Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Somaliland oo ka Hadlay Sugnaanta Amniga Badda, Beeniyayna in Kootara Baan laga dhoofiyo Xeebaha Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews) Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ka jawaabayay warar sheegayay inay dayacan yihiin Xeebaha Badda Somaliland waxa uu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Badda Somaliland.
Hargeysa(Xogreebnews) Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha
Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ka jawaabayay warar sheegayay
inay dayacan yihiin Xeebaha Badda Somaliland waxa uu sheegay inay si buuxda
gacanta ugu hayaan Badda Somaliland. Hadalka Taliyaha Xeebaha ayaa ka dambeeyay, warar warbaahintu
baahisay oo sheegayay Ugaadh si Kootara baan ah looga dhoofiyo Xeebaha
Somaliland. Waxa uu sheegay inaan Ciidanku meel kasta taagnayn, hase ahaatee
aanay suuro gal ahayn in Kootara baan badan laga dhoofiyo badda Somaliland. “ Awal hore Ciidankayguna wuu yaraa, Qalabkayaguna wuu
yaraa,laakiin maanta labaduba way noo kordheen, sidaas darteed maanta oo
qalabkii noo kordhay mid cusubna aanu filayno waxaan filayaa inaanu ka adag
nahay Hawshayada. Mida kale idinkaa makhraati ka ah oo badda hawsheedu way fara
badan tahay, waxaa ka mid ah Cawgan Budhcad baddeedka ee Dalkan aynu jaarka
nahay inagaga soo butaacay, wali ma jiro hawl gal kaliya oo u hir galay” ayuu
yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan Taliyaha ayaa sheegay inaanay jirin Kiis kaliya oo ka dhacay
Badda Somaliland oo dhinaca budhcad baddeda ah “ Baddeena, Markab kaliya oo la
inaga kaxaystay ma jiro, Biyaheena wax laga kaxaystay ma jiraan. Waayo?
Maciishadeena iyo Nolosheenu sidan ba ma ahaateen, sababtoo ah Dibadda ayaynu
ku noolahay oo Dekadaasi way inaga xidhmi lahayd” ayuu yidhi Taliyuhu isagoo
intaasi raaciyay “Taas Macnaheedu maaha la inooma iman, ee waa la inoo yimid oo
Xabsiyadeena waxaa ku jira, Boqol iyo saa’id Budhcad badeed ah, dee Ciidamada
ayaa qabtay, waa la inagu soo duulay, waa la isku keen dayay, laakiinse
Ciidanka Badda ayaa hawshiisii gutay, Illaahayna ku gargaaray, Dawladda iyo
Ciidankuba waajibkoodii ayay ka qabsadeen. Arintaasi waa u Guul Ciidanka oo
umaddaa ka markhaati ah, Caalamka ayaa Makhraati ka ah oo wali maydaan Maqal
Markab hebel baa Baddeena isagoo ku soo socda laga afduubay”. Gabagabadii Waxa uu Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, Madaxweynaha
Somalia ugu baaqay inuu ku eekaado Badda Dalkiisa, isagoo tix raacayay hadal ku
aadan in Ciidamo tababaran la gayn doono Badda dalkii la isku odhan jiray
Somalia oo ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh. Leave a comment |
|
Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Somaliland oo ka Hadlay Sugnaanta Amniga Badda, Beeniyayna in Kootara Baan laga dhoofiyo Xeebaha Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews) Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ka jawaabayay warar sheegayay inay dayacan yihiin Xeebaha Badda Somaliland waxa uu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Badda Somalila