Wasiirka Dib Udajinta Oo Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Ku Eedeeyey In Ay Iska Sheegato Magaca Madaxtooyada,Xafiiskaasina Hoos Yimaado Wasaaradiisa

0
Sunday July 20, 2014 - 19:33:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dib Udajinta Oo Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Ku Eedeeyey In Ay Iska Sheegato Magaca Madaxtooyada,Xafiiskaasina Hoos Yimaado Wasaaradiisa

    Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaarada Dib u dajinta iyo dib udhiska Somaliland Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in Xafiiskii hore u ahaan jiray Samafalka Madaxtooyadu uu hada hoos yimaado Wasaarada dib u dajinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaarada Dib u dajinta iyo dib udhiska Somaliland Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in Xafiiskii hore u ahaan jiray Samafalka Madaxtooyadu uu hada hoos yimaado Wasaarada dib u dajinta

Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaarada Dib u dajinta iyo dib udhiska Somaliland Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in Xafiiskii hore u ahaan jiray Samafalka Madaxtooyadu uu hada hoos yimaado Wasaarada dib u dajinta iyo dib u dhiska,waxaana uu carabka ku dhuftay in Masuulka Xafiiskaasi maamushaa ay sheegato marka ay munaasibadaha ka qayb galayso in Xafiiskaasi uu hoos yimaado Madaxtooyada,balse uu si toos ah maamulkiisa iyo miisaaniyadiisuba ay ku tiirsan yihiin Wasaarada Dib u dajinta Iyo dib u dhiska Somaliland.

Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa,waxaana uu tibaaxay in Xafiiskaasi uu yahay Waax ka tirsan Wasaarada Dib udajinta Somaliland isla mar ahaantaana aan lagaranayn u jeedada rasmiga ah ee ay u masuulka waaxdaasi maamusha ay u sheegato magaca Madaxtooyada.

"Walaahi gabadhaasi iyada ayaa iska sheegata waxaas,Xafiiskanay hoos timaadaa,Miisaaniyadeeduna halkanay taalaa anaga ayaa siina,Mushaharooyinka Shaqaalahoda anaga ayaa bixina,Markaa dee iyadu hadii ay iska sheegato iyada ayaad su'aashaas aad waydiin doontaan ee iyadu Wasaaradan ayaa ay ka tirsan tahay Xataa Mushaharkeeda anaga ayaa bixina"Ayuu yidhi Axmed Cabdi Kaahin

Wasiirka Wasaarada Dib u dejinta iyo dib u dhiska Somaliland waxaa uu sida oo kale uu shaaciyey in ay dhawaan dalka ka hir galin doonaan 800-oo guri oo ay u dhisayaan dadka barakacayaasha ah,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ka wasaarad ahaan ay aad ugu yartahay Miisaaniyada ay dawladu siiso balse ay hadana ay ku dadaalaan si ay hawlaha shaqo ama adeegyada ay Wasaaradu ay u qaabilsantahay bulshada ay Mucaawinooyin u soo waydiiso Haayadaha Caalamiga ahi in caawiyaan dadka Qaxoontiga ah ee ku nool dalka.

“Inksata oo Wasaarada xaga miisaaniyadu ay ku yartahay oo aanan dhaqaale badan aanan haynin oo aanu hawsha ku sii fulino hadana Haayada haas ayaanu barinaa oo aanu u codsanaa inay dadkan dhibaatooyinku ay haystaan ay guryaha ay u dhisaan Imika sanadkan Waxaanu dhisaynaa 800-oo Guri Burcaanu ka dhisaynaa,Barberaanu ka dhisayna,Booramaanu ka dhisaynaa oo waxaas oodhanba Wasaarada ayaa soo jiiday dib udhiskaa dadka oo Haayadaha u soo bariday,Dawladaha Hoosena dhulkaanu waydiinaa oo dhulka ayaa ay bixiyaan sidaas ayaanu danyarta aanu wax ugu qabanaa Somaliland,waana ay fidaysaa oo Gobalada kale oo dhana waa ay tagaysaa"Ayuu yidhi Md:Axmed Cabdi Kaahin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured