Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada London Oo Uu Kulano Waaweyn Kaga Qayb Gali Doono Iyo Boqolaal Taageerayaasha UCID UK Oo Soo Dhaweeyey Daawo Sawirada

0
Thursday May 09, 2013 - 07:44:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada London Oo Uu Kulano Waaweyn Kaga Qayb Gali Doono Iyo Boqolaal Taageerayaasha UCID UK Oo Soo Dhaweeyey Daawo Sawirada

    Musharaxa xilka madaxtinimada ee xisbiga UCID sannadka 2015 doorashada guud ee Somaliland ka dhici doonta haddii alla idmo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo saraakiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa xilka madaxtinimada ee xisbiga UCID sannadka 2015 doorashada guud ee Somaliland ka dhici doonta haddii alla idmo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo saraakiil

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada London Oo Uu Kulano Waaweyn Kaga Qayb Gali Doono Iyo Boqolaal Taageerayaasha UCID UK Oo Soo Dhaweeyey Daawo Sawirada

imageimageimageimageimageLondon (Rmedia)Musharaxa xilka madaxtinimada ee xisbiga UCID sannadka 2015 doorashada guud ee Somaliland ka dhici doonta haddii alla idmo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo saraakiil xisbiga ka tirsan ayaa maanta goor danbe waxay ka soo degeen gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow International Airport ee magaalada London, isagoo Mudane Jamaal ka soo kicitimaya dhinaca iyo magaalada New York ee dalka maraykanka.


Boqalaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID ee dalka ingiriiska ayaa Mudane Jamaal Cali Xuseen kaga hor tagay Terminalka uu ka soo degaayey iyagoo usoo gelbiyey dhinaca iyo gudaha magaalada London halkaasi oo maalinta berri ah ay uga bilaabmi doonto kulano joogto ah oo uu la yeelanayo jaaliyadaha Somaliland ee magaalooyinka dalkani ingiriiska.
Jamaal Cali Xsuseen ayaa maanta markii uu ka soo degay gegida Heathrow isagoo la hadlaayey warbaahinta wuxuu sheegay in lugtani uu ku yimid qaarada yurub gaar ahaana dalka ingiriisku ay qayb ka tahay olole xisbiga UCID dib loogu habaynayo isla markaana lagu dhex balaadhinayo jaaliyadaha Somaliland ee dalka dibadiisa oo uu xisbigu taageero weyn ka raadinayo.
Jamaal Cali Xuseen ayaa sannadkii hore wuxuu hogaaminaayey xisbiga UCID doorashadii golaha deegaanka ee xisbiyada iyo ururaddu ku tartamayeen kaasi oo xisbiga UCID ay noqdeen xisbigii seddexaad ee si rasmi ah u noqday uguna biiray seddexdii xisbi ee dastuurku ogola.
Dadka siyaasadda ololeeya ayaa xisbiga UCID ku dhaliilaayey maalmahii ugu danbeeyey inay cidleeyeen golahii siyaasadda ee gudaha Somaliland oo ay uga hadheen xisbiyada KULMIYE iyo WADANI oo hadda ku loolama balse xisbiga UCID ayaad mooda hadda inuu soo rogaal celiyey isla markaana uu doonayo inuu olole siyaasadeed oo baaxadleh bilaabo.
Doorashada madaxtinimada Somaliland oo sida qorshahu yahay la filayo inay dalka ka dhacdo 26 June sannadka 2015-ka oo ku eg shantii sannadood ee madaxweyne Siilaanyo la soo doortay ayaa waxaa hadda ka dhiman muddo laba sannadood iyo bil ah, waxaana durtaba bilaabmay ololahii kasbashada codeeyayaasha.

image



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured