Afmadoow oo lagu soo celinayo siduu Siyaad Barre kaga tagay dhismayaashi

0
Sunday July 20, 2014 - 18:08:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afmadoow oo lagu soo celinayo siduu Siyaad Barre kaga tagay dhismayaashi

    Kismaayo()xogreebnews.com-Bilihii lasoo dhaafay Maamulka Jubba ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka waday hawlo lagu saxayo qorshihii dowladda hoose ee deegaameynta magaalooyinka.Maamulka degmada ayaa cagaf galiyey dhamaan dhismayaashii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo()xogreebnews.com-Bilihii lasoo dhaafay Maamulka Jubba ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka waday hawlo lagu saxayo qorshihii dowladda hoose ee deegaameynta magaalooyinka.Maamulka degmada ayaa cagaf galiyey dhamaan dhismayaashii la dhist Kismaayo()xogreebnews.com-Bilihii lasoo dhaafay Maamulka Jubba ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka waday hawlo lagu saxayo qorshihii dowladda hoose ee deegaameynta magaalooyinka.Maamulka degmada ayaa cagaf galiyey dhamaan dhismayaashii la dhistey wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Jaale Maxamed Siyaad Bare, lagana dhistey hareeraha dariiqyada iyo dhismayaasha danta guud.Goobaha la dumiyey waxaa ka mid ah dhismayaal ganacsi oo si quman dhidibada ugu aasnaa, kana samaysnaa dhagax, iyo kuwa kalaba, qaarkoodna ahaayeen ganacsiyo waaweyn oo ah laf dhabarta magaalada.Waxaa la baneeyey meel kasta oo uu jid ku aadayay, xitaa xaafadaha dhexdooda, iyada oo guryaha deegaanka qaarkood qeyb laga dumiyey xeendaabkoodii ama qolal ku dhisnaa meesha.Waxaa kale oo iyagana gabi ahaanbaa la burburiyey guryo deegaan ah oo si rasmi ah looga dhistey meelo horey banaan u ahayd sida agagaarka saldhigga Police-ka, xaruntii quwada korontada iyo waliba farsamada gacanta iyo farshaxanka (dumeestiko).Dadka leh guryaha rasmiga ah ayaa dib loogu samaynayaa waraaqo lahaanshiyo, lana diiwaangalinayaa.Hawlahan waxaa meesha oga baxay boqolaal ganacsi, kuwaasi oo haatan dadkii lahaa ay ka cabanayaan in maamulka uusan u qoondeynin meel ay degaan, kaliya laga burburiyey.Waxaa jira dhul danta guud oo gabi ahaanba dadka dhisteen, waxaana ka mid ah beertii wakaaladda dhirta iyo daaqa, halkaasi oo laga jaray dhirtii baxarsaafka ahayd eek u tiiley, waxaa kale oo la deegaamaystey xaruntii laanta ganacsiga, keydka shidaalka, bangiga iyo dhamaan dhulkii banaanaa ee u dhaxeeyey xarumaha dowladda degmada oo iska soo wada horjeedey.

Afmadoow ayaa waxa ay leedahay nidaam ay degmooyinka kale kaga duwantahay, iyada oo dhamaan xarumaha dowladda ay ku yaalaan meel ka yara go’an xaafadaha magaalada, waxaana u dhaxeeya barxad weyn oo bandhigyada iyo munaasabadaha loogu talogalay, halkaasi oo uu calanka ka suranyahay. Maamulkana waxa uu rabaa in uu soo celiyo nidaamkaasi.
Magaalada Kismaayo ayaa iyana hawlgal kaasi la mid ah uu ka socdey, inkasta oo uusan u balaarneyn sida kan Afmadoow ka dhaqangalay oo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured