“Waxaa jiray shir U Dhexeeyey Wasiir Cukuse, Guddoomiyaha SOLJA iyo Dallada SONSAF, Kaasi Oo La Doonayay In Ururka Noqdo Mid Xukuumaddu Maamusho, waxaanan Taas Ku Cadaynaynaa..”- Maxamed A. Jaamac (Calooley), Xubin Ka Mid Ah Guddida Fulinta ee SOLJA

0
Saturday August 02, 2014 - 20:21:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaa jiray shir U Dhexeeyey Wasiir Cukuse, Guddoomiyaha SOLJA iyo Dallada SONSAF, Kaasi Oo La Doonayay In Ururka Noqdo Mid Xukuumaddu Maamusho, waxaanan Taas Ku Cadaynaynaa..”- Maxamed A. Jaamac (Calooley), Xubin Ka Mid Ah Guddida Fulinta ee SOLJA

    Hargeysa (xogreebnews.com- Guddida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Guddoomiyahoodii kadib markii uu ku kacay tallaabo ka baxsan sharciyadda ururka u taalla iyo xasaannada Guddoomiye nimoba. Guddida fu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Guddida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Guddoomiyahoodii kadib markii uu ku kacay tallaabo ka baxsan sharciyadda ururka u taalla iyo xasaannada Guddoomiye nimoba. Guddida fulinta oo fadhi ay Hargeysa (xogreebnews.com- Guddida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Guddoomiyahoodii kadib markii uu ku kacay tallaabo ka baxsan sharciyadda ururka u taalla iyo xasaannada Guddoomiye nimoba. Guddida fulinta oo fadhi ay ku yeesheen xaruntooda dhexe ee Hargeysa Maanta xilka kaga qaaday guddoomiyihii Ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf ayaa guddoomiye ku meel gaadh ah u doortay Mustafe Sheekh Cumer Geedi oo kamid ah Xubnaha guddida fulinta, isaga oo xilka hayn doona tan iyo inta uu ka Sidaasina waxa lagu sheegay shir ay warbaahinta maanta ugu qabteen Magaalada Hargeysa, waxaanay gudoomiyahooda ku eedeeyeen in ururkooddii uu ka iibinayo xukuumadda, isla markaana uu u gacan galinayo wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse. MustafeMustafe Sheekh Cumer Geedi“Guddoomiyaha ururka SOLJA markii uu ka dhego adaygay inuu yimaado shirarkii guddida fulinta waxay go’aansadeen in xilkii ururka laga qaado Xasan Maxamed yuusuf, isla markaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibo gudoomiyaha ururka SOLJA Mustafe Sheekh Cumar Geeddi oo ka mid ah xubnaha gudidda”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed Curad oo ka hadlayey xil ka qaadista ay ku sameeyeen.Mustafe Sheekh Cumar Geeddi Ayaa kamid ah Xubnaha Guddida Fulinta (Board Of Directors) ee Ururka SOLJA ee hore u doortay Guddoomiyaha Hore, geesta kalena ka mid ah Suxufiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer ku soo jiray saaxadda warbaahinta iyo bahda qalinleyda Somaliland, haatana xilka SOLJA loogu caleemo saaray ka sokow waa tifaftiraha guud ee Wargeyska Maalinlaha ah ee SAXAFI oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa. MustafeDhinaca kale, Maxamed Axmed Jaamac Caloolay oo ka mid ah guddida qabanqaabadda shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ayaa oo shirkii jaraaid ee maanta ka hadlay ayaa ku eedeeyey gudoomiyihii hore ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf inuu doonayo inuu ururka ka iibiyo xukuumada, isla markaana uu ururku noqdo mid hoos taga, isagoo xusay in mar kasta oo shirweynaha ururka la qabanayo ay xukumadihii kala dambeeyey isku dayi jireen inay fashiliyaan madax banaanidda ururkan, haseyeeshee mar walba saxaafadda madaxa banaan ka guulaysan jireen.


“Waxaa jira shir saddex goosood ahaa oo u dhexeeyey wasiirka Warfaafinta, gudoomiyaha ururka SOLJA iyo Daladda SONSAF ee aan dawliga ahayn oo ay doonayeen inay ururku noqdo mid xukuumaddu maamusho, isla markaana xeerar macmac ahaa oo ay SONSAF mashruuc ku heshay oo ay doonayso inay xeerka saxaafadda wax kaga bedesho kaga faa’iidaysato arrintan, waxaana taas ku cadaynayaa in shirarkii guddida fulinta aanu ka soo qaybgalin gudoomiyaha ururka”ayuu yidhi Caloolay oo ka hadlayey sida wax u jiraan.Sidoo kale, ururka SOLJA ayaa sheegay in saaka xilli hore uu xafiiska yimid gudoomiyihii xilka laga qaaday, isla markaana uu ka qaatay shaanbaddii xafiiska iyo furayaashii qolka shirka, taasina ay tahay dambi laga galay ururkan.Si kastaba ha ahaatee, gudidda fulinta oo ka kooban 12 qof ayaa sagaal ka mid ahi go’aansadeen inay xilkii ka qaadaan gudoomiyaha, waxaanay guddidani xuseen in wasiirka Warfaafintu faraha kula jiro, isla markaanauuu wasiirku ka helo inuu mar walba xasarad ka dhex abuuro warbaahinta.Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii mudaddii hogaanka solja ka dhamaatay, waxaana la isku qabtay guddida qabanqaabadda oo gudoomiyuhuna liis soo saaray, halka guddidan liis kale ka soo daba saaray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured