Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Aragtida Xisbiga Ucid Ee La Xidhiidha Muwaadiniinta La Sheegay In Loo Gudbiyey Wadanka Djabouti.

0
Sunday July 20, 2014 - 18:01:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Aragtida Xisbiga Ucid Ee La Xidhiidha Muwaadiniinta La Sheegay In Loo Gudbiyey Wadanka Djabouti.

    Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay aragtida uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka qabo muwaadiniinta u dhashay dalka la sheegay inay xukuumadu u gacan gelisay dawlada Djabouti.M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay aragtida uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka qabo muwaadiniinta u dhashay dalka la sheegay inay xukuumadu u gacan gelisay dawlada Djabouti.Musharaxa Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay aragtida uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka qabo muwaadiniinta u dhashay dalka la sheegay inay xukuumadu u gacan gelisay dawlada Djabouti.Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga oo ka jawaabayey su,aal masuuliyiinta xisbiga Ucid laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inuu xisbiga Ucid ka taagan yahay sida uu dastuurku uga hadlay. Ugu horayn musharaxa mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya aragtida xisbiga Ucid ee la xidhiidha arintan ayaa waxa uu yidhi “Dastuurka qaranka Somaliland qodobkiisa 35aad waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta dalka u dhalatay inaan meel kale la gayn doonin, anaguna dastuurka ayaanu ilaalinaynaa, haddii ay jiraan xidhiidho ama heshiisyo gaar ah oo ay dawladuhu ku heshiiyeen in dadka laysu gudbiyo, in muwaadiniin Somaliland ah la gudbiyo anaga xisbigayagu ma ogolin waana arin cad oo dastuurkuna ogol yahay, laakiin dadka la gudbiyey inay muwaadiniin yihiin iyo in kale sida ay xukuumadu ay sheegtay inaanay jirin anagu warkooda ayaanu qaadanaynaa.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Laakiin xidhiidhada jira inagaba dad ayaa laynoo soo gudbiyaa danbiyo inaga galay oo ay inoo soo celiyaan wadamada jaarka, haddii ay jiraan xidhiidhadaas gaarka ahina waa ka gaar laakiin sida uu dastuurku sheegayo qofka muwaadinka ah ee dalka u dhashay waa in dalka lagu xukumaa, taas ayuunbuu xisbigayagu aaminsan yahay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured