.Waatan Shakhsiyadda Dhabta ah ee Wiilka Madaxtooyadu Ku Biiliso Cayda iyo Aflagaadada Madaxda Mucaaradka.

0
Sunday July 27, 2014 - 19:59:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    .Waatan Shakhsiyadda Dhabta ah ee Wiilka Madaxtooyadu Ku Biiliso Cayda iyo Aflagaadada Madaxda Mucaaradka.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Akhristayaal qaybtii hore ee taxanahan waxay ka soo sheekeynay waxoogaa taariikh kooban oo uu leeyahay wiilka yar ee lagu magacaabo MUNIIR,shakhsiyadda wiilkan yar waxa lagu macneyn karaa xikmadii carbeed ee ahayd BUL FII BIR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Akhristayaal qaybtii hore ee taxanahan waxay ka soo sheekeynay waxoogaa taariikh kooban oo uu leeyahay wiilka yar ee lagu magacaabo MUNIIR,shakhsiyadda wiilkan yar waxa lagu macneyn karaa xikmadii carbeed ee ahayd BUL FII BIRI ZAMZAM TASHTAHIR,oo

Hargeisa(xogreebnews.com-Akhristayaal qaybtii hore ee taxanahan waxay ka soo sheekeynay waxoogaa taariikh kooban oo uu leeyahay wiilka yar ee lagu magacaabo MUNIIR,shakhsiyadda wiilkan yar waxa lagu macneyn karaa xikmadii carbeed ee ahayd BUL FII BIRI ZAMZAM TASHTAHIR,oo macnaheedu yahay ku kaadi biyaha barakaysan ee samsamka aad caan noqotide,waana sida uu doonayo in uu ku caanbaxo MUNIIR.

Hadaba inkasta oo wiilka la soo diray oo cayda iyo aflagaadada uu ku hayo madaxda mucaaradka,qaar ka tirsan wax garadka Somaliland,ganacsato,culimo,beelo iyo dad kale oo magac ku leh gulshada dhexdeeda ,oo loo sameeyey intan oo dhan caydooda websit iyo wargeys uu ku caayo,ayaa waxa ayaan darada weyni tahay dadkan ku biiliya websit-ka iyo wargeyska cayda umadda inteeda karaamada leh miyeysan ogeyn in ay iyaga ku soo noqonayso ceebta uu u soo jiido wiilkan yari,ileyn soomaalida ayaa hore u tidhiBOORAAN HADIMO HA QODIN ,HADII AAD QODANA HA DHEEREYN KU DHICIDOONTAANA MOOYEE,marka cida soo dirtay wiilkan yare e welina ku taageersan websit-kii iyo wargeyskii loo sameeyey in uu cay iyo aflagaado ugu geysto dadka magaca iyo maamuuska ku leh umadda dhexdeeda,ayaa waxay noqon doonta arin taariikhda u geli doonta wasiir xirsi oo ah ninka ugu weyn ee biilka ku siiya wiilka yar cayda iyo aflagaadaasi ,inkasta oo wasiir xirsi isaga lagu tilmaamo nin aan wax go’dob ah oo gaar ah cidi ka sheeganeyn hadana arintan ayaa ah mid uu masuuliyadeeda yeelanayo wasiir xirsi.

Hadii aynu ashkhaasta uu wiilkan yari cayda iyo aflagaadada uu u geystay waxa ka mid ah sheekha caanka ah ee sheikh Adan Siiro oo uu hore ugu sheegay in sheekhu sameystay kooxo budhcad ah oo hubaysan oo u badan dhalinyaro,waxaasi oo aan waxba ka jirin ayuu dusha ka saaray sheekha ,waxayna arintaasi noqotay wax umadda reer Somaliland fajac iyo amakaak ka qaaday oo u qaadan waa noqotay,dad ka ag dhaw wiilkan yar ayaa sheegay inay ujeedadu ahayd in mar uu sheekhu masjid uu khudbadda jimcaha ka akhriyo xukuumada uu u jeediyey talooyin ku saabsan sidii ay isku hagaajin lahayd xukuumadu balse wiilkan yar ayaa u qaaday in uu xukuumadda dadka ka xigo oo si gaar ah isaga difaaca xukuumadda loogu xilsaaray.

Dadka kale ee uu wiilkan yari ka been abuurey waxa ka mid ahaa gaancsadaha weyn ee GEELLE ARAB oo uu been ka sheegay ,sidoo kale wargeyskiisa somaliland today ayaa waxa uu ku qoray in shirkadda TELESOM ay heshiis la gashay Al-shabaab si gaancsiga shirkadu ayuu yidhi uga shaqeeyo koonfurta somaliya,waxa uu wiilkani caayey beelo dhan oo Somaliland tega oo uu had iyo jeer ku sheego inay dadka ugu jilicsan yihiin wuxuu beelweynta SUBEER AWAL ku tilmaamay qaar aan iskood isku taagi kari oo ay had iyo jeer u baahan yihiin xukuumadda siilaanyo isla markaana waxa uu beesha ka sheegay in aysan iyadu is maamuli kari in la maamulo mooyee,akhriste dee ma soo koobi karno rikoodhka beenta ah ee u diwaan gashay wiilkan yare e wasiirka madaxtooyadu ku biiliyo cayda iyo aflagaadada dadka sumcada iyo sharafta ku dhex leh umadda Somaliland.

Xikmad soomaaliya ayaa tidhaahda waxba nimaan lahaan jirin hadii eebbe wax u dhiibo , ogobeey wacdarihii hore ayuu weli xusuustaa .

Yaab kiisa ugu weyni waxaa weeye markii uu wiilkani dam-cay inuu cid qoraal xummo ku caayo,oo u ku tilmaamo xog haya-yaha war-faafinta ee xisbiga ucid Yuusuf kayse oo u dhaliil u waayey ayuu faray mr mudaalab inuu af-ka hooyo soo barto cajiib.

La soco taxanaha danbe oo siro fara badan aan ku soo bandhigi doono

Qalinkii:Axmed C/irsaaq Maxamed

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured