Wasiir Cukuse oo Maanta Amar Ku Siiyey Saxaafadda Madaxa Banaan inay Kaadhadh Aqoonsiga ay Ka Qaataan Wasaaradda Warfaafinta,Arintaasi oo Muujinaysa Sida aysan Xukuumadda Siilaanyo u Ogolayn Madax Banaanida iyo Xoriyadda Saxaafadda.

0
Monday July 21, 2014 - 00:20:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo Maanta Amar Ku Siiyey Saxaafadda Madaxa Banaan inay Kaadhadh Aqoonsiga ay Ka Qaataan Wasaaradda Warfaafinta,Arintaasi oo Muujinaysa Sida aysan Xukuumadda Siilaanyo u Ogolayn Madax Banaanida iyo Xoriyadda Saxaafadda.

    Hargeysa(Xogreebnews) wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse oo maanta xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda hargeysa uga khudbadeynayey shaqaale weynaha wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in wixii maanta ka danbeeya saxaafadda mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse oo maanta xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda hargeysa uga khudbadeynayey shaqaale weynaha wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in wixii maanta ka danbeeya saxaafadda madaxa banaani kaadhadhka aqoonsiga ka qaatan doonto wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Hadalka wasiirka ayaa waxa uu daliil u yahay sida xukuumadda siilaanyo ay uga go’an tahay cabudhinta saxaafadda xorta ah,oo tan iyo markii xukuumadda uu hogaamiyo siilaanyo talada dalka la wareegtay waxay soo maleegtay qorshayaal tiro badan oo lagu cabudhinayo saxaafadda xorta ah,iyadoo tiradii ugu badneyd ee suxufiyiin ah abid ay xukuumadda siilaanyo xidhay,isla markaana waxay albaabadda u laabtay xarumo warbaahineed oo ay ugu danbeysay wargeysyada HUBAAL iyo HAATUF oo ay xariyaad saartay.

Tacadiga xad dhaafka ah ee xukuumadda siilaanyo ku hayso saxaafadda oo marka horeba tiro dhaafay ayaa hada waxay u muuqataa in qorshe u muuqda in waqti hore la qorsheeyey uu fuliyo wasiir cukuse,waxana daliil u ah kol hadii uu maanta yidhi dhamaan saxaafadda madaxa banaani waa inay kaadhadhka aqoonsiga ka qaadataa wasaaradda warfaafinta,arintaasi oo ka hor imanaysa xeerka saxaafadda oo sheegaya in saxaafadu madax banaan tahay oo aysan hoos tegay isla markaana amarka ka qaadaynayn wasaaradda xukuumadu maamusho ee warfaafinta.

Qorshahan guracan ee wasiir cukuse doonayo ayaan weli ka ururka suxufiyiinta ee SOLJA iyo warbaahinta madaxa banaani,dadka ku dhuun daloola arimaha saxaafadda ayaa waxay ku macanynayaan hadalka ka soo yeedhay wasiir cukuse mid ay dabada ka riixayaan kooxaha awooda badan oo ka arimiye aqalka madaxtooyadda oo ka werwersan xaqiiqooyinka ay warbaahinta madaxa banaani u soo bandhigto bulshada,arintaasi oo cabsi ku abuurtay kooxahan ka arimiya madaxtooyadda Somaliland in bulshadu ogaan doonto xaaladda dhabta ah ee uu dalku marayo ,markaana laga tashan doono nidaamka jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured