Nin Shalay Ku Suntanaa Inuu Beelo Ka Sheekeeyo Oo Shacabka Somaliland Dhiigii Iyo Dhaawacii Kala Gaadhay Cajalado Muuqaal Ah Ka Duubayey Siduu Maanta U Sheegan Karaa In Uu Yahay Wasiirka Warfaafinta “Waxaad Ceeb U Taqaan Ayey Rag Cadaadood Tahay”

0
Saturday July 26, 2014 - 08:43:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Shalay Ku Suntanaa Inuu Beelo Ka Sheekeeyo Oo Shacabka Somaliland Dhiigii Iyo Dhaawacii Kala Gaadhay Cajalado Muuqaal Ah Ka Duubayey Siduu Maanta U Sheegan Karaa In Uu Yahay Wasiirka Warfaafinta “Waxaad Ceeb U Taqaan Ayey Rag Cadaadood Tahay”

    Haa dabcan Soomaalidu waxay ku maah-maahi jirtay “Waxaad Ceeb U Taqaan Ayey Rag Cadadood Tahay” akhlaaqda, asluubta, iyo iimaanku waa qaniimad ilaahay ku manaysto qofka masuuliyad ummad u qaada, haddii intaasi laga waayo masuul macnaheedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haa dabcan Soomaalidu waxay ku maah-maahi jirtay “Waxaad Ceeb U Taqaan Ayey Rag Cadadood Tahay” akhlaaqda, asluubta, iyo iimaanku waa qaniimad ilaahay ku manaysto qofka masuuliyad ummad u qaada, haddii intaasi laga waayo masuul macnaheedu waxay tahay laba mid uun inay ummadaasi uu Haa dabcan Soomaalidu waxay ku maah-maahi jirtay “Waxaad Ceeb U Taqaan Ayey Rag Cadadood Tahay” akhlaaqda, asluubta, iyo iimaanku waa qaniimad ilaahay ku manaysto qofka masuuliyad ummad u qaada, haddii intaasi laga waayo masuul macnaheedu waxay tahay laba mid uun inay ummadaasi uu masuuliyadda u qaaday ay si qaloocda u tallaabsanayaan iyo in meeshii madaxa ka saraysay ee la salaaxi lahaa aanay caadi u shaqaynin.
Dr. Maxamed Faaruuq oo ka tirsan mac-hadka culuumta maskax nafsiga ee jaamacadda Oxford University ayaa isagoo ka hadlaya qofka masuulka ah ee kalsooni la’aanta badani ku jirto, isla markaana aqoon la’aanta iyo gaabiska nafta ahi ku badanyahay waxaa lagu garto wuxuu tusaale usoo qaatay inuu badanka jecelyahay in la faaniyo, inuu badanka ku jiro tartan rabaani ah oo aanu cid uu la tartamayo aan la garanaynin, inuu badanka ka naxo marka la soo hadal qaado galdaloolooyinkiisa, inay badanka ku badantahay “Aniga” inay badanka ku badantahay inuu masuuliyadiisaba ku iloobo in isaga laga sheekeeyo maanta oo dhan.

Dr. Faaruuq oo ka hadlaya waxyaabaha sababi kara ama loo malayn karo inay sabab u yahiin kalsooni darrada, is tusnimada iyo tartankani rabaaniga ah ee qofka noocaan ah ka muuqda ayaa wuxuu ku sababaynaya dhawr arrimood waa marka hore eh 1) saamayn noloshiisii hore taabatay oo ka soo bilaabantay heer qoys isla markaana uu ku ababay qofkaasi goob lagu ficiltamayo, garnaqista iyo is ixtiraamku ku yaraa, isla markaana kala danbaynta, aqoonta iyo ilbnaxnimadu aad gaabis ugu ahayd
2) Takoorid ama cadaadis qofkaasi lagu hayey taasi oo keentay inuu markasta iyo goob kasta oo uu joogo iskaga jiro ficiltan, is amaanid rabaani ah iyo inuu dadka kale uga cod dheraado guul wadaynta (The Yes Man), isagoo danta keliya ee uu leeyahay tahay inuu kalsooni la’aanta haysa darteed uu ka meeqaam gaadho.
Haddaynu ka nimaadno xikmadaha uu Dr. Faaruuq ina baray, isla markaana bal aynu u nimaadno Somaliland iyo dunida wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cakuse, Cabdilaahi Cakuse waa wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland oo dabcan xilkuu haya yahay codkii qarranka ku xidhi lahaa bulshada caalamka inteeda kale, markaynu xaqiiqda ka hadlayno Cabdilaahi Cakuse waa masuulkii ugu liitay ee soo mara wasaaradaasi dhawr arrimoodba:
Waa mida koobaad eh qofka qabanaya xilka ugu sareeya wasaaradda warfaafinta Somaliland waa inuu noqdo qof markay ugu yartahay ku hadli kara seddexda luuqadood ee dunida laga isticmaalo mid ahaan waa ingiriisi, Faransiis iyo Carabi, (Multilingual) nasiib darro Cakuse midna kuma hadlo, waxaana dirqi ku ah akhriska iyo qoraalka luuqadda afka soomaaliga oo uu wax ku bartay ilaa dugsigiisii sare, marka qofka noocaas ahi siduu xil wasiir warfaafineed u qaban kara, bal hadda eego u fiirso kelmadda ay macno ahaan xanbaarsantahay wasaaradda u xilka u haya waa wasaaraddii xogta (The Minister Of Information), waxay ku fadhida xogtii qarranka, doorka ugu horeeya ee wasaaradaasi (The First role) waa in qofka xilkeeda haya uu dunida ka iibiyo qaddiyadda Somaliland, miyaanay ayaan darro ahayn in Wasiirka warfaafintu aanu fahminba warka ingiriisiga ah ee ka baxaya Radio Hargeysa ama Telefishanka qarranka ama warka carabiga ah ee ka baxa Radio Hargeysa.

Wasiir Cakuse wuxuu ummadda u sheegaya wuxuu qaban doono 2014, Ilaahay ha ina gaadhsiiye wuxuu qaban doono 2014-ka miyaanay ka horayn inuu naftiisa horta ka bilaabo wax qabadka, ileen markaad naftaada tayo ahaan gaadhsiiso inaad wasaaradda aad xilkeeda hayso le’ekaado ayaad ka hadli karta inaad sahamiso, ifafaalayso, odorosto isla markaana usoo bandhigto shacabka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta waxaad u qabanayso 2014, nin shallay ku suntana inuu beelo ka sheekeeyo oo shacabka Somaliland dhiigii iyo dhaawacii kala gaadhay Cajalado muuqaal ah ka duubaayey siduu maanta indho adaygiisa u sheegan kara inuu xilkii wasaaradda warfaafinta madax uga noqdo, waxay ceeb ku tahay madaxweynaha taasi gartay, waxay ceeb ku tahay wasiiradda dawladda ka tirsan, waxay ceeb ku tahay qaranimada Somaliland.
Waxaa quman inaad naftaada akhlaaqdeeda dhisto, waa ayaan darro in qofka xilka wasaaradda warfaafinta haya oo gacanta ku haya xogtii qarranku uu habeenkiina dayaxa ka caweeyo, aroortiina uu 2014-ka waxaa u qorshaysan ka sheekeeyo, muxuu ka sheekeeya naftiisiibu u taag laayahaye,
Cabdilaahi Cakuse Wuxuu shaqo u haysta Idaacadda Radio Hargeysa, Telefishanka qarranka, weriyayaasha oo inta xafiis uu soo fadhiisto la yidhaa “waa wasiirkii warfaafinta” haa waa hubaal inaan caqligiisa iyo maskaxdiisuba inta dhaafsiisnayn oo ogobeey midba u raacda kalsooni la’aan uu keliya u arko inuu xilka ku sii joogi karo isagoo madaxweynaha ammaana, isagoo mucaaridka cay iyo aflagaado u dhameeya, isagoo qofka farta taagaba ka gooya, ogobeey Cabdilaahi Cakuse kuma khaldana waayo waa Caado lagu yaqiin kaskiisa oo kale, waa caado dadka reer Somaliland joogto usoo martay, balse waa hubaal eh inaanay caadadaasi hore u waarin.
Hawraartu waxay Mudane Cakuse usoo jeedinaysa Cakusow bi’iwaye habeen kaama tagin, haa habeen kaama tagino kollay habeenkii xidigahaad ka cawaysaaye, maalini kaama tagin intaad akhlaaq xumada, af xumada, kalsooni la’aanta dhegahu dhibsanayaan aad dib u dhigato naftaada usoo jeedso, naftaada dib u tacliimi, surwaalkaad xidhantahay waa ka weynayahaye isleekaysii.
Hawraartuna ugu danbayntii waxay leedahay “Ileen Waxaad Ceeb u taqaan ayey rag caadadood tahay” Cakusow haddaad warbaahinta madaxa bannaan hagardaamada ka dayn waydo waxaanu usoo bandhigi shacabka Somaliland shakhsiyadaada dhabta ah.
Siciid Cabdi Xuseen
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured