Maxaynu askar u noqon wayney ?

0
Thursday July 24, 2014 - 19:46:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaynu askar u noqon wayney ?

    Aaraar Waxa mawduucan isoo galiyey markaan arkey inuu yahay xaqiiqo jirta oo aan indhaha laga qarsan kareyn , oo hadii aan la daba qabateyn noqon kara aafo qaran . waxanan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aaraar Waxa mawduucan isoo galiyey markaan arkey inuu yahay xaqiiqo jirta oo aan indhaha laga qarsan kareyn , oo hadii aan la daba qabateyn noqon kara aafo qaran . waxanan

Aaraar Waxa mawduucan isoo galiyey markaan arkey inuu yahay xaqiiqo jirta oo aan indhaha laga qarsan kareyn , oo hadii aan la daba qabateyn noqon kara aafo qaran . waxanan cadeynayaa inaanan ahayn Saxafi ee ahaydadka sida dhow ula socda saxaafada iyo maraaxilkeeda , waxana igu kaliftey ka hadalkeeda. Maadaama aqoonta aan bartey iyo saxaafada xidhiidh dhowi ka dhexeeyo . waana sharciga .

Hordhac guudmar

Doodan oo aan u arko dood qiimo ugu fadhida bulshada maadaama la miirdilaacinayo meel bulshadu u maaro la ayd oo ah xirfad kamid ah xirfadaha dunidaloogu jecelyahay .lagana helo magaca balse aan hamiga loo galaa ahayn in manfac laga helo. marka koowaad waxaan qabaa hadii la fahmo shaqada saxafiga in aanay sidan maanta ahaateen ,iskaa daa fahmida shaqada saxafinimada ee hadii la dhadhamiyo suaasha ah waa maxay saxaafadi waxaan aaminsanahay in si miyir qabta laisu qanci lahaa

Saxafi waxaan u aqaana qalin maal ama nin wax qora wax baadhauna gudbiya bulshada xaqiiqada jirto oo ay ka reebantahay caadifad , rayigiisa oo uu ku daro information qofku bixiyey , nin jecleysi , nin necbeysi , taageerid xisbi, taageerid qabiil,lacag qaadasho , iwm

Saxafiga dhabta ahi waa ka ilaaliya sharaftii karaamadiisa akhlaaqdiisa kuna darsada intaa aqoon ,

Waa ka ilaaliya sharafta iyo karaamada mihnada uu ka shaqeynayo waayo mihnada laftarkeedaa xaq ku leh qofka adeegsanaya .

Hadaba hadii aynu intaas isla fahaney maxaa inaga khaldan?

UBUCDA DOODAN

Iguma cusba sheekooyinka lagu soo bandhigey doodan lamana yaabin waayo waa wax aan filayey

Qaar kuwaas oo kale ahna wey isoo mareen. Maalin maalmaha ka mid ah anoo fadhiya maqaaxi ku taalaagagaarka sooyaal waxa ii yimi wiil dhalinyaro ah oo mudo afar sano ah ugu yaraan isugu kaaya danbeysey waliba wiilkaas waa wiil da ayar oo markii iigu danbeysey waxa uu ku jirey dugsigahoose dhexe , shaah ka dib sheeko ayaa na dhexmartey waxa uu ii sheegey in uu dugsigii kaga tagey fasalka todobaad wax shaqa ahna anuu hayn balse uu doonayo inuu ku biro saxaafada ayna ka dhimantahay kali ah kamaradii iyo rikoodhkii oo uu waliba iga codsadey inaan la raadiyo suu agabkaas u helilahaa si uu dhakhso ugu shaqo tago, wuxuuna iga codsadey hebel iyo hebel oo aanu isla garaneyneyna aan ula tago oo aanu u bandhignoiney u iibiyaan agabkaas hadii kalena ay shaqo siiyaan maadaama ay diideen iney u iibiyaan shaqadii diyaarka ahaydee uu isagu haystey, markii aan weydiiyey miyaad baratey saxaafada wuxuu iigu jawaabay maxaan bartaa magaaladii oo dhan baa wada gasheewaar barasho kuma xidhna ma kamarad baadan duubi kareyn iyo rikordhkaa hadhowna waxbaba qorimeysid adigu ee wixii aad soo duubtey uun baad ku shubeysaa computerka sida rikordhka uun bey dadku dhageysan uun markaas hada waxbaba lama qoro. Wiilkii maalintaas hadalkaas igu lahaa manta waa wariye waliba ka howl gala tv yada aadka loo yaqaano ee ad ka loo daawado, waa taas saxaafada maantu. Ninkalena oo aanu asxaabnahay ayaa shaqo laga eryey midka mid ah wasaaradaha dawlada dabeedna ninkii isagoo cadheysan buu igu yidhi wasiirkiibaa shaqadii iga eryey markaas bal waxaan ku sameeyo eeg walaahay website baan sameysanayaa aan maalin kasta ku borobagaandeeyo oo aanaakhira ugu diro waxaan weydiiyey miyaad sameysatey web kii wuxuu igu jawaabey mayee lacagtiibaan yara sugayaayee dhowaan baan furayaa, wax yaabaha aan la kulmey ma dhameyn karo aad beyna u badanyihiin

Maalin maalmaha ka mid ah anoo ku sugan xurunta golaha wakiilada oo aan tobabar kula joogey xafiiska la taliyaha sharciga maadama aan ku jirey sanadkii afaraad ee jaamacada waxa goluhu ku jireyansixinta xeer aad u xaasaasi ahaa waana xeerkii takaaliifta horumarinta wadooyinka markii ay dhamaatey ansixintiisii oo ay mudanayaashu hoolkii kazoo dareereen laakiinse lagu guda jiro kaanbaalkii golaha waxa mid kamid ah wariyayaasha ka hawl gala tv yada private ka ah kuwaada ugu waaweyn ayaa u yeedhey mid ka mid ah xildhibaanadii hoolka kazoo dareerey kana mid ahaa xildhibaanadii diidey xeerkaas wuxuu ku yidhi xildhibaan wallee xildhibaan xalaal ah baad tahay waxa kale waa wada xaaraan walaahay hadaan xabad manta haysto inaan intaas codeysey midi ka baxeen, waxaba la ii sheegey inuu hore askari u ahaanjirey waaba yaab’’

Gabo gabo

Waxaan kusoo gabagabeynayaamarka koowaad mahad aan u naqayo wariyayaashii doodan bilaabay oo aan u arko niman ka gubtey halka wax marayaan kana damqadey waxaan kaloo aanan ka tageyn iney yihiin niman aqoontoodu wax u sheegtey tusteyna hadii ay yagu aqoon leeyihiin in loo bahanyahay in la baraarujiyo kuwa isku ilaabay mihnada ay aqoonteedii ka maqantahay

Waxaan anigu intaas ku darsanayaa

1-In aqoonta la xoojiyo gaar ahaan waxbarashada saxaafada oo la iska dhaafo laxda bilood eel ala wada yaacayo

2-In la helo tobabaro lagu barayo saxafiyiin ta xuquuqul aadamaha si ay isaga dhowraan xadgudubka

3-In la helo liisan la siiyo qofka buuxiyey shuruudihii saxafinimo. Si loo xakameeyoloona ilaaliyo sharafta saxaafada

4-In saxaafada lagu dhiiri galiyo qoraalka lanayareeyaan video yada iyo maqalka faraha badan ee buux dhaafiyey web seydyada . oo ay warka ku diyaariyaan qoraalmarka koobaad

5-In la helo xogaan saxaafadeed oo aqoonta u ehel ah waayo aragnimana ku darsadey, si uu ku dayasho ugu noqdo dhalinta da ada yare e saxaafada ku jirta

Allaa mahad leh

MUSTAFE AHMED ABDILAAHI

KHEYREEYE2@ HOTMAIL.COM

TELL:-0634324867




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured