SAAXIL GOBOL LA QABSADAY

0
Saturday August 02, 2014 - 20:15:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAAXIL GOBOL LA QABSADAY

    SAAXIL GOBOL LA QABSADAY Goblka saaxil ayaa isu bedelay gobl sidii Falastiin loo qabsaday, oo xukuumadda Siilanyo oo aad u necebi ay ka cidhibtirtay dadkii deeganka u dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SAAXIL GOBOL LA QABSADAY Goblka saaxil ayaa isu bedelay gobl sidii Falastiin loo qabsaday, oo xukuumadda Siilanyo oo aad u necebi ay ka cidhibtirtay dadkii deeganka u dhashay.

Goblka saaxil ayaa isu bedelay gobl sidii Falastiin loo qabsaday, ooxukuumadda Siilanyo oo aad u necebi ay ka cidhibtirtay dadkii deeganka u dhashay.

Iyadoo anay xukuumadda Siilaanyo si gaarka ah u la col ah beesha Berbera isla markana aanay waxba ka siin mansabayadii uu magacaabo madaxweynaha iyo wasiiradiisa, hadana waxa lagu soo duulay gobolkii ay ka soo jeedeen oo shaqo laga siiyay dad aan ka soo jeedin gobolka.

Waxa kale oo aan loo ogolaan isuduwayaash iyo agaasime waxeedyada sababtoo ah wasiirada magacaaba waxayna ka dhigtaan kuwo ka soo jeeda beelahooda. Taain waxay keentay inay beeshu noqoto tan ugu badan dhinac shaqol la’aanta aqoonyahanad.

Waxa kale oo jira in had iyo jeer xukuumadda Siilanyo ay mansabyo siiso kuwo beesha ka soo jeeda laakiin aan habayraatee waxba ugu filayn beesha isla markaana aan xidhiidh la lahayn aqoonyahanka iyo dhlainyarad beesha, madaama ay yihiin kuwo aqoon ku filan u lahayn goobaha loo magacaabay.

Goobaha muhiimka ee Berbera laga siiyaya dad aan deegaanka ka soo jeedin:

1-Badhaasabka gobolka

2-Xogahayaha dawaladda hoose

3-Taliyaha Ciidanka booliska

4-Taliyaha ciidanka Badda

5-Maamulaha Madaarka Berbera

6-Maamulaha Kastamka Berbera

7-Isuduwaha wasaaradda Maaliyadda Berbera

8-Xisaabiyaha gobolka

9-Iyo dhamaan isuduwayaasha wasaraadaha oo dhan marka laga reebo saddexdan waasardood - wasaardda awqaafta, wasaradda Ciyaaraha , wasaaradda waxabarashada.

Ma jiro mana dhici karto gobol ka mid ah gobolda Somaliland oo intaasi oo boos oo muhiim ahi ay hayaan dad an u dhalan gobolka iyagoo ay shaqo la’aan ku jiraan dadkii deeganka. Sidaas darted waxa cad inuu saaxil yahay gobol la qabsaday.

Arrintani waxay keenaysa in dhowaan marka la soo gebogebeeyo shirar hoosaadka u socda aqoonyahanka beesha in kacdoon la iskaga xorayanyo xukuumadda aan cadaladda lahayn ee Siilaanyo laga bilaabo.

Mana dhacayso in loogu dulqaato haddii Siilaanyo intii awoodda uu ulahaa ee ahayd magacaabidda golaha fulinta iyo hay’adah madaxa banaan uu ka qadiyay beesha in Berbera lagu soo daldalo kuwo aan ogolayn in goboladooda ay beel kale ka shaqayso. Kuwan isku baladhaninaya kuraasida Berbera ha ogaadan in beeshii xaqa u lahayd ay eeganayso dulqaadkiina soo gudhayo.

Ayaan Maxamed Cali (Berbera)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured