Tartankii Qur”aanka ee Bisha Ramadaan Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Oo Maanta La Soo Gaba Gabeeyey–

0
Friday July 25, 2014 - 19:43:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankii Qur”aanka ee Bisha Ramadaan Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Oo Maanta La Soo Gaba Gabeeyey–

    Hargeysa( xogreebnews.com-Waxaa maanta Xarunta guud ee Asaaru-diinka Magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyey Tartankii Qur”aanka Kariimka ah oo bishii ramadaan si habsami ah uga socday Caasimada Hargeysa .Tartanka oo Bishii Ramadaan socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa( xogreebnews.com-Waxaa maanta Xarunta guud ee Asaaru-diinka Magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyey Tartankii Qur”aanka Kariimka ah oo bishii ramadaan si habsami ah uga socday Caasimada Hargeysa .Tartanka oo Bishii Ramadaan socday ayaa Hargeysa( xogreebnews.com-Waxaa maanta Xarunta guud ee Asaaru-diinka Magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyey Tartankii Qur”aanka Kariimka ah oo bishii ramadaan si habsami ah uga socday Caasimada Hargeysa .Tartanka oo Bishii Ramadaan socday ayaa waxaa ka qayb galey ardayda wax ka barata Madarisadaha hoos yimaada Jimciyatul Axbaab. Xafladan lagu soo gunaanaday Tartankan ayaa waxaa 7 Arday ee ugu sareeyey Tartanka lagudoonsiiyey Shahaadooyin iyo Qadar lacageed.

Sidoo kale waxaa Abaal marino kala Duwan la Gudoon siiyey Ardaydii ka qayb gashay Tartankii Ramadaan Tartankan ayaa mudadii uu socday waxaa hirgalisay Jimciyada Waxbarashada,Diinta iyo Qaban qaabinta Xafladdaha & xusaska Diiniga ah ee Jimciyatul Axbaab.Tartanka Bisha ranadaan ayaa waxaa uu ka koobnaa laba qaybood oo kala ah Qur”aanka Kariimka ah iyo Dowro Cilmiyeed kale.Xafladan oo ahayd mid si balaadhan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galey qaar ka mid ah Culimo dalka iyo ardaydii ka qayb gashay Tartanka Bisha barakaysan ee Ramadaan. Munaasibadan ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey Culimo ay ka mid yihiin Sh.Axmed Caabi Cabdi,sh.ismaaciil Xasan Faarax.waxayna u hambalyeeyeen Ardayda kaal maha hore ka gashay Tartankan waxayna aad ugu mahadnaqeen Jimciyada Waxbarashada,Diinta iyo Qaban qaabinta Xafladdaha & xusaska Diiniga ah ee Jimciyatul Axbaab oo hirgalisa Tartankan Bisha ramadaan,Sidoo kale Culimadani waxayna ku dheeraadeen qiimaha uu leeyahay in la barto Qur”aanka Kariimka ah iyagoo xusay in lagu liiibanayo aakhira iyo Aduunkaba Barashada Diinta.Geesta kale waxaa iyaguna halkaasi ka Hadley Qaar ka mid ah Macalimiintii Ardaydani iyagoo kula dar daarmay in ay Dadaalkooda halkaasi ka siiwadaan .Gaba Gabadii Xafladani ayaa waxaa ka Hadley isla markaana soo xidhay Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sh.Maxamuud Suufi Muxumed waxanu si qoto dheer uga waramay Faa”iidada Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo sida ay Muhiim u tahay in laga wada faaiidaysto loona xoojiyo Cubaadada siiba Kobanka Dambe ee lagu jiro Waxaanu u Hambalyey Ardaydan ka qayb gashay Tartankan Waxaana Gaba Gabadii Munaasibadan SHahaadooyin iyo Lacag la Gudoonsiiyey Ardaydii ka qayb shay Tartankan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured