Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Gaadiid Somaliland Siisay ku Tagay Garoowe iyo Madaxda Puntland oo soo Dhaweyn Diiran u Sameeyay

0
Sunday July 27, 2014 - 18:02:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Gaadiid Somaliland Siisay ku Tagay Garoowe iyo Madaxda Puntland oo soo Dhaweyn Diiran u Sameeyay

    Garoowe(Xogreebnews):-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(Xogreebnews):-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Garoowe(Xogreebnews):-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Garaad Saleeban Maxamed ayaa ka mid ahaa Madaxdhaqameedyada Gobolka, waxaanu dhawaan degmada Xudun ku soo dhaweeyay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanay ka wada hadleen sidii Garaadku Somaliland ula shaqayn lahaa.

Xidhiidhka u dhexeeyay Garaadka iyo Xukuumadda Somaliland, waxa kale oo ka mid ahaa Gaadiid Hargeysa looga diray oo la siiyay iyo wada hadalo hore u dhex maray, waxaana gaadhi Xukuumaddu siisay loogu sii dhiibay wefti uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo muddo ka hor xukuumaddu soo dhaweysay.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxaa sabtidii shalay Qasriga Madaxtooyada Punland ku qaabilay Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Mr Cabdixakiim Camay.

“Soo noqoshada garaadka aad baan ugu faraxsanahay sababo badan awgood, waana u baahnayn. wuxuu muhiim u yahay midnimada Puntland iyo arrimo kale oo badan, Garaad Saleebaan mar walba door muhiim ah ayuu kaga jiray Puntland waana udub-dhexaad.” Ayuu Madaxweyne Gaas yidhi.

Garaad Saleebaan ayaa isna warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta Garoowe loogu sameeyay. Waxa uu sheegay inay arimo badan ka wada hadlayaan Madaxda Puntland “Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’ ayuu Garaadku sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured