Guddida Qabanqaabada Shirweynaha SOLJA Oo Lagu Dhawaaqay

0
Thursday July 31, 2014 - 19:18:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Qabanqaabada Shirweynaha SOLJA Oo Lagu Dhawaaqay

    Hargeysa(Xogreebnews)-Gudida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay gudida qaban qaabada shirwaynaha Ururkaasi,waxaana qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen warbaabhintu u dhignaa sida tan. UJ: Guddid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay gudida qaban qaabada shirwaynaha Ururkaasi,waxaana qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen warbaabhintu u dhignaa sida tan. UJ: Guddida Qabad qaabada Shirweynaha shanaad ee SOLJA (preparatory committee of SOLJA General Assembly)

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudida Fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay gudida qaban qaabada shirwaynaha Ururkaasi,waxaana qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen warbaabhintu u dhignaa sida tan.

UJ: Guddida Qabad qaabada Shirweynaha shanaad ee SOLJA (preparatory committee of SOLJA General Assembly)

Mudanayaal, Marwoyin,

Gudiga fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyagga oo tixraacaya qodobka lixaad ee dastuurka Solja faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo sadexdii sanaba hal mar, islamarkaana fullinaya Qodobka Lixaad faqradihiisa C iyo Q oo ku waajibiyay hawshan. Waxaa ay shir ay maanta 30/7/2014 ku yeesheen xafiiska guud ee ururka SOLJA Hargeysa ku magacaabeen kuna ansixiyeen cod gacantaag ah guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad oo ka kooban shan xubnood.

Magacyada Guddida:

1. Maxamed Ahmed Jamaca (Caloolay) SOLJA

2. Maxamed Aw Adan Cabdi — Freelance

3. Maxamed Siciid C/laahi

-SOLJA

4. Maxamed Xusen Jamac Geeska Afrika

5. Ahmed Xussen Warsame SLNTV

Waxaanu ka rajaynayaa xubnaha guddida qaban-qaabada ee kor ku xusani, in ay ugadan doonaan hawshan sida uu waajibiyay distoorka ururka SOLJA, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.

Hawl-maalmeedka Guddida Qaban-qaabada shirweyaha 5aad ee SOLJA

1. Guddida qaban-qaabadu waxay mas’uul ka tahay dhammaan hawlaha la xidhiidha qabsoomidda, iyo Habsami u socodka shirweynaha

2. Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoon

3. In ay fidiyaan martiqaadka ergooyinka rasmiga ah iyo goob-joogayaasha shirka

4. In ay magacaabaan SHARCI YAQAAN soo naaqisha iyo talo bixina ka keeno dastuurka ururka SOLJA, Shirweynaha ka Hor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured