Safiirka Ururka IGAD iyo Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Wada Yeeshay iyo Safiirka IGAD Oo Guurtida ku Amaanay doorkay Amaanka iyo Dimuqraadiyadda kaga jiraan
Hargeysa(Xogreebnews)Safiirka Somalia iyo Somaliland u Qaabilsan Urur Goboleedkak IGAD Maxamed Cabdi Afey, ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Hargeysa(Xogreebnews)Safiirka Somalia iyo Somaliland u Qaabilsan
Urur Goboleedkak IGAD Maxamed Cabdi Afey, ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen la
yeeshay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxay labada Masuul u sheegeen warbaahinta
inay kaga wada hadleen sidii IGAD Somaliland wax ula qaban lahayd. Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu warbaahinta u sheegay in Safiirku
kala hadlay in IGAD Diyaar u tahay inay Somaliland wax kala qabato waxyaabaha
ay uga baahdaan. “ Safiirku wax aan idin la qabano ayuu la yimid, dee Anaguna
waanu ka aqbalay, waanuna ku mahadinaynaa. Intaas ayaanu isla wadnay, idina
nagu raacde ayay ila tahay’ ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Saleebaan
Maxamuud Aadan. Gudoomiyaha Guurtida oo Warbaahintu wax ka waydiisay Arimaha
kale ee ay isla soo qaadeen ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, isago
yidhi “ Kolayba diyaar uma nihin inaanu hadda idinla qaybsano”. Safiirka IGAD ee Somaliland iyo Somallia Maxamed Cabdi Afey,
ayaa sheegay inay Gudoomiyaha ugu hambalyeeyeen doorka Guurtidu ku leedahay
Dimuqraadiyada Somaliland “ Gudoomiyaha waanu ugu hambalyaynay Doorka Guurtidu
ku leedahay Dimuqraadiyada iyo Nabad gelyada wadanka Somaliland. Waxaanu ku
boorinay inay sidaasi iyo si ka sii fiican u wataan Hawshooda. Waxaanu u
sheegnay in Urur ahaan aanu diyaar u nahay in Shacabka Somaliland aanu la
shaqayno iyo inaanu kala shaqayno Abaabulka iyo u diyaar garawgga Doorashada
soo socotaa, sidii ay ugu dhici lahayd sidii loogu tala galay.” Ayuu yidhi
Ambasador Maxamed Afey. Weftiga Ururka Goboleedka IGAD ee wadamada Geeska Africa ku
bahoobeen ayaa Shalay kulamo la yeeshay Wasiiro Xukumadda ka tirsan, iyagoo
sheegay in Somaliland ay kala shaqaynayaan Dhinaca doorashada oo Geeska Africa
Muhiim u ah iyo Caafimaadka. Weftiga ayaa kulamo la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa sida wasiirka khaarajigu shalay sheegay. Waa markii u horaysay ee uu Weftigani Somaliland yimaado, iyadoo u muuqata in Xidhiidh cusubi u bilawday Somaliland iyo IGAD. Leave a comment |
|
Safiirka Ururka IGAD iyo Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Wada Yeeshay iyo Safiirka IGAD Oo Guurtida ku Amaanay doorkay Amaanka iyo Dimuqraadiyadda kaga jiraan
Hargeysa(Xogreebnews)Safiirka Somalia iyo Somaliland u Qaabilsan Urur Goboleedkak IGAD Maxamed Cabdi Afey, ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.