Xukumadda Somaliland Oo Mawqif Adag Ka Istaagtay Cabashada Bulshada Degan Bananka Xukumaddu Seeraha Ka Xidhayso

0
Monday August 04, 2014 - 16:43:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Somaliland Oo Mawqif Adag Ka Istaagtay Cabashada Bulshada Degan Bananka Xukumaddu Seeraha Ka Xidhayso

    Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir, Wasiirka Degaanka Shukri X.Baandare iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe ayaa si adag uga hadlay Dadka diidan Seeraha Xukum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir, Wasiirka Degaanka Shukri X.Baandare iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe ayaa si adag uga hadlay Dadka diidan Seeraha Xukumaddu u Qorshaynayso Bananka Qool-caday iyo Aroori. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in Meelaha Danta Guud ah marka loo baahdo aanay dadku isku sii dhajin.

Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir, Wasiirka Degaanka Shukri X.Baandare iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe ayaa si adag uga hadlay Dadka diidan Seeraha Xukumaddu u Qorshaynayso Bananka Qool-caday iyo Aroori. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in Meelaha Danta Guud ah marka loo baahdo aanay dadku isku sii dhajin.

Masuuliyiintan oo Shalay ka hadlayay kulan lagu daahfurayay Mashaariic Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), Maalgalinayo oo Seerayaashu ka mid yihiin, ayaa ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxa uu sheegay inaanay haboonayn dadka Meelaha danta guud ah sida gaarka ah uga faa’iidaystaa marka loo baahdo aanay ku sii dhegenaan ee ay si farxad leh u wareejiyaan.

“Ninka labaatan sannadood ka faa’iidaysanayey wax ummaddu wada lahayd oo kelidii haystay haddii maanta loogu yimi inuu ku sii dhegannaado laga yeelimaayo, haddii uu ku jiray daar dawladdu leedahay, haddii uu haystay meel la wada leeyahay ama uu seere ummadda ka dhexeeyey haystay mar haddii loo baahday oo la hagaajinayo waa inuu isagoo faraxsan ka baxaa, sababtoo ah xaq isaga gaar u siinayey muu jirin.Mucaaradku inuu horumarka geliyo mucaaradad maaha oo la yidhaa Al-jaabiri iyo Indho-deero ayaa meel loo xidhayaa, Qool-caday iyo Aroori iyo seerayaasha la mid ah looma xidhayo cid gaar ah ee danta ummadda ayaa loo xidhayaa,” Ayaa kamid ahaa Hadalka Mr Cabdiraxmaan Saylici.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw-daahir Cali ayaa isna meesha ka saaray dareenka Bulshada degan Degaamada la seerayo ee ah in Dad gaar ah iyo Ganacsato loo xidhayo Dhulka Seeraha ah ee ay degan yihiin “Waxaannu halkan ka sheegaynaa seeraha la xidhayo Jaabiri ma leh, Indho-deerana ma leh, ganacsato kale iyo cid gaar ah oo loo xidhayaana ma jirto ee dadka ayaa loo xidhayaa, waxaanna fuliya dawladda ee Cabdi Aw Daahir maaha (wasiirka), markaa haddii aannu sheegno oo gole, guud iyo gaarba ka sheegno waa in dadku qaataan. Meelahan la xidhayo sidii dawladdii hore noqonmaayaan ee waxaynu ka samaynaynaa ballayo, goobo shaybaadho ah iyo kuwii lagu dawaynayey xoolaha, shaqaalo abuur baynu ka samaynaynaa, daaq baa laga samaynayaa, siyaasaddeenu waxa weeye sidii aynu xoolo-raacatadii ugu beddeli lahayn xoolo-dhaqato. Waxa qorshayahagu yahay haddii Alle nala qabto in neefkeennii lagu iibinayey saddex jirka uu ku iibgalo hal sanno, in neefka xoolaha caanihiisu u dhigno toban neef oo maanta jooga,” Ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw-daahir

Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Baandare, ayaa iyana halkaasi ka jeedisay hadalo ku aadan Shacabka iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin Dareenka cabasho ee Bulshada.

“Waxa jirta in kolayba laga cabanayo halkee xooluhu daaqayaa haddii bananka la xidho ama ay jiraan dad si sharci-darro ah u xidhay seerayaashii oo beero lagu sheegay, arrintaasi dawladda Somaliland waxay ka leedahay sharci iyo siyaasad ah in cid kasta oo dhul dan guud ah oo ummadda ka dhexeeyey ootay lagu soo celin doono gacanta dawladda. Shacabka waxaan leeyahay haddii ay jiraan wax qawad ama cabasho ah ka dawlad ahaan diyaar baanu idiin nahay in aannu idinla xallinno, iyadoo mashaariicda ka wasaarad ahaan na hoos imanaysa inta badan shacabku gacanta ku hayno doono,” Ayay tidhi Wasiir Shukri

Ugu dambeyntii Oday Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sheegay in Bulshada uun loo seerayo Seeraha balse aan Cid kale loo seerayn “Seeraha shacabka lagama seerayo ee waa loo seerayaa, shaqo ayey ka helaan, abaarka ayaa lagala dagaalamayaa xoolaha nool oo waa kayd meesha loo dhigayo. Maaha inaad waxa caloosha aad ku haysana ku hayso, afkana aad wax uga sheegto. Berigii hore ee la seerayey sidan oo kale ayaa rag u hadlay oo u diiday, markii dambe ayey yidhaahdeen sidaa maanu moodayn.” Ayaa ka mid ahaa hadalka Oday Cabdi Waraabe.

Hadalka Masuuliyiintan ayaa ka dambeeyay Walaac xooggan oo Bulshada degaanada Xukumaddu Seeraha ka xidhayso ee Banka Qool-caday iyo Aroori ka muujisay Seeraha la xidhayo. Bulshada ayaa ku doodaysa in Dad gaar ah siiba ganacsatada xoolaha loo xidhayo dhulkaasi, si wakhtiyada ay xoolaha Iibsadaan ay ugu naaxistaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured