“Dowladda Somaliya Waxaa Laga Rabaa Inay Soo Afjarto Dilalka Ka Dhanka Xildhibaanada” Nicholas Kay

0
Saturday August 02, 2014 - 19:17:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Dowladda Somaliya Waxaa Laga Rabaa Inay Soo Afjarto Dilalka Ka Dhanka Xildhibaanada” Nicholas Kay

    Muqdisho(xogreebnews.com-Amb. Nicholas Kay, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa ka hadlay dilkii shalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madeer), oo ka tirsanaa Xildhibaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Amb. Nicholas Kay, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa ka hadlay dilkii shalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madeer), oo ka tirsanaa Xildhibaanada
Muqdisho(xogreebnews.com-Amb. Nicholas Kay, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa ka hadlay dilkii shalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madeer), oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.Wakiilka waxa uu si xoogan u cambaareeyay falka foosha xun leh ee lagu dilay Mudanaha ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, iyadoo uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilkiisii.Amb. Nicholas Kay waxa uu hoosta ka xariiqay inay soo badanayaan dilalka ka dhanka ah Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna ku sifeeyay fal wuxuushnimo ah.
Nicholas Kay waxa uu Dowladda Somaliya ugu yeeray inay wax ka qabato oo soo gaba gabeyso, dilalka sida joogtada ah Magaalada Muqdisho loogu geysanaayo Xildhibaanada.
Sidoo kale waxa uu Dowladda ku booriyay inay gacanta ku soo dhigto dembiile-yaasha geysanaaya dilalka Xildhibaanada, si Maxkamad loo horkeeno, Cadaaladana loogu qaado.Mr. Kay oo hadalkaan ku sheegay War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiskiisa, ayaa sidoo kale tacsi ugu diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Sheekh Aadan Madeer



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured