Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Sheegay In aysan Beesha Caalamku Ogolayn Mudo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

0
Friday August 01, 2014 - 17:43:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Sheegay In aysan Beesha Caalamku Ogolayn Mudo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

    Hargeysa(Xogreebnews) gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro oo maanta qolka nasashada ee gagada diyuhuuradaha ee caalamiga ah ee cigaal kula hadlayey saxaafadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro oo maanta qolka nasashada ee gagada diyuhuuradaha ee caalamiga ah ee cigaal kula hadlayey saxaafadda

isagoo ka soo laabtay dalka jabuuti ayuu yidhi umadda Somaliland,xisbiyada iyo beesha caalamku midna ma ogola in mudo kordhin loo sameeyo xukuumada uu hogaamiyo Siilaanyo.

Gudoomiyaha ayaa waxa kale oo uu ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kulamo uu la soo yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo diblumaasiyiin shisheeye,waxana uu sheegay inay guulo ku soo dhamaadeen kulamadaasi ,isla markaana ay ka wada haleen danaha Somaliland.

C/raxmaan Cirro ayaa waxa uu sheegay in dhawaan uu dalalka itoobiya iyo Kenya ku tegi doono safar ay ujeedadiisu tahay xidhiidhka Somaliland iyo ka dhaxeeya labadaasi dal,sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland kala shaqeyn doono sidii xuduudaha dalalka jaarku ka xidheen uu kala shaqeyn doono in dib loogu furo shacabka Somaliland.

Suxufiyiinta oo weydiiyey eedeyn uu wasiirka warfaafintu u jeediyey xisbiga WADANI oo uu ka jawaabay gudoomiye cirro ayaa waxa uu sheegay in aysan eedahaasi waxba ka jirin ,xisbigiisuna uusan ka gabanayn dhaliisha ay ku arkaan xukuumadda.

Khilaad siyaasadeed ayaa waxa uu u muuqdaa in uu ka dhex qarxay xisbiga WADANI iyo xukuumadda ,iyadoo dhawaan xukuumadu ku hanjabtay in uusan gudoomiye cirro isku helayn in uu ahaado gudoomiyaha wakiilada iyo WADANI isla markaana waxay xukuumadu ku eedaysay in uu mudo kordhin xaraan ah ku fadhiyo kursiga golaha wakiilada,isla markaana uusan isagu ka hadli Karin mudo kordhin loo sameeyo xukuumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured