Shirka Madaxweyne Obama iyo 50 Ka Mid Ah Hogaamiyeyaasha Africa Oo Maanta Ka Furmaya Washington

0
Monday August 04, 2014 - 16:53:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxweyne Obama iyo 50 Ka Mid Ah Hogaamiyeyaasha Africa Oo Maanta Ka Furmaya Washington

    Washington(Xogreebnews)Shir balaadhan oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo ilaa 50 Madaxda Africa ayaa maanta ka furmaya Magaalada Washington. Shirka ayaa ku saabsan Danaha Maraykanka iyo Africa, waxaana hogaamiyeyaasha la casuumay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington(Xogreebnews)Shir balaadhan oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo ilaa 50 Madaxda Africa ayaa maanta ka furmaya Magaalada Washington. Shirka ayaa ku saabsan Danaha Maraykanka iyo Africa, waxaana hogaamiyeyaasha la casuumay ka mid ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Marti qaadka Madaxweynaha Maraykanku u fidiyay inta badan Madaxda Africa ayaan u jeedadiisa rasmiga ahi caddayn, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in Maraykanku danaynayo Cilaaqaad dhinaca dhaqaalaha iyo iskaashiga Amaanka ah.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo BBC-da uga waramay Faa’iidooyinka Suurta galka ah ee Maraykanka iyo Africa ugu jira kulankaasi ayaa sheegay inay suuro gal tahay in Maraykanku danahiisa dhex marsan doono, balse la sheegayo inaan Madaxda Africa la siinayn Fursado ay danahooda kaga hadlaan.

“ Wararka I soo gaadhayaa waxay sheegayaan inaan Madaxda Africa la siinayn fursad ay ku hadlaan ee inta la qayb qaybiyo uun, qolo kastaba gooni loola hadlayo. Markaa waxa meesha ka baxaya in Dood ay keenaan oo cod midaysan oo Africaan la helo. Markaa Maraykanka toodii way caddahay oo Barnaamijka Qorshihiisu wuu u diyaarsan yahay balse Africanka inta looga yeedhay dalkoodii ayaa marka dambena la kala qaybinayaa. Markaa madaxweyne kastaaba wuxuu ku faraxsan yahay inuu Obama isla sawiro oo Madaxa ayaa loo wada salaaxayaa. Markaa aniga ilama aha in Dhaqaale African lagala noqonay.” Ayuu yidhi Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Waxa uu intaasi raaciyay in Maraykanku ka faa’iidayo sidii Waraaqaha iyo Koontaraadyada uu uga saxeexan lahaa Madaxda Africa, islamarkaana ay kulankooda garab socdaan Arimo dhaqaale oo ay shirkadahoodu Africa kaga shaqaysanayaan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured