Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Sheegay in Biyaha Hargeysa laban Laabmayaan 2015-ka, Kana Hadlay Mashruuc si Gaar Ah Biyo Loogu Galinayo Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe
Hargeysa(Xogreebnews) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa sheegay inay Biyaha Hargeysa laban laami doonaan sanadka 2015-ka, wakhtigaasi oo ay dhamaanayaan Mashaariic hadda socda oo biyaha lagu horumarinayo. waxa uu sidoo kale ka hadlay Mashruuc 4 Milyan oo Doolar
Hargeysa(Xogreebnews) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa sheegay inay Biyaha Hargeysa laban laami doonaan
sanadka 2015-ka, wakhtigaasi oo ay dhamaanayaan Mashaariic hadda socda oo
biyaha lagu horumarinayo. waxa uu sidoo kale ka hadlay Mashruuc 4 Milyan oo
Doolar ku baxayso oo si gaar ah biyo loogu galinayo Degmada Maxamuud Haybe iyo
Axmed Dhagax. Maareeyaha oo ka hadlayay Lacag wakaaladiisu ka heshay Sanduuqa
Horumarinta Somaliland(Somaliland Development Fund) ayaa rajo fiican ka
muujiyay Qorsha Mustaqbalka Biyaha Hargeysa. “ Noloshu Waa Biyo, Biyuhuna waa Nolosha. Sidaasi darteed
Hargaysa dhibaato wayn oo xagga Biyaha ah baa ka taagan, sababtoo ah, China
Markuu Biyaha Hargeysa samaynayay wuxuu ugu tala galay in Biyahaas ay
isticmaalaan Boqol iyo Sideetan Kun oo Qof(180,000). Maantana Tira koob Rasmi
ah lama hayo, laakiin Qiyaasta Magaalada Dadka ku nooli waa Milyan iyo Jar-jar.
Sidaasi darteed ayay 23-kii sano ee Somaliland jirtayba Dhibaatada biyuhu way
taagnayd.” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Maareeyaha ayaa sheegay in Mashaariic muhiim ah oo Biyaha wax
lagaga qabanayaa hadda socdaan “Maanta Waxaa Illaahay Mahadii ah, inay
Mashaariic muhiim ah oo ay tahay in la bar-bar istaagaa Hargeysa ka socdaan.
Mashruuca ugu weyn ee Hargeysa ka socoda, Waa Mashruuca Midawga Yurub
Lacagtiisa bixisay ayna fulinayso Hay’adda la yidhaahdo UN-habitat. Mashruucaas
Wakhtigiisii iyo sidii loogu tala galay ayuu u socdaa." Maareeyaha ayaa Sharaxay Meelaha ay ku wejahan yihiin
Mashaariicda Biyaha ee Lacag Sanduuqa Horumarintu ka heshay Wakaaladiisu. “ Wejiga 1-aad Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay Nasiib u heshay
inay Sanduuqa horumarinta Somaliland ka hesho Laba milyan iyo boqol iyo shan
iyo sagaashan kun oo Dollar. Lacagtaas waxaanu ugu tala galay in si Biyaha
Hargeysa u Kordhaan Degaan Biyo ku jiraan dhulkiisa hoose oo la yidhaa
Hora-haadley oo ka shisheeye Geed Deeble Biyo laga soo saaro ka dibna Biyihiisa
la soo gaadhsiiyo Geed Deeble. Waxaanu rajaynaynaa in Mashruucaasi oo hadda
nashqadiisii dhamaatay marka uu dhamaado Maalintii uu Geed Deeble ku soo
kordhiyo Saddex Boqol oo Mitir kuyuubig.” Ayuu yidhi Maareeyuhu. Waxa uu sidoo kale sheegay in Wejiga koowaad ee Mashruucan biyo
lagu gaadhsiinayo Xaafadaha Ayaxa oo ay ku nool yihiin Dadka Dan yarta ah. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa uu sheegay in ka dib
2015-ka oo ay dhamaanayaan Mashruuca Midawga Yurub wado iyo Mashruuca
Hora-haadlay, degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe Biyo lagu gaadhsiin
doono 4 Milyan oo Dollar oo ayisla Sanduuqa Horumarinta Somaliland kaheleen. “2015-ka waxaanu rajaynaynaa in Biyaha Hargeysa yimaadaa Laban laabmaan. Intaasi ka dib Hargeysa way wada biyo la’dahay laakiin, way sii kala daran tahaye waxaa mudnaan noo noqday in 4 Milyan Dolar oo kale oo aanu ka helay Sanduuqa Somaliland Development Fund in Biyo lagu gaadhsiiyo laba degmo ee ugu sii daran ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax. Waxaanu ugu tala galay in Beebkan Jayniska ah ee Sheedaha ku yaala Toos uga yimaado uu Axmed Dhagax Toos u tago, halkaana laga sameeyo Barkad weyn oo sideed boqol oo Mitir Kuyuubig qaada, taasi oo Biyaha u qaybin doonta Xaafadda, ka dibna barkaddaasi oo kalena laga sameeyo Degmada Maxamuud Haybe oo iyana u qaybisa Xaafaddaasi Biyaha” ayuu yidhi Maareeyaha. Leave a comment |
|
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Sheegay in Biyaha Hargeysa laban Laabmayaan 2015-ka, Kana Hadlay Mashruuc si Gaar Ah Biyo Loogu Galinayo Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe
Hargeysa(Xogreebnews) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa sheegay inay Biyaha Hargeysa laban laami doonaan sanadka 2015-ka, wakhtigaasi oo ay dhamaanayaan Mashaariic hadda socda oo biyaha lagu horumarinayo. waxa uu sidoo