Al Shabaab Oo Somalia Ka Furtay Xarun Lagu Ururinayo Caruurta Iyo Qayla Dhaanta Waalidiin Ka Digay

0
Sunday July 20, 2014 - 17:41:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Somalia Ka Furtay Xarun Lagu Ururinayo Caruurta Iyo Qayla Dhaanta Waalidiin Ka Digay

    Baraawe(xogreebnews.com-Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegtay inay furtay xarun daryeel oo ay ku ururinayso carruunta derbi-jiifka ah ee Soomaalida, taasoo ay ka fureen goobaha ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee qaar ka mid ah waal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraawe(xogreebnews.com-Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegtay inay furtay xarun daryeel oo ay ku ururinayso carruunta derbi-jiifka ah ee Soomaalida, taasoo ay ka fureen goobaha ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ku Baraawe(xogreebnews.com-Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegtay inay furtay xarun daryeel oo ay ku ururinayso carruunta derbi-jiifka ah ee Soomaalida, taasoo ay ka fureen goobaha ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ku tilmaamay xaruntaa mid lagu askaraynayo caruurta, si loogu adeegsado ciidan ahaan, kuna eedeeyay al shabaab inay xoog ku kaxaysanayaan dhalaanka. Mareegta kooxda Al-shabaab ee Radio Al-Furqaan, ayaa faafisay carruur fadhida xarun lagu sheegay in ay al-Shabaab u furtay dhallinyarada danyarta ah ee Baraawe oo lagu magacaabo al-Amal. Hoggaamiyaha kooxda al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo farriin cod ah ku baahiyey mareegta Radio Al-Furqaan, waxa uu sheegay in al-shabaab furtay xarun lagu ururinayo ubadka yar-yar ee darbi-jiifka ah. “Waa xarun lagu dhaqan-celinayo carruurta yar-yar ee marin habaabay ama aan hoyga lahayn oo ay dayaceen bulshadu.” Ayuu yidhi Sheekhaas ku hadlayay afka kooxda Al-shabaab oo hadal ka jeediyey munaasibadii furitaanka xaruntaa cusub. wuxuu intaa ku daray inay xaruntaa ku soo dhawaynayaan carruurta agoonta ah ee waalidkood dhintay, isla markaana wuxuu ku boorriyay waalidiinta carruurta iskuulka ka hadhay iyo qoysaska dibaddaha ku nool ee Soomaalida ee dalka dib ugu soo celiyay inay soo qoraan carruurtooda, “Carruurta lagu soo celiyay Muqdisho ee waddamada Galbeedka laga keenay waxay u baahan yihiin dhaqan-celin. Waxaan ku boorrinayaa qurbo-joogta inay ka faa’iidaystaan xarunta cusub ee loo furay.” Ayuu yidhi. Dhinaca kale siday baahisay shabakada internetka ee Sabaahi qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ka digay xaruntaa, kuna tilmaamay mid lagu askaraynayo caruurta yar yar. Suldaan Cali Xasan Ibraahim, oo ah oday 60-jir ah oo ka soo jeeda deegaanka Baraawe, ayaa siday baahisay shabakadaasi waxa uu sheegey in xaruntaa ay ka buuxaan carruur laga soo qaatay guriyahoodii. “Xarunta waxa ka buuxa carruur laga soo xaday guriyahooda iyo dugsiyadoodii ay dhigan jireen. Shacabka reer Baraawe maaha xor, sidaas darteed waxa carruurta la geeyaa waxa lagu sheegayo xeryo dhaqan-celin, iyagoo aan raali ka ahayn. markaa Kenya Waxay ilaalin xoog leh saartay goobaha ardaydu wax ka barato sidii looga ilaalin laha carruunta inay ku Biiraan A-lshabaab” ayuu yidhi Suldaan Cali. Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi, “Carruur aad u yar-yar ayay galiyaan xeryaha, siiba carruurta ay da’doodu u dhexeeyso 12-ka iyo 16, kuwaasoo ay rumaysan yihiin inay ku marin habaabin karaan inay ka dhaadhiciyaan wax allaale iyo wixii ay doonaan.” Nin isaguna magaciisa ku soo koobay Ibrahim oo isna u waramay shabakada wararka ee Sabaahi wuxuu sheegay in al-Shabaab xarun la mid ah ta ay Baraawe ka furatay oo kale, ka furteen Sablaale oo ah Shabeellaha hoose ah iyo Bu’aale oo Jubadda dhexe ah, isla markaana waxa uu sheegay Aabahaasi in lix carruur ah oo qaraabadiisa ah ay ku jiraan ay qafaalatay al-Shabaab.”Ma kala soo caan carruurta. Waxay xitaa kaxaystaan kuwa aada Iskuulka iyo kuwa wax ku barta masaajidyada. Carruurtan looma oggola inay soo booqdaan qaraabadooda,”ayuu yidhi Ibraahim. Siday faafisay shebekada Sabaahi Maxamed Yacquub oo ah 38-jir ah ayaa caruurtiisa kala soo carraray Barawe. ” Waxaan la soo carraray carruurtaydii oo Al-shabaab doodayso inay iga qaado, waxaanay leeyihiin waxbaanu baraynaa. Waxay rabaan inay carruurta askareeyaan oo ay qarax u dhiibaan ama dagaalka galiyaan ee maaha xarumo wax kale lagu dhiganayo. Ujeeddadoodu maaha inay dhaqaaleeyaan, sida ay sheeganayaan ee waxa weeye inay qarax u dhiibaan.” Ayuu yidhi Maxamed Yacquub siday sheegtay shebekadaasi. Abuukar Sheekh Xasan, oo shebekadaasi sheegtay inuu mid yahay oday dhaqameedka Muqdisho oo isna la hadlay shabakada Sabaahi, waxa uu ku baaqay in la ilaashado carruurta. “Hadafka al-Shabaab maaha inay carruurta u dhigaan Qur’aanka iyo diinta, laakiin waxay rabtaa inay carruurtu is-qarxiyaan.” Ayuu yidhi. Inkastoo Al shabaab ku doodayso inay xarun daryeel u furtay caruurta, hadana, waxa barbar yaala digniino ku lid ah oo sheegaya in Al shabaab caruurta askaraynayso si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto dawlada Soomaaliya, Kenya iyo dhinacyada ee dirirtu ka dhaxayso. Dhinaca kale, dawladda Kenya ayaa la sheegay inay adkaysay ilaalinta ardayda Dugsiyada oo heegan kaga jira xagjirsiinta carruurta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured