Xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta Qalalan Kadib Markii Laga Jaray Biyihii Qasabada

0
Sunday July 20, 2014 - 19:21:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta Qalalan Kadib Markii Laga Jaray Biyihii Qasabada

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa Golaha Baarlamanaka ka jartay biyihii ay ka isticmaali jireen qasabada wakaaladda Biyaha Hargeysa ee ugu jirtay xarunta ay ku yaalaana labada Aqal ee Wakiiladda iyo Guurtiddu.xoghayaha guudXogh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa Golaha Baarlamanaka ka jartay biyihii ay ka isticmaali jireen qasabada wakaaladda Biyaha Hargeysa ee ugu jirtay xarunta ay ku yaalaana labada Aqal ee Wakiiladda iyo Guurtiddu.xoghayaha guudXoghayaha Guud ee Golaha Hargeysa(xogreebnews.com-Wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa Golaha Baarlamanaka ka jartay biyihii ay ka isticmaali jireen qasabada wakaaladda Biyaha Hargeysa ee ugu jirtay xarunta ay ku yaalaana labada Aqal ee Wakiiladda iyo Guurtiddu.xoghayaha guudXoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Aayaanle ayaa sheegay in aanay garanayn sababta ay wakaaladdu ugua jartay biyaha, waxaanu sheegay in aanay wax lacag ah ku lahayn ee ay si joogta ah bil walba uga qaataan Bill-kooda.Xoghaye C/risaaq Siciid Ayaanle waxa uu sheegay in ay u arkaan Gef in Xarunta Baarlamaanka laga jaro biyaha iyadoon wax lacag ah lagu lahayn, isla markaana lagu jiro Bil cibaado oo ay u baahan yihiin xildhibaanada iyo shaqaalaha Goluhu biyo ay u isticmaalaan Weysada.C/risaaq Siciid Aayaanle waxa uu sheegay wakaaladda Biyaha inaanay wax gawshiiyo ah ka siini biyaha ay Xarunta Baarlamaanka ka jareen, isagoo ku dooday in biyuhu uga socdaan xafiisyada kale ee la jaarka ah si caadi ah, gaar ahaan Madaxtooyadda oo ay iska soo horjeedaan.

Xoghaye C/risaaq Siciid waxa uu wakaaladda ku eedeeyey inay biyaha ka jartay muddo ku siman bishan Ramadaan oo dhan oo aanay wax biyo ah arag, isagoo ku dooday masuuliyiinta wakaaladdu inaanay illaa hada jawaab ka siinin xafiiskiisa oo u qaabilsan Golaha arrimaha Maamulka sababta ay u heli waayeen biyo.Caasimada Hargeysa ayaa laga dareemayaa biyo la’aan xad dhaaf ah maadaama la galay xilli kulayle ah oo ay Dadweynuhu isticaamalayaan Biyo ka badan intii ay hore u isticmaali jireen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured