xisbiga ucid oo si ba'aan u dhaliilay wasaaradda duulista iyosaxaafiyiin lagyu eedeeyey wasiirka duulista

0
Monday July 21, 2014 - 19:59:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xisbiga ucid oo si ba'aan u dhaliilay wasaaradda duulista iyosaxaafiyiin lagyu eedeeyey wasiirka duulista

    HARGEYSA (xogreebnews.com- WAR SAXAAFADEED Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Wasaarada Duulista Iyo Hawadda JSL Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynayaa Xadhiga Dulmiga,Sharci_Darada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HARGEYSA (xogreebnews.com- WAR SAXAAFADEED Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Wasaarada Duulista Iyo Hawadda JSL Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynayaa Xadhiga Dulmiga,Sharci_Darada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey HARGEYSA (xogreebnews.com- WAR SAXAAFADEED Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Wasaarada Duulista Iyo Hawadda JSL
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynayaa Xadhiga Dulmiga,Sharci_Darada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey Laba Nin oo Kala Ah Wariye Mustafe Axmed Herar (Jiciir) Kana Tirsan Shaqaalaha T.vga Madax_banaan Ee Space Chanel iyo Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr Oo Ka Tirsan Bahda Abwaanada,Macalimiinta iyo Qorayaasha Somaliland

Labada Masuul Ayaa Lagu Xidhey Saldghiga Madaarka Caasimada Hargeysa Galinkii Danbe ee Shaley,isla Xaleyna Loo Dhaadhiciyey Laba Meelood oo kala Duwan
Wariye Mustafe Axmed Herar Waxaa Loo Dhaadhiciyey Saldhiga Dhexe Halka Abwaan Siciid M. Gaheyrna Loo Dhaadhiciyey Xarunta Sirdoonka Gobolka Maroodi_Jeex
Labada Nin Ayaa Ka Mid Ahaa Dadkii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/rshiid Xasan Mataan Oo Galinkii Danbe Ee Shaley ka soo dagey Madaarka Caasimada Hargeysa (Egal International Airport )
Marki Aanu Weydiiney Taliyaha Saldhiga Madaarkana Waxaa Uu Noogu Jawaabey Waa La Sii Deynayaaye Iska Taga Marka La,Afuro Ka Dibe,Lamana Sii Deyn ilaa Imika
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu u Arkaa Xidhigaa Labada Nin Mid Lagu Dilayo Sumcada,kala Danbeynta iyo iLaalinta Sharciga
Waxaanu Marlabaad iyo Mar Sadexaadba Canbaareyneynaa Xadhiga Labada Muwaadin Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawadda U Xidhan
Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna Uma Daawan Doono ku Tumashada Sharciga iyo Aasida Xuquuqda Muwaadiniinta Ee Xadhkaha Goosatey Afarti Sano Ee Ay Dalka Xukumayeen Xisbiga Kulmiye
Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyo Isla Markaana Wasaaradu Raali Galin Ka Bixiso Xadhiga Sharci_Darada Ah Ee Ay U Geysteen Labada Muwaadin
Isla Shaley Ayey Aheyd Markii Laba Masuul Oo Ka Mid Ahaa Waftigii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/Rashiid Xasan Mataan,Uu Maamulka Wasaaradu Amar Ku Bixiyey In Aaney Labada Masuul Soo Galin Xayndaabka Madaarka Iyaga Oo ku Sababeeyey Wasaarada Ayey Maalin Dhaweyd Dhaliileen
Taas Oo Uu Qirayo Taliyaha Madaarku Oo Uu Leeyahey Idinku Wasaarada ayaad Wax Ka Sheegteen Ee Iska Taga Oo Ha Soo Galina Madaarka
Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah
Allaa Mahad Leh
RAMDAAN KARIIM
XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID
YUUSUF KAYSE ALL/AHI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured