Xarunta Telefishanka Al-jazeera ee Qaza oo la weeraray maalin ka dib markii Israel sheegtay inay dalkeeda ka mamnuucayso
Qaza(Xogreebnews) Xarunta Telefishanka Al-jazeera ku leeyahay Qaza ayaa Rasaas lagu furay maalin uu ka dib markii Israel eedaymo u jeedisay qaabka Telefishanku uga waramo Duqaynta iyo Xasuuqa Israel ka wadao Carriga Falastiin
Qaza(Xogreebnews)
Xarunta Telefishanka Al-jazeera ku leeyahay Qaza ayaa Rasaas lagu furay maalin
uu ka dib markii Israel eedaymo u jeedisay qaabka Telefishanku uga waramo
Duqaynta iyo Xasuuqa Israel ka wadao Carriga Falastiin. “ laba Tacshiiradood ayaa si sax ah oo Toos ah loogu soo riday
Xafiiska Al-jazeera” ayuu yidhi Stefanie Dekker oo Xaruntaasi uga soo warama
Al-jazeera. Shaqaalaha Telefishanka ee Xaruntaasi ayaa ka baxay Dhismaha,
waxay sidoo kale sheegeen in Dad Shacab ah oo qaybaha dhismaha deganaa iyo
Xafiiska Wakaalada Wararka ee AFP oo isna halkaasi ku yaalay laga daad gureeyay
dadkii Joogay. Weerarka Xarunta Al-jazeera ayaa imanaya Maalin ka dib markii
Wasiirka Arimaha dibada ee Israel Avigdor Lieberman Warbaahinta Gudaha u
sheegay in Al-jazeera laga joojinayo Gudaha Israel. Waxa uu sheegay in wararka
Qasa iyo dunidaba ay ka soo tabinayso Al-jazeera ay yihiin kuwo ay Israel kaga
soo hor jeedo. Telefishanka Al-jazeera ayaa sheegay in Israel Masuul ka
noqonayso wixii soo gaadha Shaqaalaheeda Israel iyo Qasa jooga. Waxay sheegtay
inay sida ay wax yihiin u soo gudbinayso Duqaynta ka socota Marinka Qasa,
iyadoo iska fogaynaysa Eedaha inay Israel ka soo horjeedo. Weerarada 14 Maalmood Israel ka wado Marinka Qasa ayay dhimashada Falastiiniyiintu maraysaa 607 oo u badan Dumar iyo Caruur. Israel waxaa kaga dhintay 27 laba ka mid ahi yihiin Shacab, waxay sidoo kale sheegtay inay ladahay mid ka mid ah Askarteeda, kaasi ooh ore Xamaas u sheegtay inay gacanta ku hayso. Leave a comment |
|