Puntland oo xidhiidhkii u jartay Dowlada Federaalka sabaabaha keenay daawo (war-saxaafadeed+sawirro

0
Thursday July 31, 2014 - 21:01:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xidhiidhkii u jartay Dowlada Federaalka sabaabaha keenay daawo (war-saxaafadeed+sawirro

    Garoowe(xogreebnews.com-Puntland oo xidhiidhkii u jartay Dowlada Federaalka sabaabaha keenay daawo (war-saxaafadeed+sawirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(xogreebnews.com-Puntland oo xidhiidhkii u jartay Dowlada Federaalka sabaabaha keenay daawo (war-saxaafadeed+sawirro

GO’AAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII GOLAHA XUKUUMADDA

DOWLADDA PUNTLAND KHAMIIS 31/07/2014

Dowladda Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u- samaynta Gobolladadhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014

Markay eegtay dastuurka Dawlada Federaalka Qodobka 50aad, Faqradiisa 5aadiyo 6aad

Markay aragtay dastuurka dowladda Federaalka ah Qodobka 52aad, faqradiisa2aad xarafka -B- iyo faqradiisa 3aadWaxay go’aan ku gaartay sida soo socota:

1. Dowladda Puntland waxay ka soo hor-jeedaa heshiiskii maamul-u-samayntaGobolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka dowladda federaalka ah eeSoomaaliyeed.

2. Dowladda Puntland waxay aad uga xun tahay ka-qaybgalka Xubnaha

Beesha caalamka heshiis khilaafsan dastuurka Dowladda federaalka

Soomaaliyeed.

3. Waxay dowladda Puntland nasiib-daro u aragtaa in madaxdii sare ee

dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor imanaya

Dastuurka dawladda federaalka ah, iskana horkeenaya Bulshada

Soomaaliyeed.

4. Dowladda Puntland waxay wada-tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira

Golayaasha dowladda dhexe ee ka soo jeeda deegaamada Puntland muddo

15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15 August 2014.

5. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga

Wakiilka aheyd Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, Marwo Caasha Geelle

Diiriye

6. Dowladda Puntland waxay go’aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojisay

wixii xiriir iyo wada-shaqayn ah ee ay la laheyd dowladda dhexe ee

Federaalka Soomaaliyeed

7. Dowladda Puntland waxay cadaynaysaa wax alla wixii dhib ah ee ka

yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta Gobollada

dhexe ee lagu sheeganayey qaybo ka mid ah Deegaamadda Puntland ay

mas‘uul ka tahay Dawlada Dhexe.IMG_4884 IMG_4892 IMG_4867 IMG_4868




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured