Urursiyaasadeed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Minneapolis Carigga Maraykanka

0
Friday July 18, 2014 - 19:39:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urursiyaasadeed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Minneapolis Carigga Maraykanka

    Minneapolis ( xogreebnews.com-) Waxa maanta oo bishu tahay 07/17/2014 laga dhawaaqay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka Urur Siyaasadeed Cusub oo Magaciisa la yidhaahdo Ururka Horumarinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis ( xogreebnews.com-) Waxa maanta oo bishu tahay 07/17/2014 laga dhawaaqay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka Urur Siyaasadeed Cusub oo Magaciisa la yidhaahdo Ururka Horumarinta

Minneapolis ( xogreebnews.com-) Waxa maanta oo bishu tahay 07/17/2014 laga dhawaaqay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka Urur Siyaasadeed Cusub oo Magaciisa la yidhaahdo Ururka Horumarinta iyo dib u habaynta Somaliland ( Somaliland Reform and Development Party). Ururkan cusub ayaa ka dhashay ka bacdi wada tashi iyo fikir balaadhan oo ay isla qaateen aqoon yahanka qurba joogta ah ee Reer Somaliland. Shirkii ugu horeeyay oo ay qurbe joogtani kaga dhawaaqeen ururkan ayaa lagaga hadlay arimo badan ay ka mid yihiin

1. siyaasada arimaha dibeda oo ay xukuumada maanta jirtaa ku fashilantay

2. qorshayn la'aanta arimaha bulshada sida biyaha, cadaalada, dhaqaalaha, shaqada, maciishada, caafimaadka iyo dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee dalku u baahan yahay.

3. Waxa kale oo ay ka hadleen Siyaasad Xumada haysata Xisbiyada Mucaaridka ah oo bilaa qorshe ah isla maraana aan hayn si kale oo umada lagu bad baadin karo Somalilandna horumar lagu gaadhsiin karo.

Baaq

Waxa uu xisbigani ugu baaqayaa dhamaan bulshaweynta Somaliland meel kasta oo ay joogto in

1. In dadka la badbaadiyo

2. In laysugu yimaado shirweyne aayaha dalka lagaga tashanayo oo dhamaan aqoon yahanku ay fikirkooda ka dhiiban lahaayeen in la sameeyo siyaasad cad oo wadanka lagu maamulo.

3. In Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ahiba ay ku fashilmeen Siyaasadii Wadanka

4. In aan Doorasho hada aanay dhici karin isla markaana aan la hayn wadadeedii.

Ogeysiin:

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan Aqoon yahanka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan in Shirweynihii Ururkan Siyaasiga ah lagu Qaban doono Magaalada Hargeysa November 15, 2014.

Doorasho:

Waxa Urur Siyaasadeedkani ay doorteen Gudi Fulineed oo ku meel gaadh ah oo kala ah;

1. Dr. Maxamed Cabdi Xirsi- Gudoomiye

2. Dr. Siciid Maxamuud Filanwaa- Gudoomiye Ku xigeen

3. Eng. Khadar Muxumed Caateeye- Gudoomiye Ku xigeenka 2aad

4. Dr. Mukhtaar Sahal Shiekh Xasan-Gudoomiye ku xigeenka 3aad

5. Cabadalle Xaaji Ismaaciil Xadi- Xoghayaha Guud

6. Yaasmiin Cabdilaahi Kediye- Xoghayaha Maaliyada

7. Cabdirisaaq Maxamed Diiriye- Afhayeenka

Allaa Mahad Leh

Cabdirisaaq Maxamed Diiriye

Afhayeenka Ururka Siyaasiga ah ee Somaliland Development and Reform Party.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured