Muqdisho: Haween Nadaafadda Ka Shaqeeya Oo Ku Dhintay Qarax Bambaano

0
Sunday August 03, 2014 - 17:19:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Haween Nadaafadda Ka Shaqeeya Oo Ku Dhintay Qarax Bambaano

    Muqdisho(Xogreebnews)Saddex Dumar ah ayaa ku dhintay 11 kalena waxaa ka soo gaadhay Dhaawacyo Magaalada Muqdisho ka dib markii Haween Xaadha Jidadka Miino loo sii galiyay Xashiishka ay gurayeen. Dhaawacyada qaar kood oo halis ayaa lagula tacaalayaa I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Xogreebnews)Saddex Dumar ah ayaa ku dhintay 11 kalena waxaa ka soo gaadhay Dhaawacyo Magaalada Muqdisho ka dib markii Haween Xaadha Jidadka Miino loo sii galiyay Xashiishka ay gurayeen. Dhaawacyada qaar kood oo halis ayaa lagula tacaalayaa Isbitaalka Madiina. Qaraxa ayaa ka dhacay Carwadii Caanka ahayd ee Degmada Hodan horteeda

Muqdisho(Xogreebnews)Saddex Dumar ah ayaa ku dhintay 11 kalena waxaa ka soo gaadhay Dhaawacyo Magaalada Muqdisho ka dib markii Haween Xaadha Jidadka Miino loo sii galiyay Xashiishka ay gurayeen. Dhaawacyada qaar kood oo halis ayaa lagula tacaalayaa Isbitaalka Madiina. Qaraxa ayaa ka dhacay Carwadii Caanka ahayd ee Degmada Hodan horteeda

Haweenka Dhaawacmay ayaa sheegay in iyagoo Xashiishka Gaariga saaraya uun ay ku war heleen Qaraxa, islamarkaana dhimashada iyo dhaawaca uu sababay, hase yeeshee Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa u muuqday sida ay sheegeen mid Xashiishka la sii dhex galiyay.

“Qashin baan qaadaynay. Qashinkii markaan ku rognay een Sidaas u soo qabtay oo Kuwa dhintayna iga sii horeeyeen ba wuu soo dhacay waxa qarxay, markaas ayaan aniga iyo gabadh kale isla dhacnay, Cagaas ayuu igaga dhacay. Markaas Illaahay Mahadiis waaye” ayay tiri Xabiiba Maxamed Axmed oo 60 Jir ah, subax walbana u soo bixi jirtay nadiifinta Jidadka Muqdisho oo BBC-da la hadashay.

Xabiiba oo sii hadlaysa waxay sharaxaad ka bixisay meelaha dhaawacu ka soo gaaray “ Cagaha, Lugaha iyo Wejiga ayay wax igaga dhaceen, Illaahay mahadiis waaye. Gabdhihii kale ee aan isla soconay wax dhintay iyo wax dhaawac ah weeye”

Ismahaan Cabdinaasir oo iyadu ka badbaaday Weerarkaasi, balse Hooyadeed ku dhaawacantay Qaraxa ayaa ka warantay sida ay wax u dhaceen waxayna tiri “Anagoo joogna meeshii Shaqada ee Nadaafada ayaa mar kaliya wax isla qarxeen, hadiiba aan soo jeedsanay waxaan aragnay Dhiiga iyo dadkii oo wada kala googa’ay. Halkan ayaan u soo shaqatayganay anigiibaa nala beegsanayaa, hooyadaydii noo shaqaynaysayna sidanaa la yeelayaa waaban yaabahanay ee xageen markaa wax ka bilaabaynaa”

Taliyaha Booliska degmada Hodan ayaa Falkan ku Eedeeyay Ururka Al-shabaab "Falkan waxaa ka dambeysay Al-shabaab waxaana ku dhintay in ka badan saddex dumar ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo kuwii goobta soo dhigay bacda uu qaraxu ku jiro," ayuu yiri Col. Maxamed Daahir goobta qaraxu ka dhacay

Qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee lala beegsado haween ka shaqeynayay nadaafadda ayaa sannadkii 2010 wuxuu ka dhacay waddada Maka Al-Mumarama, iyadoo ay ku dhinteen 15-haween ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50-kale.

-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured