Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Khaas Ah KU Qaabilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland & Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wadahadleen

0
Wednesday July 23, 2014 - 19:35:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Khaas Ah KU Qaabilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland & Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wadahadleen

    Hargeysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo socdaal ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo socdaal ku Hargeysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo socdaal ku joogay dalka Jabuuti, ayaa la sheegay inuu kulan khaas ah kula qaatay xarunta Madaxtooyad ee dalkaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Sida ay sheegayan warar laga helayo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw dhaw Xisbiga Waddani.Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Cirro waxay kulanka kaga wada-sheekaysteen kulankaas, oo marti-qaadkiisa lahaa Madaxweynaha Jabuuti, arrimo la xidhiidha dannaha labada dal iyo labada dad jaarka ah.Xoguhu waxay intaa ku dareen, in qodobadii ugu muhiimsannaa ee ay ka wadahadaleen, inay ka mid ahayeen, qaar la xidhiidha iskaashiga dhinaca amaanka iyo sidii wadashaqaynta iyo xog isdhaafsiga iyo guud ahaan wixii la xidhiidh mowduucaas oo horreba la iskaga kaashanayey, loo sii xoojin lahaa loona sii adkayn lahaa. Sidoo kale, sida xogahaasi tibaaxeen waxaan kulanka ka madhnayn oo la iskula soo aaday, is xaal waraysi guud oo ku saabsannaa guud ah jawiga mandaqada ee haatan amaan ahaan iyo siyaasad ahaan-baa.Inkasta oo xogaha koobani tilmaameen waxyaabihii gundhiga u ahaa kulankaa, haddanna ma jiro war si rasmi looga soo saaray oo xaqiijiyey qodobada salka u ahaa wadahadalka. Dhinac kale, waxaa magaalada Jabuuti ku sugan masuuliyiin kala duwan oo ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ay diyaar ka sii wada raaceen Guddoomiye Cirro magaalada Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured