“Maanta inla Tumo Durbaan Habar Magaadle ma taalo meesha..Doorashooyinka Dawladdi Shaqo Kuma Leh Ee Waxaa Masuuliyadda Leh Komishanka Madaxa banaan” Siyaasi Cabdillaahi Jawaan

0
Monday August 04, 2014 - 22:04:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Maanta inla Tumo Durbaan Habar Magaadle ma taalo meesha..Doorashooyinka Dawladdi Shaqo Kuma Leh Ee Waxaa Masuuliyadda Leh Komishanka Madaxa banaan” Siyaasi Cabdillaahi Jawaan

    Hargeysa(Xogreebnews)Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Cabdillaahi Jawaan), oo Xukumaddihii Somaliland xilal kala duwan ka soo qabtay, kana mid noqday Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka dayriyay Heerka Qabyaaladu Somaliland ka marayso. W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Cabdillaahi Jawaan), oo Xukumaddihii Somaliland xilal kala duwan ka soo qabtay, kana mid noqday Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka dayriyay Heerka Qabyaaladu Somaliland ka marayso. Waxa uu sidoo kale Mucaaradka u tilmaamay in Doorashada Masuuliyaddeeda ay leeyihiin Xubnaha Madaxa banaan ee Komishanka doorashooyinka Qaranka qaabilsan.

Siyaasi Cabdillaahi Jawaan oo Magaalada Hargeysa kula hadlayay Warbaahinta waxa uu sheegay inay tahay wax laga xishoodo Isbahaysi Beelaysan oo Mudooyinkii u dambeeyay la hadal hayay.

“Maanta inla Tumo Durbaan Habar Magaadle ma taalo meesha, Mid Habar Jeclo in lagu faano oo la yidhaahdo Taayadu way gaamurtayna Meesha ma taalo. Waxa weeye Umaddani waa umad walaala ah, waa Umadda isku dan ah, haddii laga tagi waayo intii isku deegaan ah ee meel wada degta ayaa dan wada yeelan karaysa.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan.

Waxa uu dhinaca kale soo jeediyay Siyaasi Cabdilaahi Jawaan in Xukumaddu caddayso Mabda’eeda Doorashada soo socota “ markasta waxaan maqlaa Dawladdu doorashada ha qabato, waa Dawladdi Doorasho shaqo kuma leh. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee Madaxabanaan ayaa doorashada ku shaqo leh. Waa haddii aan Dhaqankii Komishanka la bedelin oo wax kale laga dhigin. Anagu markaanu Komishanka ahayn Dawlad waxba maanaan waydiin jirin. Waxaanu waydiin jiray uun Miisaaniyadda aanu Doorashada ku qabanayno qaybta kaga aadan, oo aanu odhan jiray intaanu soo samaysano Madaxweyne Waxaas iyo waxaas ayaanu u baahannahay ee noo dhaqan gali. Ka dibna AKoowkayaga ayaa naloogu shubi jiray.” Ayuu yidhi Mr Cabdillaahi Jawaan.

Cabdillaahi Jawaan oo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ahaa wakhtigii Marxuum Cigaal ayaa sheegay inaan Koomishanka Doorashooyinku talo ka dhegaysan Jirin Madaxweynaha iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka. Waxa uu soo jeediyay in Komishanku Xeerkiisa oo aanay Madaxda Dawladu door ku lahayn adeegsado, Xisbiyada iyo Bulshaduna xoojiso oo ay aaminaan, Komishankuna doorashada qabto.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa mudooyinkii u dambeeyay Xukumadda ku dhaliilayay inaanay caddayn mawqifkeeda ku aadan wakhtiga doorashada, iyagoo ka warwarsan mudo korordhsi xukumaddu samayso. Xisbiyadda iyo Bulshada ayaan sidoo kale Kalsooni fiican ku qabinXubnaha Komishanka Doorashada oo lagu dhaliilay Doorashadii Golaha degaanka oo dalku khalkhal siyaasadeed gali gaadhay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured