Haweeney U Dhalatay Dalka Jarmalka Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Mombasa.

0
Saturday July 26, 2014 - 19:34:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney U Dhalatay Dalka Jarmalka Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Mombasa.

    Nairobi(xogreebnews.com-Niman hubeysan ayaa xalay makhribkii Magaalada Mombasa ay ku dileen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo 28 jir ah oo dalxiis ahaan magaalada u timid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi(xogreebnews.com-Niman hubeysan ayaa xalay makhribkii Magaalada Mombasa ay ku dileen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo 28 jir ah oo dalxiis ahaan magaalada u timid Nairobi(xogreebnews.com-Niman hubeysan ayaa xalay makhribkii Magaalada Mombasa ay ku dileen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo 28 jir ah oo dalxiis ahaan magaalada u timid maalintii khamiistii. Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa haweeneydaan iyo in u dhashay dalka Uganda ku toogtay wadada Kuze, xilli ay iska soo raaceen Magaalada Nairobi. Waxayna haweeneyda Jarmalka u dhalatay u geeriyootay rasaastii lala dhacay, halka ninka Uganda u dhashay uu isna ku dhaawacmay.dead-german-woman-killed-in-mombasa. Raggaan, ayaa waxay weerarkaan kadib ka baxsadeen wadada Kuze, iyadoo Boolisku ay gaareen daqiiqado kadib, mana suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilka iyo dhaawacaba geystay. Henry Ondiek, Madaxa Dembi Baarista ee Magaalada Mombasa oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay soconayaan baaritaano ka dhan ah labadii nin ee fal dembiyeedkaan geystay. Horaantii bishaan, ayaa waxaa Magaalada Mombasa lagu dilay haweeney kale oo u dhalatay dalka Ruushka, iyadoo ayna baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilkeedii geystay.Kenya waxay la foollaneysaa weerarada ku soo badanaaya Gobolka Xeebta leh, xilli Madaxda Kenya ay ka biyo diideen in Ciidanka Kenya laga soo saaro Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured