Yaa Nooliga Iga Bixinaaya Waxaan U Shahiid Tagi Lahaa Falastiin Sheeko Cajiib Ah ? BY Cabdi casiis Bashiir Nuur

0
Thursday July 24, 2014 - 20:41:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Nooliga Iga Bixinaaya Waxaan U Shahiid Tagi Lahaa Falastiin Sheeko Cajiib Ah ? BY Cabdi casiis Bashiir Nuur

    Hargeisa(xogreebnews.com-waa wadan ku yaalo bariga dhexe ee Qaarada Aasiya. Falastiin, waxa ay Xuduud la leedahay wadamada Masar, Urdun, suuriya, Lubnaan iyo Israaiil. Markii hore dhulka waxaa degenaan jiray carab falastiin ah iyo yahuud aad u yareed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-waa wadan ku yaalo bariga dhexe ee Qaarada Aasiya. Falastiin, waxa ay Xuduud la leedahay wadamada Masar, Urdun, suuriya, Lubnaan iyo Israaiil. Markii hore dhulka waxaa degenaan jiray carab falastiin ah iyo yahuud aad u yareed, waxaana lagu

Hargeisa(xogreebnews.com-waa wadan ku yaalo bariga dhexe ee Qaarada Aasiya. Falastiin, waxa ay Xuduud la leedahay wadamada Masar, Urdun, suuriya, Lubnaan iyo Israaiil. Markii hore dhulka waxaa degenaan jiray carab falastiin ah iyo yahuud aad u yareed, waxaana lagu qiyaasaa in ee falastiinta ee gaarayaan in ka badan 8 miliyan oo qof, (dad tiriskii 1997), qaxootiga falastiinta waxee kala degenyihiin wadamada Urdun3miliyan , Lubnaan400,000 iyo wadamada kale ee carabta in kabadan 800,000 oo falastiin ah, Qaar neh waxee kala degenyihiin wadamada aduunka, Yurub, Ameerika, iyo Aasiya, Falastiinta badan kooda ama 1kiiba 3 waxee ku jiraan Kaamamka qaxootiga. Taariikhda Falastiin waxa ay inbadan ku xusan tahay qoraalada diiniga ha ee yuhuudiga masiixiga iyo islaamka.falastiin waa dhulka nabiyda iyo rususha,waana qibladii islaamka ee ugu horaysay.Falastiin waxa ilaa hada ka dhisan dhismayaal taariikh aad iyo aad u dheer leh oo cadaynaya taariikhda soojireenka ah ee israaiil ay leedahay.falastiin waxa ay leedahay taariikh soo jiitamaysay xiliyo aad iyo aad u fog waa dhulkii ay ku noolaayeen shacabkii looyaqaanay Kanaan magaca falastiin cidiibixisay waxa ay ahaayeen giriigii hore markaas oo ay magaca falastiin u bixiyiin dhulka xeebaha ah ee wadanka falastiin.xiliyada qaar magaca falastiin waxa loogu yeedhi jiray dhulka falastiin iyo wadanka Urdun oo wadan socda Falastiin ahmiyad wayn ayay u leedahay sadexda diimood ee samawiga ah amaba diimaha samada kasoo dagay .Yuhuudiga Kiristanka iyo Islaamka.taariikha Falastiin soomaray,waxaa kamid ahaa qaar dagaalada iyo muranada kataagnaa ay ahaayeen murano iyo dagaalo diimeed.Sida Weeraradii Siliibiyiintasidoo kale marmarka qaarkood dagaalka ka dhexeeya carabta iyo israaiil waxa uu noqdaa dagaal diimeed. . Hadaba falastiin waa dal muslim ah waxaana lagu yaqaanna geesino aanay hadda lahayn caraabi,waxaana hadda lasoo daristay masuubo kaga timo daris xummo ay ku laden lana sheego inay iskugu wacnaayeen kadib markii ay dhulkoodi barakaysnaa ka ibiyeen dadka lo yaqaan Israaiil.waxaa hadda ka socdaa xasuuq aad u xun kaaso ah mid aan indhaha laga qarsax Karin.hadaad fiiriso Tv-yada caalamiga ah,waxaay indhaahagu la kulmayaan muuqaallo ar-gaagax badan kuwaaso ah dad shacab reer falastiin ah oo u badan dummar iyo caruur oo laala dhacay hubka nooc-yaddiisa waaweyn,fikirkaasna waxaa qabba dhammaan dadka loogu yeedho yuhuud,oo la sheego inay gaallo oo dhammi ka dhidaal qaatan.

Israaiil waxaa ku nool shacab aad u badan kuwaaso ah dadka lo yaqaan yahuud,waxaana madaxooda iyo min-jahooduba ay wadaagan in la tir-tiiro dhammaan shacbiyadda reer falastiin,mar haday sidaas tahayna waxaa dhamaan ummadda islaamka la gudboon inay taageero muujiyaan sidaa ay uga xun yihiin walaalahooda islaamka ah ee yuhuudi laynta ba’an ku hayso,haweenay ka mid ahayd baarlamaanka yuhuudda ayaa ku hadaaqday in la tir-tiiro isirka falastiin oo dhan,waxaana hadalkaas hadaaqa ahii dam-qay raysal wasaaraha wadanka islaamka ah ee turkiga waxaana oo maalin dhoweyd oo u la hadlay baarlamaan ka ka warbixiyeey xasuuqa lagu hayo reer falastiin,isaago tusaale uga dhigay naagta sheegtay in la tir-tiiro falastiin waxuuna sheegay Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan

In aanay u dul-qaadan dooniin falkaas foosha xun wuxuuna,waa kan hadalkii haweenaydaas iyo kii Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan

Dhamaantood waa inay dhintaan (reer falastiin) waa in hooyooyinka xitaa la dilo guryahooda waa in la dumiyaa” Xildhibaanad Yuhuud ah iyo Jawaabta Ra’isal Wasaaraha Turkiga,Cadowtooyada Yahuudu u heyso Falastiin ayaad moodaa in maalinba maalinta ka danbeysa ay usoo if baxeyso sidii hor,e si ka duwan.

Waxaana haatan naceybkeeda soo bandhigtay haweeneey caan ka ah Yahuuda kana tirsan Baarlamaanka taasoo lagu magacaabo Ayelet Shaket, waxa ayna haweeneydani si aan ganbasho laheyn u tidhi ” Dhamaantood waa inay dhintaan (reer falastiin) guryahooda waa in la dumiyaa, si aaney markale usoo bixin argagixiso kale, kuligood waa cadowgeena, dhiigooduna waa inuu gacanteeda soo galaa, tan macnaheedu waa in hooyooyinka xitaa la dilo, sababtoo ah iyagaa dhalay soona barbaariyay masaska argagixisada ah ee aan la dagaalameyno, waana in la laayo si aaney u dhalin masas kale” sidaas ayey tidhi haweeneydan u muuqata mid cadho iyo naceyb uu ku gaamuray.

Hadalka haweeneydan cadowtooyadeeda muujisay ayaa lagu tilmaamey mid xasuuq ku baaqaya, maadaama ay leedahay Falastiiniyiintu waxey mudan yihiin in la laayo.

Dadka haweeneydan sida kulul ugu jawaabey ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan, waxa uuna yidhi isagoo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkiisa, cadho kululna ay ka muuqatey wejigiisa, ‘ Haweeney israa’iiliyad ah ayaa tidhi, waa in haweenka reer falastiin la dilaa, waxeyna ka tirsan tahay baarlamaanka dalkaas, hadaba waa maxey farqiga u dhaxeeya fikirkeeda iyo fikirkii Hitler ? ‘ ayuu yidhi Erdogan oo aad uga xumaa hadalka haweeneydan..

” Hadii hadaladaasi ay kasoo yeedhi lahaayeen qof Falastiini ah, dunida oo idil ayaa is ogeynsiin laheyd ‘ ayuu yidhi Erdogan isagoo si dadban u duraya reer galbeed hoosaasiya Yahuuda iyo falalkooda arxan darada ah.

Waxaa xusid mudan in weerarada mudada socda ee Isra’il ku gumaadeyso shacabka Gaza in ay galaafteen caruur iyo haween badan oo reer Falastiin ah, haweeneydan cadowtooyadeeda cadeysatey ayana ka tirsan xisbiga ultra-nationalist-ga ah ee Jewish Home party kaasoo ka mid ah kuwa ugu mayalka adag ugu naceybka badan Yahuuda…la socoo

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel;4144434

info@xogreebnews.com

Haregisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured