Ha Laga Daayo Biyaha Xumbo-Wayne Marin Habaabinta Bayaan Ay Soo Saareen Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Degmooyinka G/Libaax,26 June,Sh.Nuur,Koodbuur Iyo Degaanka X/Weyne.

0
Wednesday July 23, 2014 - 19:39:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Laga Daayo Biyaha Xumbo-Wayne Marin Habaabinta Bayaan Ay Soo Saareen Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Degmooyinka G/Libaax,26 June,Sh.Nuur,Koodbuur Iyo Degaanka X/Weyne.

    Gogol-dhig Sida aynu ka warqabno maalmahan waxa warbaahinta ku soo badanayay cid sheeganaysa in ay biyo La’yihiin, iyaga oo marka aad hoos ugu daadagto qoraaladda iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gogol-dhig Sida aynu ka warqabno maalmahan waxa warbaahinta ku soo badanayay cid sheeganaysa in ay biyo La’yihiin, iyaga oo marka aad hoos ugu daadagto qoraaladda iyo Gogol-dhig Sida aynu ka warqabno maalmahan waxa warbaahinta ku soo badanayay cid sheeganaysa in ay biyo La’yihiin, iyaga oo marka aad hoos ugu daadagto qoraaladda iyo Bayaanadda ay soo saarayaan aanay kamuuqan wax sheegaya in ay biyo u baahan yihiin, waxana kamuuqda dhaliil cid gaara ay u jeedinayaan iyaga oo doonaya in ay Xajiimeeyaan, madaxda qaar oo ay ka been abuuraan, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ah Laamabad u soo Baxday Somaliland, dhinaca kale wax aad arkaysaa in ay doonayaa Biyo ay Maamulaan iyadda oo qoraaladooda ku soo qorayaa in Biyaha meel Hablaayo lamariyo, lagana duwo Nidaamkii biyaha ee magaaladda hargeysa, taas oo aad arkayso kana dhex muuqdaan Niman Suldaano ah oo aan shuqul ku lahayn

degaanka biyaha laga soo saaray, iyaga oo iska dhigaya in ay u hadlayaan Magaca dadka Ooman. Xaashe ka ma muuqato Muqaalkooda in ay Biyo la’aayihiin, waayo hadii biyo ay laayihiin meel kasta oo loo soo mariyo Alxamdulilaahi ayay odhan lahayaayeen, lakiin waa Maamul doon, biyo aan ka iman degaankooda ayay doonayaan in ay Ka Arrimiyaan oo ay Maamulaan, hadaba markii arrimahaas ay soo ifbaxeen ayay isku yimadeen Dhalinyaradda Degaanka Biyaha laga keenayo ee Xumbo-wayne.
Biyo Galinta Magaaladda Hargeysa Magaaladda Hargeysa waa magaalo balaadhan dadka ku noolna lagu qiyaasay halmilyan in kabadan, iyadda oo biyo galintii hore loogu talo galay laba boqol iyo konton kun oo qof in ay ka cabaan dhuumaha biyaha kayimaada Geedeeble, iyada oo dhamaan xafadihii hore ee magalaada hargeysa si joogta ay u cabi jireen intii ka horaysay 2000kii, lakiin wixi ka danbeeyey, biyahii ku filnaan wayeen dadka oo aad u batay awgeed, kadibna Wakaalada Biyaha Hargeysa u samaysay Qorshe (Kaltan) xaafadaha magalaadu u dhaansadaan Biyaha iyaga oo xafad walba 4tii cisho mar u soo dhacaan, taas oo kadhigtay in magaaladda hargeysa dhamaanteed ay biyo la’aani soo foodsaartay,Dadaalka Dawladda Somaliland Dawladda Somaliland waa ku waajib in ay biyo Nadiifa u doonaan dadka ku dhaqan Caasimadda kana kooban Shanta dagmo Gacan-libah, 26june, Ibrahim Kood-buur, Ahmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee Magaaladda Hargeysa ee Haraadan, waxa tunka u ritay baadi-doonkooda Biyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Aqoonyahan Mohamed Biixi Yonis, oo ah nin lagu Tilmaamo Laambadda Somaliland u soo Baxday, waxbadana Somaliland ka qabtay intii yarayd ee uu joogay sida xalintii, khilaafkii Shirkadii Diyaarada Ethiopian Airlines, Shirkadihii Shidaal baadhista iyo Khilaafkii Kulmiye, dadka dhaliisha Habawga ah u jeedinayaa waa kuwo Beero ku leh bariga Magaalada Hargeysa doonaya inay af-duubaan Mashruucii biyo gelinta meelo gaar ahna soo maro beebkii biyo gelinta Magaalada iyadoo ay ugu jirto dan gaari kamana turjumayaan danta Bulshad.

Qorshii Kowaad ee laysku dayey in la balaadhiyo biyaha Hargeysa waxa baadhi iyo sahamin laga sameeyey koonfurta Hargeysa taasoo Riiggii la geeyey oo uu ku guul-daraystay wax biyo ah haba yaraadee laga helin taasi oo dhalisay Rabshado iyo Mudaharaado markii laga soo kaxeeyey Riiggii qorshahaasina uu cadeeyey in Koonfurta Hargeysa aanay biyo lahayn. Qorshihii Labaad waxa dhacday in dib loogu noqdo sahamintii hore Shiinaha 1986 ee biyaha Xumbo-weyne kuwaas oo ah biyo ku filan guud ahaan Caasimadda Hargeysa, nasiib wanaag waxa soo baxay laba Mashruuc oo kala ah balaadhinta iyo badelida dhuumihii hore ee Geed-Deeble mashruucaas oo uu bixinaayo Midowga Yurub (EU). Mashruuca labaad oo ah Biyaha laga keenayo Xumbo-wayne dhaqaalihiisana ay bixinayso Dawlada Imaaraadka Carabta. Mushruucaas oo ah ka kaliya ee haqab tiriya biyo la’aanta ka taagan Caasimadda Hargeysa Ma Biyaa la doonayaa mise Qandaraas Markii aanu aad uga dhuganay hadalada isku midka ah ee ka soo baxaya Salaadiinta, Odayaasha iyo Dhalinyaradda, xafadaha New Hargeysa iyo Mohamud Haybe, waxa noo soo baxay Qodaban
1. In ay doonayaa Biyo degaankooda aan ka soo bixin oo la soo mariyo deegaankooda
2. In ay dawladda ku qasbaan in Barkadda Kaydka Xafadooda laga dhiso, si maamulka biyaha xunba wayne u yeeshaan
3. In ay qandaraas iyo dilaalid kula dhex jiraan mashruuca biyaha xunbo wayne
4. In ay Bar-tilmaam-sadaan Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ah nin aan Qabyaalada waxba ka garanayn, si ay sumcadiisa wax ugu dhimaan.
5. In ay afduubaan guud ahaan mashruuca biyo gelinta xumbo wayne
Go’aanka Dhalinyaradda iyo Aqoonyahanka Degaanka Bariga, Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa
Waxay soo saareen Go’aanka hoos ku qoran:-
1. In ay ayidsanyihiin (Taageersanyihiin), Go’aankii Odayaasha Beesha Xumbo-wayne ee dhawaan ay ka soo saareen Biyo Galinta Magaalada Hargeysa.
2. In aanu taageersanahay Guddidii Madaxwaynuhu u saaray ee uu Gudoomiyuhu yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.
3. In Biyaha Geed-Deeble iyo Biyaha Xumbo-wayne ay isku mid yihiin kana yimadaan Degaanadda Beeshu dagto.
4. In aanay arrinta Mashruuca biyaha galinta Xumbo-wayne aanay ka hadli Karin kana arrimin Karin cid aan ahayn Xukuumadda iyo Dadka Deegaanka.5. In aanay Gorgortan gali Karin goobaha u soo maraayo beebku iyo kaydka biyahu
Aadanjamaac@gmail.com/
Qaadiro909@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured