Shirkadaha Waaweyn Ee Isgaadhsiinta Koonfurta Somaliya Oo Wada Gaadhay Heshiis Isku Furaya Khadadka Teleefanadooda

0
Tuesday July 22, 2014 - 19:40:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Waaweyn Ee Isgaadhsiinta Koonfurta Somaliya Oo Wada Gaadhay Heshiis Isku Furaya Khadadka Teleefanadooda

    Muqdisho(xogreebbnews.com- Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Heshiis wada shaqeyn oo dhax maray Sadaxda Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ka jira ee kala ah Hurmuud , Nation-link iyo Somtel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebbnews.com- Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Heshiis wada shaqeyn oo dhax maray Sadaxda Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ka jira ee kala ah Hurmuud , Nation-link iyo Somtel. Muqdisho(xogreebbnews.com- Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Heshiis wada shaqeyn oo dhax maray Sadaxda Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ka jira ee kala ah Hurmuud , Nation-link iyo Somtel.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Axmed Cali Salaad Taako oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ka jira ee isku fureen Khadadka Telfoonadooda, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay mid fursad wanaagsan u ah Shacabka Sooaaliyeed.

“Maanta waa maalin wax ku ool u ah Ummadda Soomaaliyeed ay si wada jir ah u isticmaali karaan teleefanada shirkadaha ka howlgalla dalka, qofka waxa uu ka maarmi karaa in uu qaato teleefano badan, qofka haysta Hormuud waxa uu wici karaa Nation-link iyo Sometel, sidoo kalena dadka teleefanadaasi haysta iyana waa ay is wici karaan, waana guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Axmed Salaad Taako

War saxaafadeed wada jir ah oo xalay kasoo baxay Sadaxda Shirkadood ee kala ah Hurmuud , Nation-link iyo Somtel ayey ku shaaciyeen in ay ku heshiiyeen in la isku furo qadadka Telfoonadooda, waxaana maanta si caadi ah isku wici kara Sadaxda Shirkadooda, halka markii hore dadku ay ku jahwareersanaayeen in ay is wacaan labo qof oo labo shirkad kala isticmaaleysa.


heshiis_2



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured