Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Mud. Cabdirahmaan Saylici, Wasiirka Arimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheikha Khaliil Cabdullahi Axmed, La Taliyaha Madaxweynaha Haldoor Barkhad Baatun Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukumadda, Culimaa’U Diin, Madaxdhaqameed Iyo marto sharaf kale Ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibadda Xidhitaanka Tartanka QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al Waxyayn ee Sanadkan 2014.
Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Mud. Cabdirahmaan Saylici, Wasiirka Arimaha Gudaha Mud.
Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheikha Khaliil
Cabdullahi Axmed, La Taliyaha Madaxweynaha Haldoor Barkhad Baatun Iyo
masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukumadda, Culimaa’U Diin, Madaxdhaqameed Iyo
marto sharaf kale Ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibadda Xidhitaanka Tartanka
QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al Waxyayn ee Sanadkan 2014.
Munaasibadda lagu Soo Gunaanadayay Tartanka QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al
Waxyayn ayaa ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa waxana
Tartankani Noqonayaa Kii ugu balaadhnaa ee Taariikh-da Abid dalka ka qabsooma
marka loo eego tiradda Aradayda Tartamayaasha ee Ka qayb galay Oo dhan 681-arday
Isugu jira Wiilal iyo Hablo kana Kala Socday Goboladda Somaliland Oo Dhan.
Dr Xuseen Xassan Gudomiyihii Gudida garsoorka Ardayda ee Axaadiista ayaa
dhankiisa ka warbixiyay Ardayda ay dhexda u ahaayeen waxana Uu Tilmaamay Inay
la kulmeen arday Xiftigooda iyo Weliba toosnidda Carabooda laga dheehan karo
Dedaalka la geliyay Sahlina kara in Somaliland iyo Qarankoodaba ay u metelaan
tartamadda Caalamka tartamadda Noocan oo kale ah.
Muuse Xaaji Cali oo isna ka tirsan gudida Garsoorka quraanka Ee Ardaydani ayaa
dhankiisa iftiimiyay sida ay dedaalka uga muuqday ardayda ay Dhexda u ahaayeen
isagoona bogaadiyay Madarasadaha macalimiinta waqtiga Geliyay Iyo weliba
Haayada tartanka Soo Diyaarisay Ee AL-HAYAAT
Sheikha Abddale Almakaawi oo isagua ku hadlayay afka Culimaddi Munaasibadaasi
kasoo qayb gashay ayaa Iftiimiyay sida muhimka u tahay in ubadkeena lagu
baraarujinta laguna barbaariye Diinteena Suuban ee Islaamka Isagoona dhankiisa
Bogaadiayay Haayada tartanka So Diyaarisay AL-HAYAAT iyo Weliba Shirkadaha kala
Qayb Qaatay Maalgeelinteeda
Gudomiyaha Haayada tartanka So Diyaarisay AL-HAYAAT Cabdixakim Saciid Barre oo
ugu horaynba munaasibadan ka Hadlay ayaa dhankiisa ka warbixiyay Dedaalka ay
ugaleen Qabsoomida Tartan dimeedkani isagoona hambalyeeyay shirkadaha ka gacansiiyay
Qabsoomidiisa iyo Weliba Jamciyadda daarul bir oo dhankeeda si weyn ugala qayb
qaadatay isagoona xusay inay tartankan ka qayb galeen 46 Madarasadood oo
Hargeysa ah 12- Kale oo ka kala Socda goboladda Dalka.
Wasiiradda Arimaha Gudaha Iyo Diinta Mud. Cali Maxamed Warancadde Iyo Khaliil
oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa dhankooda si isku mid ah u Bogaadiyay
hayadda khayriga Ah ee tartankan soo diyaarisay iyo weliba Cid walba Oo Kala
qayb qaadatay waxanay tilmaameen Sida umad walba ugu hormarto inay ku dhaqanto
diinteeda Suuban iyo Weliba Sunaha Nebiga NNKH- .
Gabagabddi Munasibadan Waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Xigeenka Dalka oo
sheegay sida ay u mudan tahay Inaanay jirin wax ka qiimo badan inay kasoo qayb
galaan munaasibad lagu tartamayay Quraanka kariimka ah iyo axaadiista Islaamka
isagoona hambalyeeyay Haayada AL-HAYAAT Iyo cid walba oo kala qayb qaadatay.
Ugu Dambeynti Madaxweyne Xigeenka ayaa Ja’iizoyinki Loogu tala galay
Gudoonsiiyay Ardayda kaalmaha hore ka galay tartankaasi Waxana Abaalmarinaha
lagu Guulaystay tartankani isugu jireen Hadyaddo Gaar ah, Lacago Dollar Ah Iyo
Weliba XAJJI-Ka Oo ay ku guulaysteen ardayda Kaalinta ugu horaysa gashay
tartamadani.
Iyaddona Haayada AL-HAYAAT Shahaadooyin ku maamuustay Madaxweyne Xigeenka
Somaliland, Hay’addaha Dar Al Bir,iyo Haayadda Caalamiga ah ee xifdiga
qur’aanka Shirkadaha TELESOM Iyo JUBBA Iyo weliba Hotel Ambassidor
Tartanka Al Waxyayn Ayaa waxa soo diyaarisay Haayadda AL HAYAAT waxa
maalgalintiisa ka qayb qaatay muxsiniin kala duwan oo ay hormuud ka tahay
shirkadda Telesom, Ambassador Hotel, Jubba Airlines, Hay’adda Caalamiga ah ee
xifdiga qur’aanka iyo Hay’adda Dar Al Bir.
Halka Ka Akhri Magacyadda Iyo Ardayda Ku Guulaystay Tartankaasi
30 Jiz, inamada
1. Axmed yaasiin Yusuuf maxamuud Ismaciil, Daru
tawfiiq. Hargaisa
2. Khalid Maxamed cismaan
Cali,
Daaru Tawfiiq, hargaisa
3. C/laahi Cali Sulayman
rooble,
Darul itqaan, Burco
20 Jiz, inamada
1. Maxamed c/Raxiim
axmed.
Darul itqaan, Burco
2. Maxamed sugule siciid
cismaan.
Daru Tawfiiq, Hargaisa
3. Cali Aadan cismaan
hurre
Darul Huda, Hargaisa
10 Jiz, inamada
1. Jimcaale Shacbaan c/Raxman cismaan. Daru
tawfiiq, Hargaisa
2. C/fataax c/laahi Faarax
axmed.
Daru Tawfiiq. Hargaisa
3. Suhayb kayse c/laahi
Maxamed.
Daaru Sunna, Wajaale
30 Jiz, hablo
1. Asma maxamuud Nuur
Muxumed.
Darul ixsaan, Hargaisa
2. Xafsa Maxamed Aadan
Xasan.
Imaamu Naafic, hargaisa
3. Xamna axmed geelle
axmed.
Xijaaz,
Hargaisa
20 Jiz, hablo
1. Nuura jaamac Iidle
samatar.
Daarul caqiida. Hargaisa
2. Faadumo c/Raxman Cali
guuleed.
Daaru Tawfiiq. Hargaisa
3. Asma axmed
Cabdi.
Daarul ixsaan. Hargaisa
10 Jiz, hablo
1. Asma axmed maxamuud
xuseen.
Maryama bintu cimraan, hargaisa
2. Hodan axmed maxamed
xuseen,
Maryama bintu cimraan , hargaisa
3. Amal Rashid c/laahi
aadan.
Daarul ixsaan, Hargaisa,
Qaybta axaadiista
Cumdatul axkaam, inamada
1. C/majiid axmed Digaale
mire.
Daaru Tawfiiq, hargaisa
2. Khaalid axmed Maxamed
Xayd.
Ibnu taymiya, hargaisa
3. Shucayb xuseen axmed
ducaale.
Daaru tawfiiq, hargaisa
Arbaciin, inamada
1. C/Risaq maxamuud c/laahi Nuur.
Xijaaz, Hargaisa
2. C/Risaq xuseen Aadan
Cawl
Imaamu Malik, hargaisa
2. Axmed Aadan Maxamed
Aadan.
Imaam Al qaxdaani, hargaisa
Cumdaha, hablaha
1. Shamsa c/qaadir Ibraahim
Cali.
Ibnu taymiya, hargaisa
2. Najma c/laahi Maxamed
maxamuud. Darul Huda,
hargaisa
3. Asma c/Raxman xuseen
Warsame
Darul Huda, hargaisa
Arbaciinka, hablaha
1. Hodan Cumar c/laahi
Cali.
Khadija bintu khuwaylad, hargaisa
2. Fadumo kayse Aadan
axmed.
Darul Huda, hargaisa
3. Nasteexo Yusuuf Bashiir
Xirsi.
Ibnu taymiya, hargaisa
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada
Munaasibada:
Madaxweyne Xigeenka Oo Abaalmarino Gudoonsiyay Ardayda Ku Guulaysatay Tartanka Al WAXYAYN Oo Hargeysa Lagu Soo Gabgabeeyay + SAWIRO
Hargeysa(Xogreebnews)Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Mud. Cabdirahmaan Saylici, Wasiirka Arimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheikha Khaliil Cabdullahi Axmed, La Taliyaha Madaxweynaha Haldoor Barkhad Baatun Iyo m