FAALLO: Xasan Maxamed Yuusuf Waxaa U Ka Dhigan Yahay,Soljooy Nin-na Dhuuni-Buu Ku Dhex Jooga Nin-na Dhaqaashu Kuugu Dhabar-Jabay.

0
Saturday August 02, 2014 - 20:08:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Xasan Maxamed Yuusuf Waxaa U Ka Dhigan Yahay,Soljooy Nin-na Dhuuni-Buu Ku Dhex Jooga Nin-na Dhaqaashu Kuugu Dhabar-Jabay.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland,xasan maxamed Yuusuf ayaa ku fashilmay xilkii ay u ig-madeen xunbaha guddida fulinta ee ururkaas,wax yaabaha la yaabka leh ee u ku kacay gudoomiyaha magaaca saxaafadda ku ceeshi jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland,xasan maxamed Yuusuf ayaa ku fashilmay xilkii ay u ig-madeen xunbaha guddida fulinta ee ururkaas,wax yaabaha la yaabka leh ee u ku kacay gudoomiyaha magaaca saxaafadda ku ceeshi jirey inuu

Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland,xasan maxamed Yuusuf ayaa ku fashilmay xilkii ay u ig-madeen xunbaha guddida fulinta ee ururkaas,wax yaabaha la yaabka leh ee u ku kacay gudoomiyaha magaaca saxaafadda ku ceeshi jirey inuu sammeeyey dhaqan ku cusub oo aan loogga baran warbaahinta Somaliland iyo cid kastaa oo soo qabbatay xilka gudoomiyaha ururka saxaafadda oo ah mid metellada saxaafadda Somaliland oo dhan.waxaanna loola yaaba si weyn ninkii dhamma ee laga fillaayey saxaafadda dalka inuu kobciyo oo maanta damac san inuu xukuumadda siilaanyo ka ibiyo mihnaddi uu u hayeey xoriyatul qawlka.gudoomiye xasan maxamed Yuusuf aan milicsanno wax qabadkiisi gaarka ahaa mudaadi u xilka inaagoon ka been sheegen gudoomiyaha maanta xilka laga qaaday. Xasan maxamed Yuusuf waa nin aan intaa badan maalintii la arag waa habeenkii noole saamalleel-badan,laguma arag intii u joogay oo u ahayeey xilka wax faa”iido leh oo la taaban karro oo u qabtay bahda saxaafadda waa nin hordo badan lixdii bilood waxaa laga yaabba inaad maalin aragto,maalintaas aad aragto waxaa laga yaabba inuu sidii usoo jeeday,mr xasan waxaa la filaayey inuu noqdo nin fir-fircooni laga filaayey,waxaa uu ahaa gudoomiyaha solja ninkii sameeyey wax aanay sammeyn kuwii ka horeeyey,taaso ahayd kadib markii u batay xadhiigga saxaafadda dalka muddo laga jooggo afar sanno oo ay jirtay xukuumadda siilaanyo waxaay xabsigga dhigtay in ku dhow saddex boqol oo weriye,waxaanay al-baabadda u laabtay laba wargeys oo madax-banaan,oo kasoo bixi jirey caasimadda dalka.

Hadaba xasan maxamed Yuusuf waxaa uu ahaa gudoomiyihii waxba markii u ka qaban kari waayey dhacdooyinka foosha xun ee ay xukummaddu ku hayso xoriyadda hadalka oo ay dabar-gooysay waxaannu yidhii saxaafadda Somaliland waa bilaa aqoon ee hala xidh-xidho oo xabsiyadda halaga buuxiyo waa YAAB hadalkaaso waxaa uu ku tusayaa inuu yahay,daneeyste aan dan ka lahayn mihnadda uu hoggaamiyo,maxaa yeelay waa u gaadhay inuu sidaas u hadlo,waxaana jirtaa xukuumadda wax walbaa mooshin ka dhigata taaso aan marnaba joogi Karin,xasaarad la’aan waxaanay mashruuc ka dhigata kooxo ay kusoo ay ku shaqaysaato kuwaaso danno gaar ah ka leh xukumada,waxaana ay haystaan magacyo ururro aan dawli ahayn.kuwaaso ay dilaalinimo kula shaqaytaan dadka mid ah xukummada tallada haysaa.

Waxaa jiraa urur la magic baxay SONSOF kaaso ah mid loogu tallo galay in lagu cidhib tiro saxaafadda waxaanay wataan afar ka mid ah saxaafadda iyaago tusay danno dhaqaalle,sidaas oo ay tahay dalladda Sonsof kumma ek-kaan oo keliya dhaqaalihii iyo guul-wadeyntii balse waxay damceen inay in qilaaban hoggaanka guud ee ururka solja,waxaanay warbaahinta u qabteen kulan ay sheegen in lagu gor-faynaayo xaaladda iyo horumar la’aanta saxaafadda dalka,waxaanay googol dhig ka dhigteen side la iskugu soo dhoweyn karaa saxaafadda iyo xukumada iyo side lo sammeyn karaa xeer saxaafadeed.

Markay kullankaas bilaabeen ayaa qaarka mid ah boodhka guud ee dalada saxaafaddu fahan tahay inay kooxda dani wadaan dabin loo dhigaayo warbaahinta dalka,waxaanay sheegen in aan saxaafadda dalka kulan lo qabain Karin cid aan ahayn ururka saxaafaddu lee-dahay,intaasi markay dhacday waxaa kala qayb-samay oo laba garab u kala go”aay sadeexdii masuul ee u sareeyey,ururka saxaafadda Somaliland ee solja.waxaana dhinac isku raacay xog-hayaha Guud ee ururka iyo Gudoomiye ku xigeenka oo markaas iyaagu arkaayey in aanay masiirka mihnad loogu aaminey aanay Danni ugu jirin kulankaas ay soo qaban qaabisay daladda bililiqadda waddaa,waxaanay soo saaren war-saxaafadeed ay uga digayaan warbaahinta kullanka danta laga lahaa ee saxaafadda lagu minjo xaabinaayo.waxaana ay ku til-maameen mid ay ka danbeyso xukumadda uu gadh wadeenka ka yahay siilaanyo.

Markii labadaas masuul sidaas ugu digeen saxaafadda ayaa waxaa dhaqaale lagu duuf-saday gudoomiyaha xilka ka degey hadda,xasan maxamed Yuusuf waxaanu ku dhaqaaqay tallaabo u markaas ugu horeysay tan iyo markii loo dhiibey hoggaanka ururka saxaafadda,waxaanu qaadacay si aan looga baran,warkii ay soo saareen gudoomiye ku xigeenka iyo xog-hayaha Guud ee solja.waxaana kulanno gooni gooni ah oo ay waday er-go ka mid ahayd saxaafadda lagu guuleystay in la in la iska dhaaffo khaladkaas u galay gudoomiyuhuu.waxaana lagu qanciyeey kulankaas inuu furo oo u gadh wadeen ka ahaado.

SOnsof maalintaas markii ay guuleystaya oo ay qabatay kulaankii,waxaa ay qaaday inay sheegato awood aanay lahayn taaso ay keentay wax laala yaabbo oo ay ku sheegen xeer lagu hoggaamin doonno saxaafadda lana hor geeyo gollaha wakiiladda,markii ay hin-disahaas la yimmaadeen waxaa dhacday inay sidaa fiinta ugu qaylisay warbaahinta madaxa-banaan iyo xog hayaha solja oo wataa gudoomiye ku xigeenkiisa,waxaanna dhacday in meesha laga waayo gudoomiyihii solja xasan maxamed Yuusuf.waxaana la ogaaday inuu ibiyeey masiirkii lagu aaminey ee ahaa inay wax u kor-dhaan saxaafadda Somaliland,kana ibiyey xukummad si adag ugu tagri fashay xoriyaddi uu masuulka ka ahaa la soco qaybaha danbe haddi alle idmo….

Qalinkii

Weriye Cabdi Casiis Bashiir Nuur

Tel 4144434

xogreebnenews.com

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured