Xukuumada Somaliland Oo Si Adag U Canbaaraysay Xasuuqa Ay Ciidamada Yuhuudu Ku Hayaan Dadka Reer Falastiin, Fariina U Dirtay Beesha Caalamka

0
Monday July 28, 2014 - 19:06:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Si Adag U Canbaaraysay Xasuuqa Ay Ciidamada Yuhuudu Ku Hayaan Dadka Reer Falastiin, Fariina U Dirtay Beesha Caalamka

    Hargeysa(xogreebnews.com--xukuumada Somaliland ayaa si adag u canbaaraysay weerara arxan darada ah ee ay ciidamada yuhuudu ku hayaan dadka muslimiinta ah ee reer falastiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--xukuumada Somaliland ayaa si adag u canbaaraysay weerara arxan darada ah ee ay ciidamada yuhuudu ku hayaan dadka muslimiinta ah ee reer falastiin. Hargeysa(xogreebnews.com--xukuumada Somaliland ayaa si adag u canbaaraysay weerara arxan darada ah ee ay ciidamada yuhuudu ku hayaan dadka muslimiinta ah ee reer falastiin.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweyne oo maanta tukashadii salaada ciida kala qayb galay shacabka caasimada Hargeysa ayaa waxa uu si adag u canbaareeyey xasuuqa ay ciidamadda yuhuuda ku hayaan dadka reer falastiin.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo xasuuqa ay ciidamada yuhuudu ku hayaan dadka maatida ah ee reer falastiin waxaanu yidhi “Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuudu kula kacayso shacabka reer Falastiin ee maatida aan waxba galabsan lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo.”Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa caalamka ugu baaqay inaanay indhaha ka qarsan xasuuqa lagu hayo dadka reer falastiin waxaanu yidhi “Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee umada reer falastiin lagu hayo.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured