Israel oo Duqaynteeda Qaza sii Ambaqaaday ka dib Xabad Joojin 24 Saac ahayd oo Xamaas Diiday

0
Sunday July 27, 2014 - 17:30:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israel oo Duqaynteeda Qaza sii Ambaqaaday ka dib Xabad Joojin 24 Saac ahayd oo Xamaas Diiday

    Qaza(Xogreebnews) Ciidanka Israel ayaa dib u bilaabay Duqaynta Marinka Qaza ka dib Xabad joojin 24 Saac ahayd oo Xamaas Diiday. 3 Qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Weerarada Israel ee Galinka hore ee Maanta bilawday sida Bahda Caafimaadka ee F

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaza(Xogreebnews) Ciidanka Israel ayaa dib u bilaabay Duqaynta Marinka Qaza ka dib Xabad joojin 24 Saac ahayd oo Xamaas Diiday. 3 Qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Weerarada Israel ee Galinka hore ee Maanta bilawday sida Bahda Caafimaadka ee Falastiin sheegtay.

Qaza(Xogreebnews)Ciidanka Israel ayaa dib u bilaabay Duqaynta Marinka Qaza ka dib Xabad joojin 24 Saac ahayd oo Xamaas Diiday. 3 Qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Weerarada Israel ee Galinka hore ee Maanta bilawday sida Bahda Caafimaadka ee Falastiin sheegtay.

Israel ayaa ka dib Gantaalo Xalay iyo Saaka Xamaas ku riday Israel sheegtay inay dib u bilaabayso Hawl galadeeda Badda, Dhulka iyo Cirka.

Nicole Johnston oo Aljazeera uga soo warantay Qaza ayaa sheegaysa in Duqaymo Cirka iyo Baddaha ay dib u bilawday Israel

Ururka Xamaas ayaa ka soo horjeestay in la balaadhiyo Xabad joojin 12 Saacdood ahayd oo Sabtidii Arimo Bini-aadan-mimo loo joojiyay Duqaynta Qasa. Xamaas ayaa dib u bilawday Gantaalaha ay ku garaacayso Dhulka Israel.

Israel ayaa ku dooday in Qaramada Midoobay ka codsatay in la kordhiyo Xabad joojinta oo ilaa Axada Maanta ah laga dhiga, iyagoo goor horena sheegay inay 4 Saacdood ku dareen, taasi oo ku beegnayd Xalay Saqdii dhexe.

“ Codsiga ka yimid Qaramada midoobay darteed, Golaha wasiiradu waxay Aqbaleen in Xabad joojin Bini-aadan-nimo la sameeyo ilaa Axadda. Xooggaga Difaaca ee Israel wuxuu ka jawaabi doonaa Xad gudub kasta oo lagu sameeyo Wakhtiga Xabad joojinta” ayaa lagu yidhi Bayaan Israel soo saartay.

Afhayeenka Xamaas ee Qaza Saami Abu Suhri ayaa sheegay inaanay Aqbalayn Xabad joojin Bini-aadan-nimo oo aanay ku jirin in Ciidanka Israel dib uga baxaan meelaha ay Marinka Qaza kaga sugan yihiin “Xabad joojin kasta oo Bini-aadan-nimo oo aanay ku jirin, in Meelaha Marinka Qaza ay Israel kaga sugan tahay si Buuxda Ciidankeedu uga bixin, dadka degaanka na aan Awoodsiinayn inay guryahoodii dib ugu noqdaan, Dhaawacana laga soo guro, waa mid Aan la Aqbali Karin” ayuu Aljazeera u sheegay Saami Suhri.

Ugu yaraan 20 Gantaal ayay Xamaas ku Riday Israel Xalay ilaa saaka, iyadoo Ciidanka Israel sheegay in 2 Gantaal hawada lagu qarxiyay 5 kalena ay ku dhaceen Dhulka Israel. Ciidanka ayaa sheegaya in Dad Shacab ah dhaawac ka soo gaadhay Gantaalada Xamaas xiligii lagu guda jiray Xabad joojinta.

Wakhtiga Dagaalku Qaboobay ee Xabad joojinta Shalay ayaa Shacabka Qaza dareemay deganaan,iyagoo Bookhanayay Guryahooda oo Qaar badan dhulka lala simay.

1,049 Falastiiniyiin ah ayaa dagaalka ku dhintay, ilaa 6000 ayaa ku dhaawacmay. Dadka dhintay iyo dhaawaca ayaa u badan Shacab aan waxba gaysan sida Qaramada midoobay sheegayso.

Dhinaca Israel 43 laba ka mid ahi Shacab yahay ayaa ku dhintay, inta kale ayaa Askarta dagaalka ku jirta ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured