Aqoonsi Ma Keeni Kartaa Xukuumadda Wali La Rafanaysa Furista Xuduuddaha Jaarkeedu?

0
Sunday July 20, 2014 - 18:05:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonsi Ma Keeni Kartaa Xukuumadda Wali La Rafanaysa Furista Xuduuddaha Jaarkeedu?

    Hargeisa(xogreebnews.com-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maanta socdaal ugu ambo baxay dalka Itoobiya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maanta socdaal ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii Wasiirka Khaarajiga oo todobaadkii hore weftigii Madaxweynaha dalkasasi u raacay, ka soo laabtay isla maanta.Labada wasiir ayaa isku waydaartay Madaarka Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo midna ka soo degay ka kalena ka dhoofay, waxaanay warbaahinta u sheegeen in Itoobiya xidhiidh iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya la leedahay Somaliland.Is-dhaaf dhaafka wasiirrada Somaliland ee Itoobiya wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu hadal hayn uun ku koobanyahay furista xadka ay labada dal wadaagaan oo muddo bil ka badan u xidhnaa cabsi dhanka amniga ah,kaddib markii ay Itoobiya u hakisay dadkii dhanka Dhulka ku safrayay ee dalkeeda uga gudbayay xaga Somaliland.Sidoo kale Xadka ay Somaliland la wadaagto dalka Djibouti ayaa wali waxa ka taagan culays aan sidii hore waxba kaga duwanayn oo lagu hayo Dadka reer Somaliland ee dalkaasi u safraya, iyadoo culayskaasi sida la sheegay labada dawladdood heshiis ku yihiin.Maxamed Biixi Yoonis oo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Diyaaradaha ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo furayo Xuduudka labada dal ee xidhnaa. Reysal-wasaaraha dalka Itoobiya ayaa isna laga soo xigtay hadalkaasi la mid ah, walise isu socod muuqda oo labada dal ahi ma suurto gelin, sida ay Gobanimonews u ka heshay mid ka mid ah meelaha laysaga gudbo ee xadka.,Wasiirka Khaarajiga Somaliland wuxuu ka mid ahaa weftigiiMadaxweynaha ee la kulmay Madaxda Itoobiya, kuwaasoo ay ka wada hadleen arrimaha xadka, isagoo ka hadlayay waxyaabihii itoobiya uga soo qabsoomay, waxa uu sheegay in isfaham wanaagsani dhex maray dalka ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya.Geeska kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hogaaminayay weftiga heer nabad-gelyo ee Itoobiya u ambo baxay, ayaa sheegay inay dalkaasi kala soo hadlayaa arrimo khuseeya adkeynta ammaanka xuduudaha iyo wada shaqaynta Hay’addaha u qaabilsan labad dawladdood.

Waran-cadde ayaa Warbaahinta ugu sheegay qolka nasashada “waxaanu u baxaynaa xagga Itoobiya wefti dhanka nabad-gelyada ah oo aan hogaaminayaa, waxaan u tegaynaa inaanu arrimaha nabad-gelyada oo muhiim noo ah aanu isla soo meel dhigno”ayuu yidhi.Wasiir Waran cadde waxa uu intaas ku daray “waxaanu ka wada hadlaynaa sida ugu wanaagsan ee loo wada shaqeyn karo iyo sida ugu wanaagsan ee xuduudaha loo furi karo. “Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo xuduud dheer iyo cadow badan leh”ayuu yidhi.Duruufo kale oo horyaala Safarka Waran-caddeInkasta oo Weftiga Waran-cadde arrimaha socdaalkooda ku sheegeen kuwo la xidhiidha dhanka amniga, hadana ilo-wareedyo Sheegayaan heshay ayaa intaas ku daraya in weftigu dalka Itoobiya kala hadlayo sidii loogu soo deyn lahaa Mishiino loogu talo galay in Baasboorka cusub ee Somaliland lagu sameeyo oo in muddo ah ku xanibnaa Madaarka Addis-ababa.Qalabkaasoo sida ala sheegay Transite ku soo mari lahaa Itoobiya ayaa xukuumadda Addis-ababa u xayirtay cashuur ay ka doonayso oo qadarkeedu aad u badanyahay, taasoo inta laga war qabo todobaadkii hore laysku afgaran waayay xadiga lacagta ay ka doonayso.Kastamka Madaarka diyaaradaha ee Addisababa ayaa la sheegay inuu Agabkaasi ku dul dhigay cashuur dhan $45000, taasoo Somaliland ka biyo diiday inay bixiso, balse ay u ogolaatay $15000.Si kastaba ha ahaatee socdaalada aan kala joogsiga lahayn ee ay Masuuliyiinta Somaliland isugu waydaaranayaan dalalka Itoobiya iyo Djibouti, ayaa muujinaya in culays badani ka soo fuulay wadamadan ay jaarka, culayskaasoo ah mid aan noociisu hore uga dhex dhicin dalalka Gobolka.Waxaanay taasi muujinaysaa habacsanaanta diblomaasiyaddeed iyo maamul xumadda haysata Xukuumadda uu madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo oo dalka afar sanno hogaaminayso, isla markaana mugdi badan gelisay meeqaabkii ay caalamku ula macaamili jireen somaliland, taasoo maraysa in madax iyo minjo saraakiisha dawladdu sida rayidka ugu safraan dalalka xidhiidhku ka dhexeeyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured