Wasiirka Arrimaha DIbadda Somaliya Dr. Bayle Oo Su’aalo Laga Weydiiyey Arrimaha Safaaradaha

0
Thursday July 31, 2014 - 20:55:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha DIbadda Somaliya Dr. Bayle Oo Su’aalo Laga Weydiiyey Arrimaha Safaaradaha

    Muqdisho(xogreebnews.com- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayay Madaxa Guddigaasi Xil. Cab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayay Madaxa Guddigaasi Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali , ayna ka qeyb Muqdisho(xogreebnews.com- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayay Madaxa Guddigaasi Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali , ayna ka qeyb ahaayeen Kuxigeenka Madaxa Guddiga Hon. Mohamed Omar Talha ,Xogheynta iyo Xubno kale oo Xildhibaano ah.

Kulankani ,ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mahad Mohamed Salaad oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka .


Fadhigani , ayaa Wasiirka, Wasiir kuxigeenka iyo Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka , ay uga doodeen hindisaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay qorsheyneyso inay wax uga badasho , dib u habeyn guud -na ku sameyso dhammaan Safaaradaha , Safiirada ,Diblomaasiyiinta iyo Uqeybsanayaasha Ganacsiga, Milatariga iyo Waxbarashada . DSC06958

26-kii bishan July, ayaa Golaha Wasiirada oo uu shirgudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ay go’aamiyeen in la yareeyo tirada Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay caalamka , waxaana tirada Safaaradaha laga dhigayaa illaa iyo 28 Safaaradood iyo 3 Qunsuliyado guud , iyadoo Safiir Waliba ay la shaqeyn doonaan 3 diblomaasi oo qura , waxaana Si kumeel-gaar ah Wasaaraddu u xiri doontaa illaa iyo 9 Safaaradood , iyadoo tirada guud diblomaasiyiinta ay noqon doonto 93 ruux, waxaana lagu hagi doonaa Sharciga Shaqaalaha Dibadda (FOREIGN SERVICE Law).

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta isaga iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka , ayaa waxa uu sheegay in go’aanka Wasaaraddu ay qaadatay ee ay aqbaleen Madaxda Qaranka iyo Xubnaha golaha Wasiirada uu ahaa mid si weyn loo xeeriyay , oo loo eegay dhanka dhaqaalaha iyo danaha qaranka , waxa uuna yiri “ mudadii qaran burburka uu ka jiray dalka , waxaa iska furmay Safaarado , iyadoo taa laga duulayo Madaxda qaranku waxa ay go’aamiyeen in dib u eegid lagu sameeyo arrinkaasi, si loo suurageliyo hanashada Safiirka iyo baahidiisa , loona ilaaliyo sumcadda iyo karaamada magaca Qaranka”.

Madaxa Guddga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xil. Cabdulqaadir Cosoble Cali ,ayaa sheegay in ay talo iyo fikir is weydaarsadeen iyaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo ku aadan wax ka badalka arrimaha Safaaradaha oo ah qorshe iyo baahi qof waliba oo Soomaaliyeed uu dareemayo in la yareeyo tirada Safaaradaha , lana dhaqan-geliyo Sharciga Shaqaalaha Dibadda oo Baarlamaanka uu ansixiyay bishii July ,sanadkii 2013 , si sharcigaasi uu noqdo saldhigga dib u habeynta Safaaradaha ,Safiirada iyo diblomaasiyiinta, iyadoo la eegayo xaaladaha dhaqaalo iyo siyaasad ee dalka.

Xildhibaan Abdulkadir Osoble ayaa sheegay in Wasiirku ay wax ka weydiiyeen hantida qaranka ee dalka dibaddiisa taala iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka , isagoo sheegay in ay la shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda maadaama ay tahay muraayadda laga dhex arkayo muuqaalka qaranimo .

Kuxigeenka Madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Hon. Mohamed Omar Talha ayaa isna sheegay inay taageersan yihiiin habka shaqo ee Wasaaradda ay wax uga badaleyso nidaamka shaqo iyo shaqaale ee Safaaradaha ,lana yareeyo tirada Safaaradaha , isagoo yiri “ waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa dhammaan danjirayaasha iyo diblomaasiyiinta, si loo xoojiyo siyaasadda dibadda , lana helo Safiirro iyo diblomaasiyiin leh astaan , muuqaal wadani-nimo, dal jaceyl, midnimo jaceyl iyo sumcad , lana eego tayada , waxtarka iyo mas’uuliyadda uu kaga tarjumi karo magaca qaranka”.

Prof. Mohamed Omar Talha, waxa kale uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka soo siideysay Wadanka Iran maxaabiis Soomaali ah oo halkaasi in muddo ah ku xirneed, isagoo ammaanay qorshayaasha Wasaaraddu ay xad ugu yeeleyso Passport-ka diblomaasiga , diyaarinta Sharciga Maalgeshiga dibadda, soo celinta nidaamka iyo Channel-ka diblomaasiyadda si loo joojiyo Ururo ,dallado iyo shaqsiyaad kale oo deeqaha waxbarasho ee dibadda si sharci darro ah u maamusha , si dhalinta iyo jiilka soo koraya ay u helaan fursado waxbarasho oo dibadda ah , raad-raacidda iyo daba-gelidda nidaamka sharci ee ay ku joogaan dhammaan Shirkadaha iyo hey’adaha shisheeye ee wadanka ku sugan”.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured