Daawo Sawirada Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyay Xildhibaanad Saado Cali Warsame

0
Thursday July 24, 2014 - 19:23:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyay Xildhibaanad Saado Cali Warsame

    Muqdisho(xogreebnews.com- Allaha u naxariistee Waxaa maanta si heeer qaran ah lagu aasay magaalada muqdisho Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubeesan ku toogteen agagaarka Hotelka Ampasador ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com- Allaha u naxariistee Waxaa maanta si heeer qaran ah lagu aasay magaalada muqdisho Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubeesan ku toogteen agagaarka Hotelka Ampasador ee Magaalada Muqdisho. Muqdisho(xogreebnews.com- Allaha u naxariistee Waxaa maanta si heeer qaran ah lagu aasay magaalada muqdisho Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubeesan ku toogteen agagaarka Hotelka Ampasador ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaaraha ayaa ka qeyb galay Janaaso lagula tukaday Masjidka Madaxtooyada Meydka Marxuumad Saado Cali Warsane , waxaana xiligaa kadib meydka loo qaaday Qabuuro kuyaala Isbitaalka Madiina.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo R/Wasaaraha Soomaaliya , Wasiiro , Xildhibaano,Fanaaniin iyo Abwaaniin ayaa ka qeyb galay aaska Marxuumada maanta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho , dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwa ka murugeesnaa dilka naxriistada ah ee loo geestay.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo aaska ka hadlay ayaa uga tacsiyeeyay Umada Soomaaliyeed guud ahaan geerida Xildhibaanad Saado , waxa uuna tilmaamay R/Wasaaraha in Shabaab ee beegsanayaan dadka waxgalka ah ee indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale duugta kadib Warbaahinta lahadlay iyaga oo ilmeenaya Abwaaniin iyo Fanaaniin ay aad isugu dhawaayeen Fanaanad Saado Cali Warsame ,kuwaa oo dhamaantood ilaah uga barayay in janadii Farowso aheed ka waraabiyo.

Intii uu socday aaska Xildhibaanada ayaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw halka uu aaska ka dhacayay , mana jiraan ilaa hada cid ay dowlada usoo qabatay Dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured