Madaxdhaqameed ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday oo ka digay Cawaaqib xumo ka dhalan karta Seeraha Xukumaddu u qorshaysay Banka Qool-caday

0
Thursday July 31, 2014 - 18:46:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdhaqameed ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday oo ka digay Cawaaqib xumo ka dhalan karta Seeraha Xukumaddu u qorshaysay Banka Qool-caday

    Hargeysa(Xogreebnews) Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday ee Xukumaddu Seeraha u qorshaysay ayaa ka digay dhib ka dhalan kara haddii Xukumaddu isku daydo Xidhida Seeraha Qool-caday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday ee Xukumaddu Seeraha u qorshaysay ayaa ka digay dhib ka dhalan kara haddii Xukumaddu isku daydo Xidhida Seeraha Qool-caday.

Hargeysa(Xogreebnews) Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday ee Xukumaddu Seeraha u qorshaysay ayaa ka digay dhib ka dhalan kara haddii Xukumaddu isku daydo Xidhida Seeraha Qool-caday. Madax dhaqameedka oo Shir Balaadhan ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inaan dadka degaanku Ogolayn Seerayaasha Wasaaradda Xanaanada Xooluhu halkaasi ka wado.

Waxay Madaxdhaqameedku ka digeen Isku dhac dhex mara dadka degaanka oo Hubaysan iyo Xukumadda oo halkaasi ku adkaysanaysa in la Seeraynayo. Muranka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dadka degaanka ayaa sii Xoogaysanaya. Waxaanay dadka degaanku doodayaan in Dhulkaasi ugu faa’iido badan yahay Banaanaanta oo Xoolaha iyo dadka doolka ahiba ugu daaqaan.

“Bankan Yar, marka uu Doog ka baxo, Ka Awdal joogaa yimaada, ka Xeebta joogaana wuu yimaadaa, ilaa Oodweyne wixii ka sokeeyana way yimaadaan, ilaa Itoobiyana waa laga yimaadaa. Meel banaan oo Dhulka Somaliland u banaan oo halkaas ayaa banaane ina geeya la yidhaa Bankaasi ayaa jira, Waar intan yar Dadkaanu u haynaa, Anagu deegaan ayuunbaanu nahaye.’ Ayaa ka mid ahaa hadalka Madaxdhaqameedka.

Salaadiinta iyo Cuqaashan ayaa soo jeediyay in aan Seerahaasi lagu dhibaatayn dadka degaanka, islamarkaana lagu waxyeelayn Amaanka Guud “ Waxaanu ka digaynaa inaan Dadkaasina dhibaato loo gaysan, Nabad galyada Somaliland-na lagu dhaawicin. Waa in Arintaasi faraha lagala baxo, Cidii kale ee Noo weydaarataana iyadaa ka masuul ah wixii halkaasi ka Xumaada”.

Xubnaha Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka dagaalamayaan dhulka Xukumaddu xidhayso, isagoo Awal horeba cidhiidhi dhulku ku ahaa dadka deganka “ Waxaan jiray 95 sano, waxaan ka mid ahay Ragga yidhi waanu ka dagaalamaynaa. Qofku hadduu yidhaa wixii aan naqaban waanu ka dagaalamaynaa Dawladdu yaanay la yaabin. Boqor Raabi hadii uu yidhi Waanu ka dagaalamaynaa wixii aan naqaban Anagaa ku barbar taagan. Dawladdu ma inta Dirayska Xidhan ayuunbaa dawladda ah, ma inta Xilka haysa ayuunbaa dawladda ah ma inta Lacagta haysata ayuunbaa dawladda ah, Miyayna Maxasta iyo dadka Jilicsan Dawladda waxba ku lahayn? Ayaa hadalka Odayaasha ka mid ahaa.

Madax dhaqameedka ayaa Walaac ka muujiyay Masuuliyiin Xukumada ka tirsan, kana soo jeeda Beesha degta Banka muranku ka taagan yahay ee Qool-caday oo haddimaynaya Dadka degaanka iyo Madax dhaqameedkoodaba.

Masuuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa hore u sheegay in Dhulkaasi la xidhi doono si dadka degaanku uga faa’iidaystaan Cawska laga beero xilliyadda Abaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured