Marwo Khadra Cumar Qardhaas Oo Kamida Qurba-jooga Degmada Sabowanaag Oo 10,000$ Ugu Deeqday Horumarinta Degmada Sabowanaags

0
Monday July 21, 2014 - 19:46:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Khadra Cumar Qardhaas Oo Kamida Qurba-jooga Degmada Sabowanaag Oo 10,000$ Ugu Deeqday Horumarinta Degmada Sabowanaags

    Hargeysa(xogreebnews-Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada Sabowanaag ayaa habeenkii xalay gudoonsiisay Ururka Horumarinta Degmada Sabowanaag ee Tabantaabo deeq lacageed oo dhan 10,000 Toban Kun oo dolar oo ay kaga qayb-qaadanayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews-Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada Sabowanaag ayaa habeenkii xalay gudoonsiisay Ururka Horumarinta Degmada Sabowanaag ee Tabantaabo deeq lacageed oo dhan 10,000 Toban Kun oo dolar oo ay kaga qayb-qaadanayso dada

Hargeysa(xogreebnews-Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada Sabowanaag ayaa habeenkii xalay gudoonsiisay Ururka Horumarinta Degmada Sabowanaag ee Tabantaabo deeq lacageed oo dhan 10,000 Toban Kun oo dolar oo ay kaga qayb-qaadanaysodadaalka horumarineed ee ayqurba-jooga Degmadaasi ugu jiraan Deegaankaas.

Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbajooga Degmada Sabowanaag oo ka mida xubnaha ugu firfircoon Qurbajooga Degmada Sabawanaag isla markaana had iyo jeer ku caanaTaakulaynta iyo taageera joogta ah ee ay u fidiso Bulshada Danyarta ah u ee Deeganka Sabawanaag ayaa Deeqdan lacagta ah ku wareejisay Kulan Afura oo habeenkii xalay ay Ururka Samafalka ee Tabantaabo u sameeyey 70 Xubnood oo ka mida Qurbajooga Degmada Sabawanaag Kulanka Afurka ah oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horeyntii Warbixin kooban ka bixiyey Taageerada iyo Taakulaynta joogtada ah ee ay Marwo Khadra Cumar Qardhaas la garab joogto bulshada danyarta ah ee Degmada Sabawanaag iyo Ururka Tabantaabo Gudoomiyaha Guud ee Ururka Tabantaabo Mr.Xamse Gaaxuug.

Gudoomiye ayaa waxa uu tilmaamay in Marwo Khadra Cumar Qardhaas ay tahay Xubin ku qaaliya guud ahaan Bulshada reer Sabowanaag gaar ahaana Ururkoodan Tabantaabo oo uu xusay iay Marwadani tahay lafdhabta kaliya ee uu ka dhaqaaqo ururkoodu isagoo isla markaana xusay in aanay ahayn markii koobaad ama labaad iyo sedexaad ee ay ku deeqdo lacag sidan u miisaan culus balse ay si joogto ah bilwalba marwadu ururka iyo bulshada baahan ee degmada ugu deeqdo qaadhaan aaan kala go in isla markaana xadi badan ,Gudoomiye Ururka Tabantaabo ayaa sidoo kale u soo jeediyey xubnahii kale ee qurbajooga ahaa iyo Ganacsatadii kale ee kulanka kazoo qayb-gashay inay Marwo Khadra Cumar Qardhaas u noqoto Tusaale fiican oo ay qaadhaanka iyo taakulada dadkooda baahan kaga daydaan

Sidoo kale waxa iyana madasha ka hadlay Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , Guudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Shugri Xulul ,Gudoomiyaha Haayada ICT-ga Qaranka Mr.Cali Cabdilaahi Daahir ,Xoghayaha Dawlada hoose ee Hargeysa Mowliid Waris , Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Ururka Tabantaabo Marwo Aamina Casayr iyo Ayaan Axmed Baashe oo kamida Saraakiisha Sare Ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo dhamaantood uga mahadnaqay Marwo Khadra Cumar Qardhaas taakulada joogtada ah ee ay dadweynaha Sabawanaag la garab joogto marwalba iyagoo isla markaana balanqaaday inay ku dayan doonaan

Gabogabadii Xafladan ay Marwadu ku gudoonsiinaysay deeqda ururka ayaa waxa ay Hogaanka Sare ee ururku Marwo Khadra Cumar Qardhaas gudoonsiiyeen Shahaado Sharaf ay ku maamuusayaan Doorka au kaga jirto horumarinta Degmada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured