iyo weerarkii lagu qaadey saldhiga booliiska.



Boqorku wuxuu arintaa ku xidhiidhiyey ama u sibirsaariyey Wareegto siyaasadeysan oo hanjabaadi ka Buuxday oo Madaxweyne Siilanyo xafiiskiisa ka soo baxday, faraysayna Ciidamada Amniga inay talaabo ka qaadaan cidii /Beeshii hor istaagta baadhis shidaal oo shirkado shisheeye ah iyo kooxo Dilaaliin ahi Somaliland ka wadaan.Ku darsoo wuxuu Boqorku eedo kuwaas la mid ah dusha uga tuuray Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo uu ku tilmaamay Nin aan aqoon dhaqanka dadka reer Somaliland iyo sida dhulka u kala yaalaan.


Boqor Buur-madow oo ka hadlaaya arinta shidaal baadhista wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan shirkadaha shidaalka,oo aanay marna diidnayn ,khayraadka dalka in la qeybsadana ogol yihiin oo beel keliya ama ardaa qudhi wada manaafacaadsan, Hae yeeshee xukumada iyo wasiirka macdanta iyo biyaha ayuu ku eedeeyay dhibaatadii halkaas ka dhalatay wuxuuna yidhi “Waxaan qabaa wixii halkaas ka xumaadey inay masuul ka ahaayeen wasiirka macdanta iyo biyaha oo ah nin aan waxba ka aqoon dhaqanka dadka reer Somaliland iyo sida loo kala yaalo, islamarkaana aqoon u lahayn curfiga ay somaliland ku dhaqanto iyo weliba cidii shirkada maamulaysay ee somalida ahayd. Wuxuun kaloo Boqorku intaas ku daray in dadka degaanku ka biyo diideen qaabka xukumadu Siilanyo wax u wadey iyo siday u maamulaysayba.

Boqor Buur madow wuxuu sheegay in odayadii degaanka Caynabo ee xukumada Siilanyo la kulmay si waafiya wax ugu sheegeen balse aan la dhegaysan oo hanjabaad iyo handaad loogu jawaabay ,waxaanu intaas raciyey inaanay taasi dhaqi Karin dalka.

Boqor Buur madow wuxuu farta ku goday,tilmaamaeyna in wareegtadii Madaxweyne Siilanyo soo saaray dhibka koobsatey, oo ahayd wareegto siyaasadeysan oo wax looga jeeday,bulshada degaankaasna aanay ku qancin.

Geesta kale Boqor Buur madow maruu ka hadlaayey xadhiga Boqor Raabi wuxuu yidhi “Rabi xadhigiisa waxaan leeyahay maha mid xaqa,kamuu mid ahayn raggii ka qeyb galay shirkii Xamar,kuwii xildhibaanada qorayna kamuu mid ahayn”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured