Muuse Biixi Oo Ka Codsaday Gudoomiyaha Guurtida Inuu Uga Ergeeyo Sidii Golaha Fulinta Xubno Loogu Dari Lahaa

0
Monday August 04, 2014 - 08:14:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Codsaday Gudoomiyaha Guurtida Inuu Uga Ergeeyo Sidii Golaha Fulinta Xubno Loogu Dari Lahaa

    Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ka dalbaday in uu xubno ugu darro guddida Fulinta Kulmiye, maadaama uu uga tanaasulaya Madaxweyne Siilaanyo Musharaxnimada Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ka dalbaday in uu xubno ugu darro guddida Fulinta Kulmiye, maadaama uu uga tanaasulaya Madaxweyne Siilaanyo Musharaxnimada Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye. Kulanka Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ka dalbaday in uu xubno ugu darro guddida Fulinta Kulmiye, maadaama uu uga tanaasulaya Madaxweyne Siilaanyo Musharaxnimada Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye. Kulanka labada Guddoomiye (Muuse Biixi iyo Saleebaan Maxamuud) ayaa ka dhacay guriga Guddoomiye Saleebaan kadib markii Muuse Biixi ugu tagay si uu uga caawiyo sidii Madaxweyne Siilaanyo xubno uga siin lahaa guddida Fulinta, hase yeeshee warku muu sheegin go’aanka uu Saleebaan Maxamuud Aadan kaga jawaabay codsiga Muuse Biixi. Ilo wareedyo aad ugu dhaw Guddoomiyaha Kulmiye ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu Muuse Biixi u sheegay in aanu lahayn awood uu ugu magacaabo xubnaha oo doonayo, isla markaana aanu shakhsiyan go’aan ku lahayn talada Xisbigooda marka laga reebo Ergadii guurtidda ee dhex dhexaadisay oo uu Oday u ahaa mooyee. Lama oga Muuse Biixi dhinaca kale ee uu uga wareegayo Saleebaan Maxamuud Aadan maadaama qorshihii uu ula tagay aanu ku guulaysan in uu marsiiyo Guddoomiyaha Guurtidda, hase yeeshee waxa la filayaa in aanu ku qancin jawaabtiisa ee uu wali naawilayo sidii uu ugu qancin lahaa in uu la furdaamiyo xubnaha uu doonayo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka ka dhoofayey Galohiisa Xukuumadda iyo Labada Guddoomiye ee Xisbiga Kulmiye kula dar-daarmay mudada uu maqan yahay inaanay wax khilaaf ah sii samayn, taasoo ay labada dhinacba sideeda u qaateen, hase yeeshee kulanka Muuse la yeeshay ayaa u muuqda mid uu ku beegay imaansha Madaxweynaha oo maanta Dalka ku soo laabtay. Lama oga Madaxweyne Siilaanyo in uu Dalabka Muuse Aqbali doono iyo inkale, haddiibase ay dhacdo in qorshahani gaadho halka uu Muuse la doonayo, su’aasha siweydiinta mudani waxay tahay ma aqbali doonaan Garabka kale ee ka soo horjeeda, kuwaas oo u muuqday inay ka nasteen khilaafka Xisbiga maadaama Muuse ka tanaasulaya damaciisii, maxayse Muuse u taraysaa arrintani. Ma muuqato Natiijo wax ku Ool ah oo dajin karta xamaasadii Xisbiga hase yeeshee su’aasha isweydiinta lihi waxy tahay yaa kolba Lurka ku soo kicinaya Muuse. Dadka siyaasadda Odorosa ama sida weyn ula socday dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyey ee lagu wiiqay Cududuu Garabka Muuse waxay ogyihiin Il-duufka ugu badan inay gayaysiiyeen kooxdii saqda dhexe u galbisaya Madaxtooyadda ee isugu jirtay Ganacsatada iyo Cali Gobanimo oo door weyn ku lahaa Bakhtiinta dhimbiishii Muuse ee habeenkaa ka hor baxaysay, kuwaas oo kala horaysiiyey Shuruudaha uu Muuse doon doonayo iyo Tanaasulkiisii madaxtinimo ee aanay illaa hada taageerayaashiisii ka soo doogin Dakharadii ka soo gaadhay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured