Xog-hayihii Arrimaha Dibadda Ee UCID Oo Ka Hadlay Sababta Uu Xilkiisa Ku Waayay

0
Monday July 21, 2014 - 19:38:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-hayihii Arrimaha Dibadda Ee UCID Oo Ka Hadlay Sababta Uu Xilkiisa Ku Waayay

    Hargeisa(xogreebnews.com-WAR SAXAAFADEED KU SOCDA TAAGEERAYAASHA XISBIGA UCID- SOMALILAND.Ujeedo: Ka tanaasul dhamaanba xubinnimaddii Xisbiga UCID.Waxa aan u sheegayaa dhamaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-WAR SAXAAFADEED KU SOCDA TAAGEERAYAASHA XISBIGA UCID- SOMALILAND.Ujeedo: Ka tanaasul dhamaanba xubinnimaddii Xisbiga UCID.Waxa aan u sheegayaa dhamaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID Hargeisa(xogreebnews.com-WAR SAXAAFADEED KU SOCDA TAAGEERAYAASHA XISBIGA UCID- SOMALILAND.Ujeedo: Ka tanaasul dhamaanba xubinnimaddii Xisbiga UCID.Waxa aan u sheegayaa dhamaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20kii July 2014 aan ka tanaasulay/ka tegay dhamaanba ka mid noqoshaddii Xisbiga UCID aniga oo ku salaynaya arrimaha soo socda:
Waxa ay ahayd maalintii ay taariikhdu ahayd 17kii July 2014 mar aan bixiyay waraysi uu ila yeeshay weriye ka tirsan saxaafadda madaxa banaan. Waraysigaas waxa aan ku sheegay arrimo la xidhiidha colaada Madaxweynaha Djibouti uu u qabo dadka iyo dalka S/land.Maalin kadib, 18kuu July 2014 waxa aan saxaafadda madaxa banaan ku arkay in la iga qaaday xilkii aan u hayay Xisbiga UCID ee ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, uuna ku saxeexan yahay Gud. Ku xigeenka 3aad ee Xisbiga, Cali Guray.Waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga in:aan marnaba la ila soo xidhiidhin oo aan madaxda xisbigu waxba iga weydiin sida ay wax u dhaceen iyo arrimaha aan soo ban dhigay cadayntoodii.

aanu Cali Guray awood u lahayn in uu xil iga qaadi karo, sida aanu awood ugu lahayn in uu xil cid u magacaabi karo, aanayna hore u dhicin in uu cid magacaabo ama acid xil ka qaado Dhamaanba Gudigii fulinta iyo golihii dhexe ee Xisbiga cid kasta oo aan kala xidhiidhayba ay ii cadaysay in aanay ka war qabin haba yaraatee, aan la isugu yeedhin, waxna laga weydiin arrinkan. Kadib xidhiidh na dhex maray madaxda ugu saraysa xisbiga waxa la ii sheegay in si kastaba wax u dhaceena ay arrintu ku timid culays weyn oo kaga yimid ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee degaankoodu yahay Djibouiti iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Djibouti ee kasoo jeeda S/land.Waxa kale oo ay ii sheegeen in qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID ay dawladda Djibouti siisay baasbooro Djiboutian ah, isla markaana ay dhaqaale xoog ah ka helaan xisbi ahaan dalka Djibouti, sidaas daraadeed ay ku qasban yihiin in ay oofiyaan codsiga kaga yimid ee ahaa in la iga qaado xilka. Hadaba aniga oo ilaalinaya sumcadda S/land, tayda shaqsi ahaaneed iyo tan dadka reer Somaliland-ba waxa aan maanta si sharaf leh u ogolaaday xil ka qaadidaas uu xisbiga UCID igaga qaaday mansabkii Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, iyaga oo raali gelinaya dal shisheeye oo run ahaantii cadaystay kasoo horjeedka qadiyadda gooni isu taaga S/land. Aniga oo ilaalinaya sharafta wadaninimada Somaliland iyo karaamada dadkaygaba waxa kale oo aan go’aansaday in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20kii July 2014 aan ka tanaasulay dhamaanba xubinimaddii gudida fulinta, golaha dhexe iyo weliba xubinimaddii caadiga ahayd ee Xisbiga UCID. Waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga UCID iyo dhamaanba bulsho weynta reer Somliland in ay inagu tahay nusqaan iyo karaamo dhac in looga taliyo dalkeena dal kale oo si buuxda uga soo horjeeda madaxbanaanida S/land iyo weliba horumarka dhaqaale ee dalkeena. Waxa aan u sheegayaa madaxda xisbiyada qaranka iyo kuwa xukuumadda S/land-ba in aanay ku bedelan qadiyadda S/land baasbooro Djiboutian ah iyo woxogaa lacag ah, ayna ugu badinayso haddii ay aaminaan dalkooda iyo dadkoodaba.Waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee kasoo jeeda Somaliland, laakiin ganacsigoodu ku salaysan yahay Djibouti ay si badheedh ah ugu ololeeyaan, dadkana ka dhaadhiciyaan figradda ah: In haddii nin reer Berbera ahi qabsado xukunka Somaliland uu awoodda saaridoono in uu hore u mariyo dekedda Berbera, taasuna ay keenidoonto in Somaliland iyo Ethiopia-ka guuraan dekedda Djibouti.Sidaas daraadeed ay ugu badinayso in ay lugaha qabtaan musharaxa xisbiga UCID oo kasoo jeeda magaalada Berbera, kolbana la horkeeno nin ay hayb sare wadaagaan ayse ogyihiin in aanu mudan Karin hanashada hogaanka dalka. Waxa iyaduna nasiib darro ah in Musharaxa Xisbiga UCID uu rumaysto in uu taageero ka helidoono ganacsatadaas, marka ay arrimuhu kala miirmaan, taas oo aanu marnaba Ismaciil Cumar Geele ka yeelayn nimankan reer Somaliland ee uu isagu ku adeegto.Waxa ay mar kasta u sheegaan dadka ay rabaan in ay wax ka dhaadhiciyaan in markii ugu horaysay ee dadka reer Somaliland ay si buuxda uga maarmeen dekedda Djibouti ay ahayd markii uu xukunka S/land qabtay Maxadweyne Maxamed X. Ibrahim Cigaal oo kasoo jeeday magaaladda Berbera.Hadda haddii uu mar kale qabto nin reer Berbera ahina ay suurto gal tahay in uu intaas kasii balaadhiyo oo uu si toosa ugu furo dalweynaha Ethiopia. Ugu dambayn waxa aan u rajaynayaa shacbi weynaha S/land meel kasta oo ay joogaan iyo xisbi kasta oo ay aaminsan yihiinba guul iyo gobonimo. Waxaanan kula dardaarmayaa in ay ka feejignaadaan cadawga isku ekeysiinaya laakiin ka talinaya danaha shisheeyaha.Guul iyo Gobonimo
Yuusuf Budle
Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda UCID.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured