Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo Xaflad ballaaran u qabtay Aqoonyahan C/Fitaax Nuur Ashkir.

0
Friday August 01, 2014 - 19:18:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo Xaflad ballaaran u qabtay Aqoonyahan C/Fitaax Nuur Ashkir.

    Campala(xogreebnews.com-Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay aqoonyahay reer Puntland ka soo jeeda Asal ahaan oo la yiraahdo C/Fitaax Nuur Qodax (Ashkir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Campala(xogreebnews.com-Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay aqoonyahay reer Puntland ka soo jeeda Asal ahaan oo la yiraahdo C/Fitaax Nuur Qodax (Ashkir

Campala(xogreebnews.com-Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay aqoonyahay reer Puntland ka soo jeeda Asal ahaan oo la yiraahdo C/Fitaax Nuur Qodax (Ashkir).Munaasabadaas aadka loo soo diyaariyay ayaa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Reer Puntland Sida: Ganacsatada,Ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Uganda,Dumarka,dhalinyaro gabdho iyo wiilalba leh.

Munaasabadaas ayaa soo qaban qaabadeeda iskugu hawlay jaaliyada reer Puntland ee dalka Uganda,ugu horayntiina waxaa kalmad soo dhaweyn ah ka jeediyay madasha Beeldaaje Ciise Cartan oo tilmaamay in soo dhawaynta iyo sharfidda C.fitaa Ashkir ay tahay mid aan uga dan-leennahay muujinta dowrkii lixaadka lahaa ee uu Ashkir ka qaatay wax tarkii dadkii ku wax yeeloobay dabaylihii roobabka watay ee ka dhacay Puntland.

Beeldaaje ciise Cartan ayaa sidoo kale tilmaamay in Ashkir uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed dhulkii uu ka soo jeedayna wax badan u qabtay xagga iftiiminta taarikhda dhul udug,isagoo qoraalo qiima badan ku daabacay in badanoo ka mid ah warbaahinada ka soo baxa dalalka Carabta.

Maxamuud jamac (Gaalkacyo) oo asagana ka mid ah ganacsatada jaaliyadda Reer Puntland ee Uganda ayaa isagana caddeeyay waxtarka uu Qoraa C.fitaax Ashkir u horseeday jaaliyadda Reer Puntland gaar ahaan iyo kuwa soomaaliyeedba.

Maamo qaali oo ku hadlaysay afka maamooyinka jaaliyada puntland ee Uganda ayaa sheegtay in ay muhiim tahy in loo mahad celiyo dadka reer puntland ah oo wax tarka u ah dadkooda iyo dalkooda

Cabdifitah axmed (geyre) oo ka mid ah jaaliyada puntland oo ka qayb galay xafladda ayaa yiri “Dadka Ashkiroo kale ah waa in aan ayaga siyaasadda u dhiibannaa,waayo waxay noo horseedi karaan nolol fiican,iyo xiriir waara”.

Maxamed xuseen bille oo ku hadlayay afka ardayda ayaa bogaadiyay wax qabadka uu umadiisa u hayo aqoonyahan abdifitah (ashkir)

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay oday cabdicasiis sanwayne iyo abwaan cawil qolofay oo halkaas ka soo jeediyay gabay uu ku amaanay aqoonyahan ashkir.

Dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in aqoonyahanka xafladda loo qabtay uu yahay mid dadka reer Puntland wax badan taray xagga qoridda iyo soo itfiin bixinta wax ay Puntland gaarka la tahay. Asagoo - sida ay dadkii xafladda ka hadlay ay tibaaxeen- ka hawl gala shabakadda Caanka ah ee Al-Jazeera,isla markaana xiriir fiican la leh dhammaan wargeeysyada caanka ah ee ka soo baxa dalalka Carabta.

Ugu danbayntii ayaa beeldaajaah ciise wuxuu guddoonsiiyay aqoonyahan C/Fitaax Ashkir shahaado Sharaf uu ku muteeystay u adeegidda reer Puntland iyo la shaqayntiisii fiicnayd ee uu la waday — Alle ha u naxariistee- C.shakuur Maxamuud Gureey oo ahaa nin samafalka ka shaqeeya oo waxtarwayn u ahaa dhammaan deegaanada Puntland. Rool muhiimana ka qaatay horumarinta dadka reer puntland

Download image004.jpg (166.4 KB)Download image012.jpg (104.9 KB)Download image030.jpg (137.4 KB)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured