WAXAAN KU WAR HELAY ISAGOO I DABA TAAGAN OO FEEDH IGU BILAABAY OO LEH MAXAA WASIIRKAYAGA KU DABA DHIGAY” XILDHIBAAN SICIID AFWAYNE OO KA WARAMAY WEERARKII UU SHALAY KU SOO QAADAY XILDHIBAAN XARIIR SICIID BULAALE

0
Thursday May 09, 2013 - 07:41:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAAN KU WAR HELAY ISAGOO I DABA TAAGAN OO FEEDH IGU BILAABAY OO LEH MAXAA WASIIRKAYAGA KU DABA DHIGAY” XILDHIBAAN SICIID AFWAYNE OO KA WARAMAY WEERARKII UU SHALAY KU SOO QAADAY XILDHIBAAN XARIIR SICIID BULAALE

    Hargeysa (xogreebnews.com) — Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kaga jira beesha bariga Burco ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka soo jeedo ayaa shalay weerar gacan ka hadal ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com) — Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kaga jira beesha bariga Burco ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka soo jeedo ayaa shalay weerar gacan ka hadal ah oo qaawan ku qaaday gudoomiyaha Khayraadka
WAXAAN KU WAR HELAY ISAGOO I DABA TAAGAN OO FEEDH IGU BILAABAY OO LEH MAXAA WASIIRKAYAGA KU DABA DHIGAY” XILDHIBAAN SICIID AFWAYNE OO KA WARAMAY WEERARKII UU SHALAY KU SOO QAADAY XILDHIBAAN XARIIR SICIID BULAALE
Hargeysa (xogreebnews.com) — Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kaga jira beesha bariga Burco ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka soo jeedo ayaa shalay weerar gacan ka hadal ah oo qaawan ku qaaday gudoomiyaha Khayraadka Dabiiciga ee golahaasi Md Siciid Xaaji Afweyne oo ka mid ah xildhibaanada gobolka Sool oo dhaliil qaabka sharciyeed ee xukuumadu heshisyada Shidaalka iyo Macdanta ula gasho shirkadaha ajaanibka. Xildhibaan Xariir siciid Bulaale oo shalay subaxnimadii markii uu soo galay kaamboolka xarunta Baarlamaanka ay ciidanka amaanku ka qaadeen Baaskoolad uu sitay, ayaa gudoomiyaha guddiga khayraadka Dabiiciga ee golahaasi Siciid Maxamed Cilmi oo xayndaabka


golaha ku sugan ayaa isagoo sii jeeda xildhibaan Xariir ku bilaabay gacan ka hadal feedh ah, isla markaana ku hadaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen, “maxaa wasiirkayaga Macdanta iyo biyaha lagaa siiyaa” Gudoomiyaha guddiga khayraadka Dabiiciga ee wakiilada Siciid Maxamed Cilmi oo wargeyska Haatuf weerarkaasi ka dib intaan loo qaadin Cusbitaalka uu wax ka waydiiyay wararka sheegaya in xukuumadu ka dambaysay weerarka gacan ka hadalka ah ee Md Xariir ku qaaday, ayaa sheegay in maalintii doraad loo sheegay in xildhibaan Xariir iyo koox kale ay talo beeleed ka qaateen isaga, isla markaana looga digay inuu is ilaaliyo, waxaanu intaa ku daray in dalka ay dhibaato culusi ku soo socoto haddii saxaafadii madaxabanaanayd iyo xildhibaanadoodii Baarlamaanka ee waajibaadka ka saaran xilka qaranka la weerarayo. Waxa kale oo uu Siciid Maxamed Cilmi sheegay in falkan ay ka dambeeyaan shakhsiyaad ka tirsan xukuumada oo uu tilmaamay inay isku duuban yihiin, taas darteedna uu sheegay in shirgudoonka iyo gole- waynaha uu ka dhursugayo talaabada ay ka qaataan falkan, waxaanu tilmaamay in baadhitaanka falkaasi natiijada ka soo baxda ay cadayn doonto weerarka lagu soo qaaday. Gudoomiyaha guddiga khayraadka dabiiciga ee wakiilada Siciid Maxamed Cilmi oo ka hadlaya arrinkaasi waxa uu yidhi
“Waxaan ku war helay isagoo I daba taagan oo feedh igu bilaabay oo leh maxaa wasiirkayaga ku daba dhigay, maalin horena wasiirka macdanta ayuu u doodayay, mawduuca taagnaana waxa uu ahaa sharciyada heshiisyada xukuumadu gashay ee ku saabsan shidaalada iyo macdanta, taasoo guddiga khayraadka oo aan gudoomiye u ahay aanu xukuumada ka dalbanaynay inay heshiisyada golaha horkeento. Shalayna waxaa laygu yidhi iska ilaali xildhibaan Xariir iyo koox la socota ayaa qaab beelaysan kaaga soo shiraya, aniguna wax weyn umaan arag, balse markii dambe waxaa la ii sheegay in Baaskoolad uu sitay ay askarta nabad-sugidu albaabka hoolka shirarka ay kaga qaadeen” Gudoomiye Siciid Maxamed Cilmi oo ka hadlaya nabaro ka soo gaadhay weerarkaasi lagu qaaday waxa uu yidhi “Luqunta ayuu ayaa nabar igaga yaalaa, wajigana dhawr meelood ayuu iga xagtay, halkaana waxaa ka soo muuqata mushkilad weyn oo fool xun, mar haddii saxaafadii madaxbanaanayd ee xaalada dalka ka hadlaysay la weerarayo oo xildhibaanadii Baarlamaanka waxay awood distooriya u lahaayeen intooda ka hadashana la weerarayo, halkaana waxaa ka muuqata in mushkilad cawaaqib xumo keenaysaa ay dalka ku soo fool leedahay” Gudoomiyaha guddiga khayraadka golaha wakiilada mar aanu waydiinay in dhacdadani ay saamayn ku yeelan karto beesha bariga Burco ee madaxweynuhu koo jeedo iyo beesha Sool ee isagu uu ka soo jeedo, waxa uu yidhi “Horta falalkan looma nisbayn karo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaan qabaa in shakhsiyaad kale oo isku duuban oo maamulka ku jiraa ay wadeen, baadhista ayaanay ku soo bixi doonaan, Madaxweyne Siilaanyo-na sidaan u aqaano laba arrimoodba dhaqan uma laha, laga fili mayo musuqmaasuq uu ku kaco iyo talo weerar-bahalnimo ah inuu taageero, inkastoo aam madaxweyne Siilaanyo loo nisbayn Karin falkan weerarka hadana waji-gabax bay ku keeni kartaa, oo dadkeenu qaab beeleed bay wax u eegaan, haddii ay cadaato in falkan wasiirka macdantu uu ka dambeeyay oo au hab-dhaqanadaasi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured